Sheekh
Nuur Baaruud : Shirkan waxaa loogu tala galayba wixii Diin
ku saabsan in lagu fogeeyo
 |
| Sheekh
Nuur Baaruud |
Novermber
24, 2003
Faarax Cumar Nuur
Muqdisho,
(HIMILO) -
Dadaalada xaldoonka ah ee ka jirey Soomaaliya Sanooyinkii
13ka ahaa ee la soo dhaafey waxay ahaayeen qaar wajiyo badan
soo marey xaaladahana isla badelaayay, waxaa jirey ururo
iyo gudiyo aan hadda magacooda shaqayn oo dadaalkooda bulshada
ka dhex muuqdey sanooyinkii u horeeyay ee dhibaatada, waxaa
ka mid ahaa Kulankii Culumada Islaamka Soomaaliyeed ee la
dhisey bishii Febraayo 1991dii oo uu gudoomiye u ahaa Alle
ha u naxariistee Sheekh Maxamed Mucalim Xasan ayadoo dadaaladii
Shakhsiga ee ay wadeen isaga iyo Sheekh Ibraahim Suuley
oo Alle ha caafiyee hadda xaaladiisa Caafimaad aan wanagsanayn
ay ahaayeen qaar wax tar ahaa.
Mas
uuliyadda Culumada oo waqti walba taagnayd ayaa haddana
Sanooyinkii u danbeeyay waxay wadeen dadaalo kale oo ay
ku laba laabayeen wax ka qabashada dhibaatada Bulshada Soomaalida
haysata, waxaana ay dhiseen Raabidad ama Dallad isku xiraysa
Culumada Islaamka ee Soomaliyeed taas oo waxqabadkeeda ka
bilowdey magaalada Muqdisho.
Dalladan
ama Raabidadan oo lagu magacaabo Dallada Culumaa’u
diinka Soomaaliyeed waxaa gudoomiye ka ah Sheekh Maxamuud
Sheekh Cabdi Baari oo ka soo jeeda Jameecada Misir ee Deegaanka
Diinsoor, waxaa asagana gudoomiye ku xigeen ka ah Sheekh
Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah Culumada sida wayn looga
yaqaan dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho ahna Sheekh dadaalkiisa
ka dhex muuqdo Dallada iyo Bulshada Muqdishaba.
Sheekh
Nuur Baaruud oo aan asaga fursad u helney ayaan waxaan ka
waraysaney hawsha Dallada ay hayso, mawqifyadeeda arimaha
Siyaasada Dalka iyo xaaladaha Bulshada haysta sida ay wax
uga qabtaan.
Waraysigana
sidaan ayuu u dhacay:
Himilo:
Sheekh Nuur waxaad tahay gudoomiye ku xigeenka Dallada Culumada
Soomaliyeed waxaad wax nooga sheegtaa waqtigii la asaasey
Dallada iyo waxqabadkeeda?
SH. Nuur: Bismilaah Alxamdulilah WCSM, Raabidada
waxa la bilaabey dhisideeda iyo ababulkeeda sanadkii 2000,
muddey soo socotey isu keenida Culimada, waxaana lagu guuleystey
in Raabidada la qotomiyo oo Urur jira noqoto sanadkii 2002-dii.
Waxyaabaha
ay qabatey markaynu fiirino waxaa runtii la dhihi karaa
wax wayn markii u horeysey oo Culumo Soomaaliyeed ay Urur
Dallad yeelato, isukeenida Culumada Soomaaliyeed waa mid,
in la helo afka Culumaa’u diinka Soomaaliyeed cid
ku hadashana in la helana waa mid, waxaa kaloo ka mid ah
waxyaabaha aan qabaney waxyaabaha Shareecada Islaamka ka
hor imaanaya markiiba in codka Culimada aan ku hadalno oo
aan difaacno, waxaad xusuusataa markii la joogey Shirkii
Eldored nimankii yiri waxaan nahay Masiixiyeen oo Soomaali
baa nahay oo waxaan nahay in na la siiyo kaalinteena shirka,
taas Culimada bayaan bay ka soo saartey ay leeyihiin qof
Soomaali ah Masiixi ma noqon karo waa Murtad, marka arintaas
oo runtii foolxun Mujtamaca Soomaaliyeed marka loo fiiriyo
oo 100% Muslim ah, Dallada arintaas si fiican bay uga hortagtey.
Waxyaabaha
kale ee la qabtey waxaa ka mid ah maadaama Dawlad aan ka
jirin Soomaaliya oo Wasaaradii Diinta iyo Awqaafta aan jirin
booskii inaan u galno Xujayda Soomaaliyeed, waxyaabihii
ku saabsanaa Xajka iyo shuruuduhuu ku ansaxayay iyo waxa
uu ku halaabayay wixii oo dhan baan intaan ilaa iyo dhawr
kun Nusqadood intaan qorney oo jeebkanaga ah oo Culumo u
saarney u qaybinay dadka soo Xajinaya ayadoo lacag la’
aan ah.
Himilo:
Ayadoo Af Soomaali ah ?
Sh.Nuur: Haa aydoo Soomaali ah, waxyaabaha la qabtey
waxaa kaloo ka mid ah mar walba inaan isku dayno Soomaalida
waxay had iyo goor isku khilaaftaa dhalashada bisha Ramadaan
iyo Ciidaha, waxaan jahuud fara badan ku bixinaa inaan Culumada
mideyno oo Umaddu isku khilaafin taas oo aad u dhici jirtey,
bacda dadaal badan waxaad Faaraxow xusuusan tahay Bishan
Soom Ramadaanta aan ku jirno markii u horeysey oo ayadoo
Dawlad xoog wax ku muquunisa jirin hal mar lawada Soomey
bey ahayd oo dadka intiisa badan 99% wax ka badan, kolka
waxay ahayd jahuud badan oo bisha Ramadaan intaan la gaarin
Muxaadarooyin badan aan Masaajidada ka jeediney, Idaacadaha
oo aan ka hadalney ayay ku timid haddana Insha Allah Ciidda
Markey dhalan rabto sidaas oo kale ayaan samaynaynaa si
Ciiddiina loogu midoobo Insha Allah.
Himilo:
Gudida Dallada waa kuwa inta badan Xamar jooga, xiriir mala
samaysaan Culumada kale ee dalka ku firirsan mana ka mid
yihiin Dallada?
Sh.
Nuur: Waxaa weeye Culumada Gobolada jooga waa ogaysiiney
meelaha qaarkood sida Bari iyo Waqooyi Galbeed, iyo Gobolo
kaleba sida Hiiran culumo Joogta oo wakiil noo ah ayaa jirta
hadana waxaan anagu ku talagalney markii Amni iyo Nidaam
la helo degmooyinkii iyo Tuulooyinkii Culumada in laga Keeno
oo Shirwayne Xamar lagu qabto oo markaas Raabidadii dhidibadda
loogu aaso Urur wayn oo Culumaddii Soomaliyeed oo dhan ay
ku mideysan yihiin, inkastoo Xamar ay Caasimad tahay oo
Qabaa’ilkii Soomaaliyeed Dallada ku mideysan yihiin
laakiin si loowada raali noqdo waxaan rabnaa markaas Shirwayne
inaan Culumada u qabano sasaa qorshaha noogu jira Insha
Allah.
Himilo:
Wax hadda idin diidan oo Culumo ah oo Dallada ka tirsanayn
ma jiraan ?
Sh.
Nuur: Walaahi wax diido xoog badan ma jirto sababtoo
ah anaga Culumada qaybaheedii oo dhan meeshan waa laga heli,
laakiin Faaraxow waxaad ogataa wax kasta oo la sameeyo haddii
100% khayr iyo wanaag yahay nin uun ka garab hadlo oo yiraahda
looma dhamo iyo aniga kuma jirin iyo ma fiicna waa la helayaa,
laakiin had iyo goor doc ka yeer baa Af Soomaaliga lagu
yiraahdaa doc ka yeerna lama waayo lamina daneeyo waxaas
oo kale aqlabilayada mar haddey wada jirto had iyo goor
doc ka yeer waa layska helayaa danna lagama galayo?
Himilo:
Waxad ka dhawajisey in ay Eldored Jireen dad Soomali ah
oo Kirishtan sheegtey waxaana la og yahay Soomaali badan
iney Dibadda ku maqan yihiin oo noocya badan leh haddii
Nidaam la helo waxaa suurtowda in kuwaad sheegtey oo kale
yimaadaan maxaad ugu talagasheen oo ka hortag ah?
Sh.
Nuur: Wadanka horta dhibatooyin badan baa ka dhacey
dad badan iney dibadaha aadaan way ku khasbanaadeen oo sababta
naftii baa meel la geeyo la waayay ee dad badan oo dhaqaale
doon ahna way jiraan hadana maca daalika dibadan la aadey
khayr iyo sharba waa jirtaa, in waxoogaa nabadgalyo dadku
ka helaanoo Mooryaantii halkan dadka layneysey laga nabadgalo
waxoogaa nolol ahna la helo way dhici kartaa, laakiin fasaad
badan oo xagga akhlaaqda iyo Diin la’aanba oo nin
Muslim ah inuu yiraahdo anigu diinta waan ka baxay ayaa
la arkey, Murtad buu noqonayaa ninkaas Shareecada Islaamkana
waxay qabtaa in la dilo, qaar kale oo akhlaaqiyan isga dhintey
oo meelahaas waxa ka jira waad og tahay laba Nin oo isgoorsatey
iyo laba Naag oo isguursatey iyo Ragiiyoo dhagaha loo dalooliyay
oo dahab loo galiyay, yacni Mujtamaca Soomaliga dadkaas
boos ugama banaana ee marka annagu Jaaliyadaha dibadda jira
waxaan u tilmaana had iyo goor iney iska ilaaliyaan waxa
Diintooda iyo Dhaqankooda dhaawacaya ee mustaqbalkana waxaan
rabnaa Insha Allah inaan u isticmaalno Internet-ka maadaama
aduunyadiiba Tuula ay iska noqotey, marka meel aan Umaddaas
dibadaha jirta kala hadalno yaan Insha Allah ku tala jirnaa,
Shareecada iyo Diintana aan ugu sheegno, waxyaabaha kharibaada
Diintooda iyo Akhlaaqdooda u keenayana aan uga digno, Soomaali
ninkii yiraahda waa masiixiyoobey
waxaan u sheegaynaa waa Murtad bey agtanada ka dhigan tahay,
Nin Muslim ahaan jirey ma gaaloobi karo haduu gaaloobana
waa Murtad, Masiixi marba ma noqonayo, marka dadkaas inaan
Soomaali boos ku lahayn xisbina aan loo ogolayn jiritaankoodana
aan marna la aqoonsanayn Soomaliya inuu gawrac uga soo horeeyo
anagu saas ayaan u sheegaynaa.
Culumaddii
Soomaaliyeed hadaan nahay waxaan u sheegaynaa Soomaaliya
maya in la yiraahdo boqolkiiba intaas waa Muslim boqolkiiba
intaas waa Kirishtaan, Soomaali 100% waa Muslim Diin aan
tan Islaamka ahayna ma yeelanayso.
Himilo:
Waxaad sheegtey in Internet-ka aad isticmaalaysaan ma waxaad
ula jeedaa in Dallada ay samaysanayso Bog Internet-ka oo
Soomali ah?
Sh.
Nuur: Saasan rabnaa haddii Alle yiraahdo.
Himilo:
Haddii aan fiirino dhinaca Siyaasada waa tii shirka Soomaalida
uga socda Kenya la sameeyay Dastuur dood badan dhaliyay
waa maxay mawqifkiina ?
Sh.
Nuur: Walaahi shirkan Kenya ka socda qof kasta oo Soomali
ah markii hore raja wayn buu ka qabey, ihtimaam wayn baa
la siinayay in midnimo Qaran la helo, waxay ahayd markii
ugu horeysey oo kooxihii iska soo horjeedey wada tageen,
marka raja wayn baa laga qabey in Dawlad Soomaaliyeed laga
dhiso lakiin meesha waxaa ka soo baxay in shirka sidii la
rabey uusan ahayn, dano kale ay soo galeen, meel la isaga
ciyaarayo oo dano Soomaali lagu hayn oo la isu meerinayo
go’aanadii iyo wixiiba la qorayay, wax saas bey noqotey
oo la rabo Dawlad la soo sameeyay oo Soomaali aysan samaysanin
laakiin gacmo ajnabi ay soo sameeyeen baa la damcey Soomaali
in loo keeno.
Anagana
marar badan baan shirkaa ka hadalney, marka hore waa soo
dhaweyney waxaan rabney Dawlad Qaran oo Soomaali ah oo rajo
saas ah ayaan qabney, laakiin markaan aragney inuu marin
habaabey baan Bayaano badan ka soo saarney, ee hadana maalmahan
maadama Igad oo dhan shirkii lagu wareejiyay lajnadii maamulayseyna
laga dhigey mid shirka kaalmeyneysa waxaa weeye ee Soomaali
oo dhan haddii la siinayo fursad danbe oo la isu tago oo
TNG-da iyo Golahan cusub ee soo baxay ay tagaan oo Dastuurkiina
meelaha uu ka xun yahay laga eego oo dib loo fiiriyo dan
Soomaaliyeedna halkaa loo raadiyo anagu waan soo dhawaynaynaa,
yacni rajadayadii shirkaas 100% ma dhamaan, laakiin marin
habawgii hadduu wali ku socdo oo gacan Ajnabi mar labaad
uu ku dhaco kolkaa waxaan ku baaqayna Soomali iney danaheeda
ka tashato laakiin hadda waxaan wali leenahay maadaama shirka
Kenya taageero Caalamina uu haysto isbedelna uu jiro oo
wixii awal laga cabaadayay waxbaa laga bedeli la leeyahay
ee Igad oo dhan ay maamulayso oo saddexdii dawladood gacantooda
laga saarey oo la caam yeeley waxaan leenahay bal shirkaa
halaga wardoono mar kale, taas baad moodaa in danta Soomaliyeed
ku jirto mar walbana maslaxada Qaranka iyo Midnimada Soomaaliyeed
in la eego yaa dantayada muhiimka ah.
Himilo:
Mawqifkiina idinkoo shirka ka maqan baad Bayaan ku cadayseen
ma isku daydeen inaad ka qaybgashaan shirka oo waxaad saxaysaan
halkaa ka jeedisaan?
Sh.
Nuur: Faaraxow waxaan u qorney dalab rasmi ah oo magaca
Dallada ayaan shirka u gudbiney waxaa weeye lama yeelin,
een shirkaasi kii Carte aad buu u khilaafsan yahay waxa
weeye shir dad cadaw ah gacantooda galey lana dagaalamaya
Diinta iyo dadka ehlu diinka ah marka looguma tala galin
in Culumo fiican iney tagaan, Culumo wax garanaysa oo waxa
xun iyo waxa fiican kala sheegi karta oo umadda danaheeda
iyo masiirkeeda ku hogaamin karta Culumo sidaas ah iney
timado looguma talagalin waaba laga ilaaliyaa Culumada fiican
iyo dadka wacyiga leh iyo dadka wadaniyiinta ah…
Himilo:
Dabcan dad Culumo ah haddana waa joogan ?
Sh.
Nuur: Culumo magacoodey sheegtaane Culumo mateli karta
magaca Culumada Soomaaliyed ma ahan, dad iyaga iska tegey
bey ahaayeen, mawaaqiftii in shirka laga qaato la rabeyna
kama qaadan, marka waxay agtanada ka tahay inan Culumo Soomaaliyeed
tagin, Culumada waawayn ee wadankana haddad fiirisidna wax
hadda meeshaa jira ma laha, maadaama Culumada aan matalaynana
dalab baan qorney waxaa la yiri arimahan meeshan kama soconayaan.
Himilo:
Cidda Culumada Diidaysa ma kuwa qabanqabinaya shirkaa mise
Soomaalida kale ee ka qaybgalaysa shirkaa?
Sh.
Nuur: Walaahi saad ogtahay Soomaalida haddaan hadda
wax isbedelin awal iyaga jiritaan qumanba meesha kuma lahayn,
anaga warqadda Kiplagat baan ku hagaajiney, asaga iyo saddexdii
dawladood ee shirka maamulayay ayaa malaha isla arkey, haddee
meeshana saddex dawladood ma maamulayne meesha wadcigeeda
waa la socotaa, meel dad gaar ah iska wato ayay ahayd een
dadkaasna meel ay wataan Diin loomaba soo dhawaynayo waa
Dab iyo Dhagax kala dhawraay.
Himilo:
Dadka Soomaalida ah ee shirka jooga ee ayaga heshiin la
maxay Culumada ka rumaysan yihiin ma midda ay qabaan baa
kuwaaa aad sheegtey ee shirka maamulayay?
Sh.
Nuur: Walaahi dee.. kuwan Qabqablayaasha dagaalka ayagu
badankoodaba Diin waxba kama yaqaanaan, mana jecla sidaan
filayno, intaan hadda ayaga ka naqaanno dad hadda diin u
jajaban ma ahan oo kalimaad Siyaasi ah oo layska adeegsado
way iska jiraan, ninwalba marka uu rabo Diinta inuu ratigiisa
ku kacsado Muslim baan ahay Diinbaan wax ku xukumi waa iska
yiraahdaa, waa hadal Siyaasi ah laakiin dadka hadda Qabqablayaasha
dagaalka loo yaqaan dad Diin jecel ama shuqul badan Diin
ku leh ma ahan marka Diinta koleyba Ilaahey baa leh Soomaali
oo dhanna way u taalaa marka Insha Allaah Diinta dad badan
oo difaaca way heleysaa laakiin dadka hadda kooxaha ah ee
halkaa tagey ee Diin ilaalin badan kuma jirto saasaa ka
muuqata.
Himilo:
Marka Culumada waxa la idiin diidayaa waa idinkoo raba in
dalka dawlad islaam ah ka dhalato soo ma ahan?
Sh.
Nuur: Mushkilada waxa weeye qaabkii hadda shirka u socdey,
Dawladdii Carta waxyaabaha waa wayn ee lagu dumiyay waxaa
ka mid ah in Diin lagu tuhmey, ama Dastuurkii Carta lagu
soo sameeyay meela badan oo maslaxadda Islaamka iyo Diinta
ay ku jirtey ama Baarlamaanka dad Culumo ah ay soo galeen
waxyaabaha loogu marmarsiyoodey waxaa ka mid ahaa waxyaabahaas.
Marka
shirkan waxaaba loogu tala galayba wixii Diin ku saabsan
in lagu fogeeyo oo lagu sifeeyo, Baarlamaankana dad Culimo
ah ayan soo galin, Dastuurkana wixii Diin maslaxa u ah in
laga ilaaliyo, marka shirka sidiisaba Diin la’aan
buu ku dhisan yahay shir Diin lagu daryeelayaba maba noqon
karo shirka qolyahaas wataan.
Himilo:
Ma rumaysan tihiin in ujeedooyinka shirka ay ka mid yihiin
in dalka kala qaybsanaado?
Sh.
Nuur: Walaahi dee haddey iyaga u suurta galayso, hadda
matalan Federal bey aad u wadwadaan, Federaalna marka hadda
Soomaali loo fiiriyo ama dhawr iyo tobnankii sano ee dagaalka
ahaaye la soo marey amaba wadcigan Soomaalida ee Qabaliga
ahba marka la fiiriyo yacni Federaalka aniga agtayda wax
uu iiga dhigan yahay in la bilaabey Soomaali in la qaybiyaba.
Marka qolyahan ayagu waa soo dhawaynahayaan waxaad og tahay
hadalkii Danial Arab Moi uu runtii ka run sheegey xaqiiqda
jirta marna Itoobiya iyo Kenya inaaney ogolayn dawlad xoog
badan Soomaaliya iney ka dhalato maadaama labaduba dhul
Soomaaliyeed ay haystaan, marka meesha khiyaano iyo mu’
aamaraad buu shirkaa oo dhan ku dhisan yahaye xataa Soomaali
in Dawlad loogu dhiso iney rabaanba ma moodid, iney Umadda
waqtiga ka halaagaan haddeyba Soomaali tashan layadba in
la garab mariyo yaad moodaa, aduunyadoo dhan ma qabo iney
sidaas wada tahay laakiin dawladaha aan deriska nahay waxaa
xaqiiqo ah niyad fiican inaaney lahayn.
Himilo:
Shirkaa Kenya inta la joogey dad ka qaybgalayay oo Soomaali
ah baa lagu diley halkaa maxay Dallada Culumada arintaa
ka qabtaa?
Sh.
Nuur: Soomaalidu waxay dhahdaat Ri walba shililkey is
dhigtaa lagu qalaa, Soomaali iyadaa waxaan isu keensatey,
iney meelaha qaxooti ku ahaato, in Cunto loo qayqaybiyo,
in habeenba hoteelka laga xirto, Cuntadii loo diido ayagoo
Sooman, waxyaaba badan ba soo dhacay, in ayaga iyo Doofaaro
meel layskula xareeyo, in marka danbeba la laayaba oo raggii
muuqmuuqdey ee waxtarka ahaa maalinba la yiraahdo mid baa
la diley, Axmed Rashiid baa u danbeeyay waa la socotaa,
runtiina waxaas oo dhan waxay qayb ka yihiin mu’amrooyinka
jirey, marka Ummadda Soomaaliyeed iney digtoonideeda qaadato
oo Ilaahii khaaliqa ahaa ee abuuray ay u tawbad keenaan
wadankoodana u soo noqdaan oo maslaxadda Umadda Soomaaliyeedna
ay ka tashadaan, isu tanasulaan oo xal Soomaalidu u madaxbanaan
tahay ay raadiyaan taa uunbaa lagaga bixi karaa Ihaanadan
hadda lagu jiro.
Himilo:
Arimaha Nabadgalyada Gudaha haddan u soo noqono dhibaatooyin
badan oo nabadgalyada la xiriira ayaa jira oo afduub iyo
dil leh oo Beelaha dadka wax dilaya ama afduubaya ay ka
soo jeedaanna wax badan ka qaban karaan ka hortagga arintaas,
maxay hadaba Dallada Culimada arimahaas ka gaysteen oo wacyigalin
ama wax qabasho ah?
Sh.
Nuur: Meel aan Dawlad ka jirin shacab hubaysan wixii
la doona la sameeyaa, cabsidii Ilaahey way yaraatey dad
mooryaan ahoo qorya haysta oo Ilaahey aqoon ba iska jira,
Dawlad laga cabsado oo Ciidan lehna ma joogto marka wax
walba waa dhacayaan, Afduub iyo isbaaro ayadoo Dawlad Qaran
la dhisin ma joogsanayo.
Waxyaabaha hadda la samaynayo ee difaaca madaniga waa wax
Antidalora ah oo xanuun joojis ah ee marna ma noqonayso
xal rasmi ah, marka waxaa Afduub lagaga bixi karaa iyo dhibaatada
wadanka ka jirta oo dhan in la helo dawlad Soomaaliyeed
oo barnaamijkeeda oo dhan wadata, inta ka horeysana anaga
xal gaaban oo ah wixii wacdi ah ama tilmaan ah oo xaafad
xaafad in la isugu duubmo oo mooryaanta looga hortago waan
ka shaqaynaa.
Himilo:
Dad Ganacsato ah oo magac leh oo xitaa Maleeshiyooyin haysta
ayaa ka mid ah Beelaha ay Afduubayaasha ka soo jeedaan kuwaas
ma kala hadasheen iney kooxahan ka hortagaan?
Sh.
Nuur: Ganacsatada iyo Duqayda Beelaha Shirar iyo wadahadal
baa noo socda sidii mashaakilkan looga hortagi lahaa, marka
muddo dheerbaan soo wadney hadana waa wadnaa.
Himilo:
Dhinaca kale Ciiddii Soonfur ayaa soo fool leh maxaad dadwaynaha
ugu talagasheen oo aad u sheegaysaan?
Sh.
Nuur: Waxaa aan u sheegeynaa dadwaynaha in sidii Soonka
awalkiisa loogu midoobey in loogu midoobo Ciidana, Dallada
Warfaafinta ayay fadhiisan doontaa Bishii bey raadinaysaa,
haddii Bisha aan aragno habeenka Talaadada Soo galayso Idaacadaha
ayaan kaga dhawaaqaynaa.
Himilo:
Haddii khilaafkii soo noqdo maxaad ku tala gasheen?
Sh.
Nuur: Haddee marba haddii aanan anaga dawlad ahayn sida
maslaxada iyo khayrka ku jirto oo Diinta ay qabto ayaan
u sheegaynaa, marka Soomaalida maadama ay Isniin wada Soontey
iney Ciidda Talaado noqoto wa suurtagal iney Arbaco noqotana
way dhici kartaa waxayna ku xiran tahay Bisha aragtideeda,
Bishii baa la arkey ninkii yeeli waayo dee asagey u taal,
Aakhiro iyo Aduunba asagaa ku halaagsami, laakiin anaga
wax sugan baan rabnaa in Umadda ku hogaamino.
Himilo:
Maxaa Shacaa’ir ah oo Maalinta Ciida ku tala gasheen?
Sh.
Nuur: Maalinta Ciidda sida caadada noo ahaan jirtey
waxaa lagu Dukadaa Istaadiyo Muqdisho, halkaasaa Ilaaheyna
lagu baryaa Insha Allah waxaan rajaynaa anaga iyo gobolka
Banaadir in arimahaas iska kaashano oo inta garoonkii la
xaaqo la nadiifiyo oo salaadii Ciidda iyo ducooyin ugu qabano
ayaan rajaynaynaa.
Himilo:
Sh.Nuur Gobolada Soomaalida qaar waxaa ka jira Abaaro oo
Roobkii Dayrta ayaan da’in ama yaraadey waxaana mas’uuliyiinta
goobahaas qaar bilaabeen iney u qayla dhaamiyaan hay’adaha
ajnabiga si gargaar loo soo gaarsiiyo, marka ka Dallad iyo
Culumo ahaanba dadka ma ku booriseen iny Alle baryaan oo
Roobdoon sameeyaan?
Sh.
Nuur: Arintaas ayaan dhowayd baan ka wada hadalney,
Masaajidda iyo meelaha aan ka hadalnana waan ka sheegnaa.
Arintaan oo kale xalkeeda Gaalo in lagu ordo ma ahee waa
in Alle lagu ordo Ilaahey baa gacan weyne oo Barwaaqadiisa
lagu barwaaqoobi karaa Soomaali Roob bey u baahan tahee
Qamadi Bakhaarada Gaalada ku duqoobey waxba u tari mayo,
marka Umadda anoo waraysigan ka faa’idaysanaya waxaan
Soomaali ugu baaqayaa meel kasta ay joogto in Salaada Istisqaha
loogu soo baxo oo hadda Soom baa lagu jiraa hadaan Soom
lagu jirin waxaan dhihi lahayn ha la Soomo lakiin hadda
waaba la Sooman yahay, in banaanada loo baxo Caruurta, Dumarka
iyo Duqyda iyo Dadka oo dhan Ilaahey la baryo Salaadii Istisqaha
la dukada Illaahey Roob la waydiisto sidaas ayaan Soomaalida
ugu Baaqaynaa, Ilaaheyna waxaan uga baryaynaa Umadda Soomaaliyeed
inuu Abaarta ka qaado, Nabad la’aantana ka qaado,
Nabadgalya la’aantana Nabadgalyo ugu badalo.
Himilo:
Xagga xiriirkiina Culumada Soomalida maxaa dhihi lahayd?
Sh.
Nuur: Waxaan dhihi lahaa Culumada Soomaliyeed meel ay
joogaanba iney Raabidadaas ku midooban oo la soo xiriiraan
ayaan ugu Baaqaynaa xafiiskana waxa uu ku yaalaa xaruunta
Maxkamada Islaamiga Xarar Yaale Insha Allah Goboladana waa
laga furi doonaa, guud ahaanna Caalamka Islaamka gaar ahaan
Shacabka iyo Culumada Soomaaliyeedna Salaan ayaan u fidinayaa.
|