Boggaga Somalida
  Hiiraan Online
  Somali Citizen
  Gacal Magazine
  Hiiraan Today
  Somali Talk
  Horn Afrik
  STN - Tv
  Dayniile
  Banaadir
  Gedo Homepage
  Somaliland Net
  Arlaadinet
  Puntland Post
  Boggaga oo Dhan
Wargeysada
  Warsan
  Somali Press
  Ayaamaha
  Xog-Ogaal
  Dalka
  Elektaroonik
Boggaga Islamka
  Prayer Time
  Qoraxay (Tafsiirka)
  Boqolsoon
  Iviews
  CAIR US
  CAIR Canada
  ISNA
  Quran Speaks
  Islamic City
   
 

MAXAMED CABDI YUUSUF: “Khilaafka anigu waxaan isaga qaadan karaa arrin siyaasadeed”

May 7, 2003


Max'ed Cabdi Yuusuf

Waxaa toddobaadkii la soo dhaafay sii kordhayay khilaafka u dhaxeeya mas’uuliyiinta sar sare ee DKMG ah. Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdalla Deerow Isaaq iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Abshir Faarax oo iyagu ku sugan shirka dib u heshiisiinta uga socda Soomaalida dalka Kenya ayaa waxaa aad u sii ballaartay khilaafkii kala dhaxeeyay Madaxweyne C/qaasim. Baarlamaanka dalka ayaa hadda waxaa u socda doodo ay arrintaas ka mid tahay, waxaana shir ka guddoominaya Guddoomiye ku xigeenka koowaad Maxamed Cabdi Yuusuf.

Waxaa noo suuragashay inaan wareysi la xiriira shirka Baarlamaanka, arrimaha khilaafka iyo shirka dib u heshiisiinta kala yeelano Guddoomiye ku xigeenka, wareysigiina wuxuu u dhacay sidan:-

S: Muddo Baarlamaanka isuma imaan, maxaa wakhtigan keenay isu
imaadkooda?

J: Baarlamaanka kalfadhigiisa waxaa la xiray wakhti hadda laga joogo
sideed Bilood, markaasna waxaa soo galay shirka dib u heshiisiinta Kenya lagu qabanaayay, xubno badan oo Baarlamaanka ka mid ah ayaa loo diray ama iskood u aaday, marka kalfadhiga dib u dhac ayaa ku yimid dhowr goor buu qabsoomi waayay, hadda waxaa la suurageliyay inuu shirka qabsoomo si uu waajibaadkiisa u guto waana intaas wax kale ma jiraan.

S: Madaxweynaha waxa uu u yeeray Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisal
Wasaaraha wayna ka madax adeygeen, marka kalfadhiga ma nimankaas baa
go’aan laga gaarayaa?

J:
Maya, arrintaas ma aha, u yeerista ergadana Madaxweynaha oo kaliya
uma yeerin, waxaana u yeeray labada Gole ee Xamar joogtay, waxayna ahayd la tashi, in laga tashado xaalada uu shirku marayo, xoogaa khilaaf ah baa arrintaas ka dhashay, hoggaankii wafdiga xagga jiray ayaa xoogaa madax adeygay, markaas arrintaas waxyaabaha laga hadlayo ayay ka mid tahay, laakiin shirka furitaankiisa arrintaas oo kaliya ma ahan, guud ahaan waxa laga hadlayo waxa weeye in la qiimeeyo shirka ka socda Kenya sidee buu u socdaa, hadalka khilaafka ah ee imaada iyo ma imaaneyno waa wax sekondaariyo ah ee Bari maariyo ma aha, waxa muhiimka ah waa shirkaa.

S: Arrimaha khilaafka Guddoomiyaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ma arrimo
dhaqalaa?

J: Arrimo dhaqaale ma aha, kolley iyo kolley nimanka yiri imaan meyno
iyagu waxay rabaan ha iska sheegeen, arrin siyaasadeed baan isaga qaadan karaa, dhaqaale kaliya ma aha.

S: Maalmo dhoweyd waxaad adiga ka hadashay in Guddoomiyaha Baarlamaanka
Cabdalla Deerow heshiis la galay Itoobiya iyo SRRC, muxuu heshiiskaas
ahaa?

J: Arrintaas waan ka hadlay, waxaan uga hadlayna waxay ahayd isagaa hadalka bilaabay oo dhowr goor waxa uu ku celceliyay arrin aan asaasiba ahayn una qalmin nin madax ah wax uu ku hadlo oo aniga igu eedeeyay C/qaasim baa igu bedelaya Maxamed Cabdi Yuusuf yaa meesha la geynayaa iyo hadalo raqiis ah, waxaana weeye sidaad ogtahay Baarlamaanka Guddoomiyihiisa Madaxweynaha ma magacaabo, Golaha Shacabigaa doorta, sidaa darteed marka waxaan u arkaa arrin raqiis ah, mar-marsiinyo uu ka dhiganayo, aniga raggii shirkaa joogay baan ahaa, nin oday Soomaali ahna waan ahay jecelna midnimada iyo wanaaga TNG da, waxaan ogahay hadalka uu ku hadlayo iyo waxa jira inay laba kala yihiin.

S: Marka haddii aad ilaalineyso midnimada iyo nidaamka inaad iska daba
hadashaan sow lagama fiicneyn?

J: Markii shacbiga lala hadlo, waa in shacabka loo sheegaa waxa jira,
marka nin mas’uul ah shacbiga la hadlo oo wax u sheego, qofka laga hadlayo waa inuu isagana u sheegaa waxa jira, iska daba hadalka waxaa keenaya in shacabka been aan sal iyo raad lahayn loo sheego, waa in loo jawaabaa, waa in shacbiga waxa la idiin sheegay wax kama jiraan waa in la yiraahdaa oo wixii jirana la sheegaa.

S: Intii Cabdalla Deerow iyo Xasan Abshir shirka Kenya ka maqnaayeen oo aad adiga sii hoggaamineysay wafdiga TNG-da waxaa idinka go’ay Xildhibaano iyo Wasiiro sheegay inay TNG ku joogaan qabiilna matalaan, arrintaas kala go’a TNG da sidii aad adiga shirka u maamuleysay ma ku xirneyd?

J: Arrintaas aad baan uga xumaa inay dhacdo, qofka bani’aadamka ah waxaa hoggaamiya damiirkiisa, waxaana fiican qofka waxa uu markaa ka tirsan yahay ama ha fiicnaadee ama ha xumaadeen inuu ahaado, laakiin qofka marka uu damco inuu wax badan isku ahaado ceeb iyo sharaf darro ayuu isu keenayaa, way jirtaa Xildhibaano iyo Wasiiro TNG ka tirsan oo Faction qabiil ah tegay oo xitaa ku shaqeeyay in TNG la burburiyo, magacii TNG-na dhinac ka wato dhinacna wax ka duminayo oo qolyihii shisheeyaha watay ku biiray, wayna jiraan waana ka xumahay Arrintaa.

S: Cabdalla Deerow inuu Itoobiya iyo SRRC heshiis la galay wax caddeyn
ah ma u heysaa?.

J: Taa xaqiiqo weeye, war aan iska iri ma aha, ilaa iyo hadda ayuuna ku xiran yahay, iyaguu la shiraa, iyaguu la nool yahay, iyaguu la mowqif yahay, iyaguu la socdaa, marka wax qarsoon ma aha, ninkii iska indha tiraya isagey jirtaa.

S:
Wax arrintaa ku saabsan oo aad Baarlamaanka u soo bandhigtay ma jirtaa?

J:
Waxba uma soo bandhigin, mana u soo bandhigahayo.

S:
Laakiin haday kaa codsadaanna?

J:
Maba loo baahna, waxa weeye ficilkiisa iyo howshiisa ayay ka muuqataa maalin walba.

S:
Ra’iisal Wasaare Xasan Abshir Wasiir buu bedelay, welina wuu shaqeynayaa, arrintaa miyay raad ku leedahay imaansha la’aantiisa Xamar?

J:
Taas waxaan filayaa in isaga iyo Madaxweynaha iyo maamulka uu isagu madaxda ka yahay wax u dhaxeeya yihiin, Baarlamaanka wax naga quseeya ma aha, ajandaha nala soo hor dhigo, ama aan soo diyaarino ama xukuumadda ha noo soo gudbiso ama Madaxweynaha ha noo soo gudbiyoayaan ka hadalnaa, arrin ilaa hadda ku saabsan khilaafka iyaga ka dhaxeeya oo Baarlamaanka la keenay ma jiro.

S: Intii aad adigu wafdiga TNG-da hoggaamineysay sideed u arkeysay xubnaha Itoobiya Guddiga IGAD uga jira sida ay wax u wadaan?

J:
Itoobiya tan iyo markii shirka la bilaabay carqalad iyo fargelin iyo
baabi’in bay shirka ku heysay, dad badan oo u adeega oo Qarannimada
Soomaalida aan dooneynin way wadatay, in meeshaas ay wax Soomaali uga
soo baxaana mid dooneysa ma ahayn, waana dhaqankeeda iyo iyada siday la tahay, sababtoo ah danteeda kama arkeyso in Dowlad Soomaaliyeed oo xoog leh inay geeska Afrika ka dhalato, marka waxay ku dadaaleysaa inay burburiso jiritaanka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed dad ay u adeegsatana way u heshay, mudadii aan anigu ergada TNG-da si KMG ah madaxda uga ahaa waxaan anagu goosanay in Itoobiya shirka laga saaro maadaama ayan dhexdhexaad ahayn, adduunkana garowshiyo badan buu naga siiyay arrintaas.

S:
Haddii Adduunku garowshiyo ka bixiyay maxay wax uga qaban waayeen?

J:
Arrinta waxaa go’aankeeda iska leh Dowladaha IGAD oo ahayd in loo celiyo, ninka shirka madaxda ka ah ee Kenyaatiga ah wuxuu isagu yiri “Madaxweynaheyga ayaan gaarsiinayaa”, kaddibna Madaxweynuhu wuxuu gaarsiin doonaa dowladaha IGAD go’aanka iyagaa iska leh.

S:
Guddi ayaad hadda fadhigan ku magacowdeen, maxay ka hadlayaan, goormayse idinku soo war celinayaan?

J:
Waxay ururinayaan doodihii Baarlamaanka looga dooday, dabadeedna markaa ayay soo bandhigayaan.

S:
Guddoomiyaha iyo Ra’iisal Wasaaraha arrimaha ay ka hadlayaan ma ku jiraan?

J:
Wixii khilaaf ah oo jirana way ku jirtaa, TNG dhexdeeda gaar ahaan shirkaa Kenya sidii laga yeeli lahaa.

S:
Guddiga wax dhexdhexaadin ah ma ka sameynayaa khilaafka madaxda TNG da?

J:
Waxay soo gudbiyaan baa la arki doonaa.

S:
Xildhibaano badan oo halkan joogaa iyo kuwo shirka Nairobi jiraba waxay rumeysan yihiin inaad keli talis tahay, taa darteed ma lagaaga didayaa?

J:
Keli talis wax la yiraahdo ma jiraan, meeshaan Dimoqoraadiyad baa taala, Baarlamaankaa go’aanka iska leh, marka dadka warka sheegaya waa dadka aan mabda’a jecleyn iyo Soomaalinimada, waxay jecel yihiin in nin walba waxa uu rabo sameyn karo, anaga nagama suurowdo inaan wax walba sameyn karno, hadalkaas waa hadalkii Eldoret iyo meelahaa lagu abaabulay oo Xabashida iyo ehelkeeda wateen ee ahaa Maxamed Cabdi waa xag jire, waa nin madax adag, waxaas oo dhan waa wax iska raqiis ah, waxaan dan ka leeyahay ma aha, anigu dadkaan ka mid ahay, shaqsi baan ahay, go’aanka dadkaa iska leh, waxay
goostaan baa meel maraya.

S: Haddii shirka Kenya mudada aad codsateen in la joojiyo la aqbali
waayo maxaad qabaneysaan?

J: Shirka waxa uu ku qasban yahay waxa aan anaga dalbanay inuu yeelo, sababtoo ah anagaa naloo qabtay iyo waxa naga soo horjeeda, hadaan anaga ka baxno shirku ma soconayo, marka wax welwel ah kama qabno arrintaa.

S: Welwel sow kama qabi kartaan inay wax ka soo baxaan inta aad bannaanka joogtaan?

J:
Wax ka soo bixi karaa ma jiraan, mana ka soo bixi karaan wax aan anaga ka raalli ahayn.

Waxaa Wareystay: Faarax Cumar Nuur
(Wariyaha gaarka ah ee Himilo u fadhiya Muqdisho)

 
copyright 2000 © Himilo Newspaper. All rights reserved. Contact