Weli
Waa la Badbaadin Karaa
Shirka Dib-U-Heshiisiinta Soomaalida
Tifatirka
Himilo (www.himilo.com)
August,
8, 2003
Himilo
- Shirka Kenya waxaa la geliyey muddo toban bilood iyo dheeraad
ah iyo qarash ka badan $20 Milyan oo Doollaar. Nasiib darro,
wuxuu maanta qarka u saaran yahay inuu burburo kadib markii
ay ka baxeen qaar ka mid ah hoggaamimiyeyaasha kooxaha,
iyo madaxweynaha dowladda KMG ah. Waxaa intaas dheer in
sababaha uu shirku u burburayo aanay ahayn kuwa la garwosan
karo.
Runtii,
Soomaalida qeybaheeda kala duwan ee iskugu yimid shirku
waxay dhammaantood muujiyeen inay doonayaan in meesha ay
wax ka soo baxaan. Arrimaha ugu dhibka badan ee shirka hortaagan
waxaa ugu weyn go'aaminta cidda iska leh go'aanka kama danbaysta
ah. Weli waxaa la isku hayaa yaa Soomaalida metala oo go'aamada
waaweyn ee shirka qaadanay?
Maamulka
shirka oo ay ku takri-falaan Itoobiya iyo Keenya waxay doonayaan
in go'aamada waaweyn ee shirka loo daayo Guddiga Hoggaamiyeyaalka
oo ka kooban 22 nin oo intooda badan qabqablayaal dagaalka
ah. Dadka Soomaaliyeed badankoodu waxay rabaan in loo daayo
go'aanka kama danbaysta ah odoyaalka dhaqanka sidii shirkii
Djibouti, kii Boorama iyo kii Garoowe-ba dhacday.
Annagu,
haddii aan nahay Himilo, waxaan u aragnaa in go'aamada muhiimka
ah loo daayo odoyaalka dhaqanka. Maaddaama aysan maanta
suurtagal ahayn in ummadda Soomaaliyeed ay si xor ah u soo
doortaan cidda matalaysa, waxaa nala habboon in odoyaalkoodu
ay noqdaan kuwa metala. Waxaan ku sababaynaynaa go'aankan
saddex daliil.
Kow,
Soomaalidu waxay ka kooban tahay qabaa'il. Qabiilladuna,
intooda badan, waxay leeyihiin ugaasyo, isimo, suldaanno,
garaadyo iyo malaaqyo ay si toos ah ama si dadban qabaa'ilku
u doortaan. Sidoo kale, dagaalka Soomaalidu wuxuu dhexmaray
qabiillo. Waxaa iyaduna jirta in la doonayo in lagu saleeyo
afar beelood iyo bar. Marka taasi waxay muujinaysaa in odoyaalku
yihiin wakiillada rasmiga ah ee go'aan u qaadi kara dadkooda
inta laga gaarayo heer uu qofka Soomaaliga ahi ku dooran
karo cidda metasha.
Labo,
waxaan u aragnaa in faa'iidooyin badan ku jiraan in odoyaashu
ay gaaraan go'aamada muhiimka ah. Inkastoo aysan dhammaantoo
ceeb-la'aan aysan ahayn, haddana odoyaalku, guud ahaan,
wey ka daacadsan yihiin, kana xog-ogaalsan yihiin qabqablayaasha
dagaalka. Dhanka kale, saamaynta ay dowladaha deriska ah
ku leeyihiin fekerka iyo ficilka hoggaanka dhaqanku ma badna.
Sidaa darted, lama filayo in odoyaalka dhaqanku ay isku
raacaan in shirka laga fooliyo danaha dowladaha deriska
ee cadowga ku ah Soomaaliya. Waa sida hadda ka socoto shirka
e.
Saddex,
odoyaasha Soomaalidu kama aqoon iyo waayo-aragnimo yara
qabqablayaalka dagaalka. Qaar badan oo ka mid qabqablayaashu
wax aqoon ah ma laha. Kuwa ugu roon baa waxay ka soo shaqeeyeen
maamulkii askarta. Halka odoyaalku ay waayo-aragnimo dheer
u leeyihiin xallinta iyo maaraynta mushkiladaha deegaankooda
ka dhaca. Mar walba waxaa arrimaha farsamada ka caawinayey
shirka aqoonyahanno iyo khubaro Soomaali iyo ajnabiba leh.
Kol haddii lagu tiirsan yahay khubaro, waxaan qabnaa in
odoyaalku ay samayn karaan go'aamada waaweyn. Tusaale, waxaa
hadda ka hor dhacday in Midowga Yurub uu 30 odoy iskugu
keenay shir ka dhacay Nakuru 1995, islamarkaasna loo sharxay
nidaamyada kala duwan ee jira. Sida qoraalladii laga sameeyey
arrintaas ay muujinyaan, odoyaalka dhaqanku waxay doorbideen
in nidaamka Soomaaliya uu noqdo "Decentralised Unitary
State (Dowlad Dhexe oo Maamul-Hoosaad Baahsan Leh."
Wey ka duwan tahay, kagana habboon tahay, nidaamka federaalka
ah ee ay qabqablyaalka kooxuhu la kala ordayaan iyagoo aan
fahamsanayn.
Ugu
danbayntii, waxaan leennahay waa in shirka la badbaadiyo
oo aan waqtigii iyo hantidii ku baxday la lumin. Sida kaliya
ee aan u aragno in lagu badbaadin karo shirka waa in:
1. Laga
wareejiyo hoggaaminta shirka IGAD oo lagu wareejiyo qolo
dhexdhexaad ka ah kooxaha Soomaalida oo aan dano dhaqaale
iyo mid istaraatiijiyo toona ka lahayn Soomaaliya.
2. Waa
in odoyaalka dhaqanku ay noqdaan kuwa go'aanka kama danbaysta
ah iska leh. Go'aamada waaweyn oo dhan (sida federaalka,
soo xulidda ergada iyo baarlamaanka, in Soomaaliya ay yeelanayso
laba aqal iyo inay yeelanayso hal aqal, iyo arrimaha kale)
waa inay odoyaalku qaab is-qancin ah ku gaaraan.
3. Waa
in bulshada rayadka ah iyo culumada Soomaalida laga siiyo
shirka door muuqda oo wax ku ool ah. Shirkii Djibouti inuu
guuleysto waxyaalihii suurta galiyey waxaa ka mid ahaa doorkii
firfircoonaa ee culumada.
4. Shirka,
marka loo sameeyo qolo dhexdhexaad ah waa in lagu wareejiyo
Soomaalida si ay iyagu u dejiyaan ajandaha, go'aankana ay
iyagu uga qaataan.
5. Qabqablayaalka
dagaalka, iyadoo aan si gooni ah loo fogeyn, waa in si cad
loogu sheego inaan dilkii iyo burburintii ay Soomaaliya
u geysteen loogu darayn abaal-marin iyo awood aan xadidneyn.
Waa inay ummadda ka mid ahaadaan, ayna weydiistaan cafis.
Dabadeedna, wixii ay ummaddu u garato waa inay qaataan.
6. Dowladaha deriska ah ee danaha gaarka ah ka leh Soomaaliya
oo qaar badan oo qabqablayaasha ah abuuray, welina taageera
waa in bulshada caalamku ay culeys ku saarto inaysan shirka
carqaladayn.
7. Ugu
danbayntii, bulshada caalamka ee qarashka faraha badan gelisay
shirkan waa inay taageero joogto ah oo u badan xagga farsamada
ku wadaan si looga miro-dhaliyo shirka.
Waxaan
rumeysan nahay in dhamaynta colaadda Soomaalidu aysan aad
u adkayn haddii si sax ah loo abbaaro. Soomaalidu dagaal
wey ka soo daashay, waxayna diyaar u yihiin inay dib u dhistaan
wixii ka burburay. Haddaba, waa in caalamku sidaa u garto.
Soomaaliya waxay u dowlad la'ayd mud 13 sano fara-gelinta
dowladaha deriska ah.
himilo3@yahoo.com
|