Boggaga Somalida
  Hiiraan Online
  Somali Citizen
  Gacal Magazine
  Hiiraan Today
  Somali Talk
  Horn Afrik
  STN - Tv
  Dayniile
  Banaadir
  Gedo Homepage
  Somaliland Net
  Arlaadinet
  Puntland Post
  Boggaga oo Dhan
Wargeysada
  Warsan
  Somali Press
  Ayaamaha
  Xog-Ogaal
  Dalka
  Elektaroonik
Boggaga Islamka
  Prayer Time
  Qoraxay (Tafsiirka)
  Boqolsoon
  Iviews
  CAIR US
  CAIR Canada
  ISNA
  Quran Speaks
  Islamic City
   
 

Weli Waa la Badbaadin Karaa
Shirka Dib-U-Heshiisiinta Soomaalida

Tifatirka Himilo (www.himilo.com)

August, 8, 2003

Himilo - Shirka Kenya waxaa la geliyey muddo toban bilood iyo dheeraad ah iyo qarash ka badan $20 Milyan oo Doollaar. Nasiib darro, wuxuu maanta qarka u saaran yahay inuu burburo kadib markii ay ka baxeen qaar ka mid ah hoggaamimiyeyaasha kooxaha, iyo madaxweynaha dowladda KMG ah. Waxaa intaas dheer in sababaha uu shirku u burburayo aanay ahayn kuwa la garwosan karo.

Runtii, Soomaalida qeybaheeda kala duwan ee iskugu yimid shirku waxay dhammaantood muujiyeen inay doonayaan in meesha ay wax ka soo baxaan. Arrimaha ugu dhibka badan ee shirka hortaagan waxaa ugu weyn go'aaminta cidda iska leh go'aanka kama danbaysta ah. Weli waxaa la isku hayaa yaa Soomaalida metala oo go'aamada waaweyn ee shirka qaadanay?

Maamulka shirka oo ay ku takri-falaan Itoobiya iyo Keenya waxay doonayaan in go'aamada waaweyn ee shirka loo daayo Guddiga Hoggaamiyeyaalka oo ka kooban 22 nin oo intooda badan qabqablayaal dagaalka ah. Dadka Soomaaliyeed badankoodu waxay rabaan in loo daayo go'aanka kama danbaysta ah odoyaalka dhaqanka sidii shirkii Djibouti, kii Boorama iyo kii Garoowe-ba dhacday.

Annagu, haddii aan nahay Himilo, waxaan u aragnaa in go'aamada muhiimka ah loo daayo odoyaalka dhaqanka. Maaddaama aysan maanta suurtagal ahayn in ummadda Soomaaliyeed ay si xor ah u soo doortaan cidda matalaysa, waxaa nala habboon in odoyaalkoodu ay noqdaan kuwa metala. Waxaan ku sababaynaynaa go'aankan saddex daliil.

Kow, Soomaalidu waxay ka kooban tahay qabaa'il. Qabiilladuna, intooda badan, waxay leeyihiin ugaasyo, isimo, suldaanno, garaadyo iyo malaaqyo ay si toos ah ama si dadban qabaa'ilku u doortaan. Sidoo kale, dagaalka Soomaalidu wuxuu dhexmaray qabiillo. Waxaa iyaduna jirta in la doonayo in lagu saleeyo afar beelood iyo bar. Marka taasi waxay muujinaysaa in odoyaalku yihiin wakiillada rasmiga ah ee go'aan u qaadi kara dadkooda inta laga gaarayo heer uu qofka Soomaaliga ahi ku dooran karo cidda metasha.

Labo, waxaan u aragnaa in faa'iidooyin badan ku jiraan in odoyaashu ay gaaraan go'aamada muhiimka ah. Inkastoo aysan dhammaantoo ceeb-la'aan aysan ahayn, haddana odoyaalku, guud ahaan, wey ka daacadsan yihiin, kana xog-ogaalsan yihiin qabqablayaasha dagaalka. Dhanka kale, saamaynta ay dowladaha deriska ah ku leeyihiin fekerka iyo ficilka hoggaanka dhaqanku ma badna. Sidaa darted, lama filayo in odoyaalka dhaqanku ay isku raacaan in shirka laga fooliyo danaha dowladaha deriska ee cadowga ku ah Soomaaliya. Waa sida hadda ka socoto shirka e.

Saddex, odoyaasha Soomaalidu kama aqoon iyo waayo-aragnimo yara qabqablayaalka dagaalka. Qaar badan oo ka mid qabqablayaashu wax aqoon ah ma laha. Kuwa ugu roon baa waxay ka soo shaqeeyeen maamulkii askarta. Halka odoyaalku ay waayo-aragnimo dheer u leeyihiin xallinta iyo maaraynta mushkiladaha deegaankooda ka dhaca. Mar walba waxaa arrimaha farsamada ka caawinayey shirka aqoonyahanno iyo khubaro Soomaali iyo ajnabiba leh. Kol haddii lagu tiirsan yahay khubaro, waxaan qabnaa in odoyaalku ay samayn karaan go'aamada waaweyn. Tusaale, waxaa hadda ka hor dhacday in Midowga Yurub uu 30 odoy iskugu keenay shir ka dhacay Nakuru 1995, islamarkaasna loo sharxay nidaamyada kala duwan ee jira. Sida qoraalladii laga sameeyey arrintaas ay muujinyaan, odoyaalka dhaqanku waxay doorbideen in nidaamka Soomaaliya uu noqdo "Decentralised Unitary State (Dowlad Dhexe oo Maamul-Hoosaad Baahsan Leh." Wey ka duwan tahay, kagana habboon tahay, nidaamka federaalka ah ee ay qabqablyaalka kooxuhu la kala ordayaan iyagoo aan fahamsanayn.

Ugu danbayntii, waxaan leennahay waa in shirka la badbaadiyo oo aan waqtigii iyo hantidii ku baxday la lumin. Sida kaliya ee aan u aragno in lagu badbaadin karo shirka waa in:

1. Laga wareejiyo hoggaaminta shirka IGAD oo lagu wareejiyo qolo dhexdhexaad ka ah kooxaha Soomaalida oo aan dano dhaqaale iyo mid istaraatiijiyo toona ka lahayn Soomaaliya.

2. Waa in odoyaalka dhaqanku ay noqdaan kuwa go'aanka kama danbaysta ah iska leh. Go'aamada waaweyn oo dhan (sida federaalka, soo xulidda ergada iyo baarlamaanka, in Soomaaliya ay yeelanayso laba aqal iyo inay yeelanayso hal aqal, iyo arrimaha kale) waa inay odoyaalku qaab is-qancin ah ku gaaraan.

3. Waa in bulshada rayadka ah iyo culumada Soomaalida laga siiyo shirka door muuqda oo wax ku ool ah. Shirkii Djibouti inuu guuleysto waxyaalihii suurta galiyey waxaa ka mid ahaa doorkii firfircoonaa ee culumada.

4. Shirka, marka loo sameeyo qolo dhexdhexaad ah waa in lagu wareejiyo Soomaalida si ay iyagu u dejiyaan ajandaha, go'aankana ay iyagu uga qaataan.

5. Qabqablayaalka dagaalka, iyadoo aan si gooni ah loo fogeyn, waa in si cad loogu sheego inaan dilkii iyo burburintii ay Soomaaliya u geysteen loogu darayn abaal-marin iyo awood aan xadidneyn. Waa inay ummadda ka mid ahaadaan, ayna weydiistaan cafis. Dabadeedna, wixii ay ummaddu u garato waa inay qaataan.

6. Dowladaha deriska ah ee danaha gaarka ah ka leh Soomaaliya oo qaar badan oo qabqablayaasha ah abuuray, welina taageera waa in bulshada caalamku ay culeys ku saarto inaysan shirka carqaladayn.

7. Ugu danbayntii, bulshada caalamka ee qarashka faraha badan gelisay shirkan waa inay taageero joogto ah oo u badan xagga farsamada ku wadaan si looga miro-dhaliyo shirka.

Waxaan rumeysan nahay in dhamaynta colaadda Soomaalidu aysan aad u adkayn haddii si sax ah loo abbaaro. Soomaalidu dagaal wey ka soo daashay, waxayna diyaar u yihiin inay dib u dhistaan wixii ka burburay. Haddaba, waa in caalamku sidaa u garto. Soomaaliya waxay u dowlad la'ayd mud 13 sano fara-gelinta dowladaha deriska ah.

himilo3@yahoo.com

 

copyright 2000 © Himilo Newspaper. All rights reserved. Contact