Soomaaliland:
Dimoraadiyaddu ma ahan doorashooyin dhowrkii sanaba mar
la qabto oo keliya
Tifaftirka
Himilo
June 26, 2003
"Waxaan
sugnay ammaanka. Waxaan raacnay dastuurka kadib markii uu
geeriyooday Madaxweynhii hore. Waxaan qabannay doorashooyin
iyadoo aan wax rabshad ahi ka dhicin. Khilaafaadku meel
kasta way ka dhacaan, waxaanse uga duwannahay dalalka colaadda
sokeeye ay saamaysay sida aan u maareyno mashaakilaadka.
Waxaa nahay tusaale ku dayasho mudan, waayo waxaan nahay
dal dimoqraadi ah oo ilaaliya xuquuqda aadanaha."
Haddii
aad siyaasadda Soomaaliland la socoto ereyadaas iyo kuwo
kale oo farabadanba waad maqlaysaa. Runtiina waa xaqiiqo
jirta, wayna ku ammaanan yihiin maamulka Soomaaliland iyo
dadweynuhuba.
Haseyeeshee
iyadoo intaa aan soo sheegnayba ay jiraan, ayaa waxaa dhawaan
lagu xiray magaalada Hargeysa Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib
(Jaamac yare) kadib markii oo booqday magaalada Hargeysa.
Marka la fiiriyo sida ay arrintani u dhacday, ma aysan jirin
wax danbi ah oo uu maamulka Soomaaliland ku soo eedeeyey
Jaamac Yare. Waxa kali ah ee la ogyahay in Jeneraal Jaamac
Yare uu qabo feker ka duwan kan maamulka Soomaaliland. Doodda
xukuumaddu waxay leedahay, "Jananku wuxuu rumeysan
yahay midnimada Soomaaliya, wuxuuna ka soo horjeedaa gooni-u-istaagga
Soomaaliland." Waxaa caddaynaya inay xukuumadda Soomaaliland
gef ku xirtay Jaamac Yare inaysan soo taagin maxkamad, Sidoo
kale, xukuumaddu way sii daysay maaddaama aysan wax daliil
ah heysan.
Waxaan
rumeysan nahay in maamulka Soomaaliland uu ku xadgudbay
xuquuda Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib, nidaamka Soomaliland
iyo weliba xeerarka caalamiga ah ee Qaramada Midoobay. Shuruucda
(mid Islaam iyo mid kalaba) kuma bannaana in qof xorriyaddiisa
looga qaado waxa uu rumeysan yahay. Nidaamka dimoqraadiga
ah ee ay Soomaaliland sheegatay inay ku dhaqmayso wuxuu
qabaa in la xaqdhowro dadka laga tirada badan yahay feker
ahaan. Tusaale, haddii ay jiraan dad Soomaaliyeed oo ku
nool gobollada iyo degmooyinka Soomaaliland oo rumeysan
midnimada Soomaaliweyn waa inaan lagu qasbin inay qaataan
fekerka goosashada ama ay dalka ka baxaan. Waa haddii waxa
waraaqaha ku qoran uu maamulku ixtiraamayo.
Sidoo
kale, waxaan qabnaa inay gef tahay in laga masaafuriyo Jeneraalka
Hargeysa. Maamulka Soomaaliland wuxuu leeyahay maxkamado.
Haddii Jaamac Maxamed Qaalib uu galay danbi ay xukuumaddu
caddeyn u hayso waxay ahayd in maxkamad la soo taago oo
la xukumo. Haddii aysan arrintaasi jirn waxay ahayd in uu
qof kasta xor u noqdo bixitaankiisa iyo joogitaankiisaba.
Waa
dulqaad yari iyo bisayl xumo in degdegga noocaas ah uu ka
dhaco maamulka Soomaaliland waayo waxaa Soomaali badan ay
u aragtaa inay tusaale wanaagsan sameeyeen. Haddii aan nahay
tifaftirka Himilo, waan ku dhaliilaynaa, waana cambaaraynaa
xarigii maamulka Soomaaliland uu u geystay Jeneraal Jaamac
Maxamed Qaalib.
Waxaan
rajaynaynaa in maamulku uu sida ugu dhaqsaha badan uga tanaasulo
fekerka cariiriga ah ee ku doodaya Soomaaliland waxaa joogaya
qofkii qaba fekerka goosashada oo kaliya. Waxaan rajaynaynaa
in maamulku fahmo dulqaadka laga doonayo. Waxaan rajaynaynaa
in loo oggolaado dadka doonaya inay ku noolaadaan dhulkooda
oo uu Jeneraalku ugu horreeyo. Soomaalidu iyadoo reer miyi
ah ayey dhulka ku wada noolaan jireen, iskumana aysan qasbi
jirin aragti. Waa nasiibdarro in manta la isku jujuubo aragti.
Waxaan u soo jeedinaynaa in maamulku uu ka tanaasulo qasabka
uu dadka ku jujuubayo feker aysan ku qanacsanayn. Dimoraadiyaddu
ma ahan doorashooyin dhowrkii sanaba mar la qabto oo keliya.
Waxaa ka mid ah in dadka aragtidooda loo daayo iyagoo dalkooda
ku nool.
|