|
MAXAMED
CABDI YUUSUF: Khilaafka anigu waxaan isaga qaadan
karaa arrin siyaasadeed
May 7, 2003

Max'ed
Cabdi Yuusuf |
Waxaa
toddobaadkii la soo dhaafay sii kordhayay khilaafka u dhaxeeya
masuuliyiinta sar sare ee DKMG ah. Guddoomiyaha Baarlamaanka
Cabdalla Deerow Isaaq iyo Raiisal Wasaare Xasan Abshir
Faarax oo iyagu ku sugan shirka dib u heshiisiinta uga socda
Soomaalida dalka Kenya ayaa waxaa aad u sii ballaartay khilaafkii
kala dhaxeeyay Madaxweyne C/qaasim. Baarlamaanka dalka ayaa
hadda waxaa u socda doodo ay arrintaas ka mid tahay, waxaana
shir ka guddoominaya Guddoomiye ku xigeenka koowaad Maxamed
Cabdi Yuusuf.
Waxaa
noo suuragashay inaan wareysi la xiriira shirka Baarlamaanka,
arrimaha khilaafka iyo shirka dib u heshiisiinta kala yeelano
Guddoomiye ku xigeenka, wareysigiina wuxuu u dhacay sidan:-
S: Muddo Baarlamaanka isuma imaan, maxaa wakhtigan
keenay isu
imaadkooda?
J: Baarlamaanka kalfadhigiisa waxaa la xiray wakhti
hadda laga joogo
sideed Bilood, markaasna waxaa soo galay shirka dib u heshiisiinta
Kenya lagu qabanaayay, xubno badan oo Baarlamaanka ka mid
ah ayaa loo diray ama iskood u aaday, marka kalfadhiga dib
u dhac ayaa ku yimid dhowr goor buu qabsoomi waayay, hadda
waxaa la suurageliyay inuu shirka qabsoomo si uu waajibaadkiisa
u guto waana intaas wax kale ma jiraan.
S: Madaxweynaha waxa uu u yeeray Guddoomiyaha Baarlamaanka
iyo Raiisal
Wasaaraha wayna ka madax adeygeen, marka kalfadhiga ma nimankaas
baa
goaan laga gaarayaa?
J: Maya, arrintaas ma aha, u yeerista ergadana Madaxweynaha
oo kaliya
uma yeerin, waxaana u yeeray labada Gole ee Xamar joogtay,
waxayna ahayd la tashi, in laga tashado xaalada uu shirku
marayo, xoogaa khilaaf ah baa arrintaas ka dhashay, hoggaankii
wafdiga xagga jiray ayaa xoogaa madax adeygay, markaas arrintaas
waxyaabaha laga hadlayo ayay ka mid tahay, laakiin shirka
furitaankiisa arrintaas oo kaliya ma ahan, guud ahaan waxa
laga hadlayo waxa weeye in la qiimeeyo shirka ka socda Kenya
sidee buu u socdaa, hadalka khilaafka ah ee imaada iyo ma
imaaneyno waa wax sekondaariyo ah ee Bari maariyo ma aha,
waxa muhiimka ah waa shirkaa.
S: Arrimaha khilaafka Guddoomiyaha iyo Raiisal
Wasaaraha ma arrimo
dhaqalaa?
J: Arrimo dhaqaale ma aha, kolley iyo kolley nimanka
yiri imaan meyno
iyagu waxay rabaan ha iska sheegeen, arrin siyaasadeed baan
isaga qaadan karaa, dhaqaale kaliya ma aha.
S: Maalmo dhoweyd waxaad adiga ka hadashay in Guddoomiyaha
Baarlamaanka
Cabdalla Deerow heshiis la galay Itoobiya iyo SRRC, muxuu
heshiiskaas
ahaa?
J: Arrintaas waan ka hadlay, waxaan uga hadlayna
waxay ahayd isagaa hadalka bilaabay oo dhowr goor waxa uu
ku celceliyay arrin aan asaasiba ahayn una qalmin nin madax
ah wax uu ku hadlo oo aniga igu eedeeyay C/qaasim baa igu
bedelaya Maxamed Cabdi Yuusuf yaa meesha la geynayaa iyo
hadalo raqiis ah, waxaana weeye sidaad ogtahay Baarlamaanka
Guddoomiyihiisa Madaxweynaha ma magacaabo, Golaha Shacabigaa
doorta, sidaa darteed marka waxaan u arkaa arrin raqiis
ah, mar-marsiinyo uu ka dhiganayo, aniga raggii shirkaa
joogay baan ahaa, nin oday Soomaali ahna waan ahay jecelna
midnimada iyo wanaaga TNG da, waxaan ogahay hadalka uu ku
hadlayo iyo waxa jira inay laba kala yihiin.
S: Marka haddii aad ilaalineyso midnimada iyo nidaamka
inaad iska daba
hadashaan sow lagama fiicneyn?
J: Markii shacbiga lala hadlo, waa in shacabka loo
sheegaa waxa jira,
marka nin masuul ah shacbiga la hadlo oo wax u sheego,
qofka laga hadlayo waa inuu isagana u sheegaa waxa jira,
iska daba hadalka waxaa keenaya in shacabka been aan sal
iyo raad lahayn loo sheego, waa in loo jawaabaa, waa in
shacbiga waxa la idiin sheegay wax kama jiraan waa in la
yiraahdaa oo wixii jirana la sheegaa.
S: Intii Cabdalla Deerow iyo Xasan Abshir shirka
Kenya ka maqnaayeen oo aad adiga sii hoggaamineysay wafdiga
TNG-da waxaa idinka goay Xildhibaano iyo Wasiiro sheegay
inay TNG ku joogaan qabiilna matalaan, arrintaas kala goa
TNG da sidii aad adiga shirka u maamuleysay ma ku xirneyd?
J: Arrintaas aad baan uga xumaa inay dhacdo, qofka
baniaadamka ah waxaa hoggaamiya damiirkiisa, waxaana
fiican qofka waxa uu markaa ka tirsan yahay ama ha fiicnaadee
ama ha xumaadeen inuu ahaado, laakiin qofka marka uu damco
inuu wax badan isku ahaado ceeb iyo sharaf darro ayuu isu
keenayaa, way jirtaa Xildhibaano iyo Wasiiro TNG ka tirsan
oo Faction qabiil ah tegay oo xitaa ku shaqeeyay in TNG
la burburiyo, magacii TNG-na dhinac ka wato dhinacna wax
ka duminayo oo qolyihii shisheeyaha watay ku biiray, wayna
jiraan waana ka xumahay Arrintaa.
S: Cabdalla Deerow inuu Itoobiya iyo SRRC heshiis
la galay wax caddeyn
ah ma u heysaa?.
J: Taa xaqiiqo weeye, war aan iska iri ma aha, ilaa
iyo hadda ayuuna ku xiran yahay, iyaguu la shiraa, iyaguu
la nool yahay, iyaguu la mowqif yahay, iyaguu la socdaa,
marka wax qarsoon ma aha, ninkii iska indha tiraya isagey
jirtaa.
S: Wax arrintaa ku saabsan oo aad Baarlamaanka u soo
bandhigtay ma jirtaa?
J: Waxba uma soo bandhigin, mana u soo bandhigahayo.
S: Laakiin haday kaa codsadaanna?
J: Maba loo baahna, waxa weeye ficilkiisa iyo howshiisa
ayay ka muuqataa maalin walba.
S: Raiisal Wasaare Xasan Abshir Wasiir buu bedelay,
welina wuu shaqeynayaa, arrintaa miyay raad ku leedahay
imaansha laaantiisa Xamar?
J: Taas waxaan filayaa in isaga iyo Madaxweynaha iyo
maamulka uu isagu madaxda ka yahay wax u dhaxeeya yihiin,
Baarlamaanka wax naga quseeya ma aha, ajandaha nala soo
hor dhigo, ama aan soo diyaarino ama xukuumadda ha noo soo
gudbiso ama Madaxweynaha ha noo soo gudbiyoayaan ka hadalnaa,
arrin ilaa hadda ku saabsan khilaafka iyaga ka dhaxeeya
oo Baarlamaanka la keenay ma jiro.
S: Intii aad adigu wafdiga TNG-da hoggaamineysay
sideed u arkeysay xubnaha Itoobiya Guddiga IGAD uga jira
sida ay wax u wadaan?
J: Itoobiya tan iyo markii shirka la bilaabay carqalad
iyo fargelin iyo
baabiin bay shirka ku heysay, dad badan oo u adeega
oo Qarannimada
Soomaalida aan dooneynin way wadatay, in meeshaas ay wax
Soomaali uga
soo baxaana mid dooneysa ma ahayn, waana dhaqankeeda iyo
iyada siday la tahay, sababtoo ah danteeda kama arkeyso
in Dowlad Soomaaliyeed oo xoog leh inay geeska Afrika ka
dhalato, marka waxay ku dadaaleysaa inay burburiso jiritaanka
iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed dad ay u adeegsatana
way u heshay, mudadii aan anigu ergada TNG-da si KMG ah
madaxda uga ahaa waxaan anagu goosanay in Itoobiya shirka
laga saaro maadaama ayan dhexdhexaad ahayn, adduunkana garowshiyo
badan buu naga siiyay arrintaas.
S: Haddii Adduunku garowshiyo ka bixiyay maxay wax uga
qaban waayeen?
J: Arrinta waxaa goaankeeda iska leh Dowladaha
IGAD oo ahayd in loo celiyo, ninka shirka madaxda ka ah
ee Kenyaatiga ah wuxuu isagu yiri Madaxweynaheyga
ayaan gaarsiinayaa, kaddibna Madaxweynuhu wuxuu gaarsiin
doonaa dowladaha IGAD goaanka iyagaa iska leh.
S: Guddi ayaad hadda fadhigan ku magacowdeen, maxay
ka hadlayaan, goormayse idinku soo war celinayaan?
J: Waxay ururinayaan doodihii Baarlamaanka looga dooday,
dabadeedna markaa ayay soo bandhigayaan.
S: Guddoomiyaha iyo Raiisal Wasaaraha arrimaha
ay ka hadlayaan ma ku jiraan?
J: Wixii khilaaf ah oo jirana way ku jirtaa, TNG dhexdeeda
gaar ahaan shirkaa Kenya sidii laga yeeli lahaa.
S: Guddiga wax dhexdhexaadin ah ma ka sameynayaa khilaafka
madaxda TNG da?
J: Waxay soo gudbiyaan baa la arki doonaa.
S: Xildhibaano badan oo halkan joogaa iyo kuwo shirka
Nairobi jiraba waxay rumeysan yihiin inaad keli talis tahay,
taa darteed ma lagaaga didayaa?
J: Keli talis wax la yiraahdo ma jiraan, meeshaan Dimoqoraadiyad
baa taala, Baarlamaankaa goaanka iska leh, marka dadka
warka sheegaya waa dadka aan mabdaa jecleyn iyo Soomaalinimada,
waxay jecel yihiin in nin walba waxa uu rabo sameyn karo,
anaga nagama suurowdo inaan wax walba sameyn karno, hadalkaas
waa hadalkii Eldoret iyo meelahaa lagu abaabulay oo Xabashida
iyo ehelkeeda wateen ee ahaa Maxamed Cabdi waa xag jire,
waa nin madax adag, waxaas oo dhan waa wax iska raqiis ah,
waxaan dan ka leeyahay ma aha, anigu dadkaan ka mid ahay,
shaqsi baan ahay, goaanka dadkaa iska leh, waxay
goostaan baa meel maraya.
S: Haddii shirka Kenya mudada aad codsateen in la
joojiyo la aqbali
waayo maxaad qabaneysaan?
J: Shirka waxa uu ku qasban yahay waxa aan anaga
dalbanay inuu yeelo, sababtoo ah anagaa naloo qabtay iyo
waxa naga soo horjeeda, hadaan anaga ka baxno shirku ma
soconayo, marka wax welwel ah kama qabno arrintaa.
S: Welwel sow kama qabi kartaan inay wax ka soo baxaan
inta aad bannaanka joogtaan?
J: Wax ka soo bixi karaa ma jiraan, mana ka soo bixi
karaan wax aan anaga ka raalli ahayn.
Waxaa Wareystay: Faarax Cumar Nuur
(Wariyaha gaarka ah ee Himilo u fadhiya Muqdisho)
|