Nidaamka
Federaalku Xal uma ahan
Dhibaatada Soomaalida
July 10, 2003
Afyare Cabdi Cilmi
Tifaftiraha Himilo On-Line (www.himilo.com)
aelmi@oise.utoronto.ca or Himilo2222@yahoo.com
Toronto, Canada
Qormadan
waxaa igu kallifay inaan qoro saddex arrimood. Kow, waxaa
jira dareen guud oo dadka Soomaaliyeed ay qabaan oo ku saabsan
nidaamka federaalliga ah. Waxaa, inta badan, dadka Soomaaliyeed
ka muuqata inay kalsooni dheeraad ah u hayaan nidaamkan
iyadoo aadba mooddo inay rumeysan yihiin inuu xal u yahay
keli-talisnimada iyo dulmiga ay madaxda dowladuhu sameeyaan.
Labo, waxaa jira in hey'adaha caalamka ee iska xilsaara
xallinta mushkiladaha ka dhasha dagaallada sokeeye ay mar
kasta ku soo boodaan nidaamkan federaalliga ah. Runtii,
sida aqoonyahannada qaar ay qorayaan, nidaamkani wuxuu noqday
midka ugu sahlan ee islamarkiiba ku soo degdega maskaxda
dadka farageliya dagaallada sokeeye iyadoo aanba si qoto
dheer looga fekerin sida uu nidaamkani ula saanqaadi karo
xoogagga iyo dhaqamada ka jira dalka ay mushkiladdaasi ka
jirto (Lake & Rothchild, 2002). Saddex, waxaa nidaamkan
si weyn u doonaya dowlado deris la ah Soomaaliya oo dano
waaweyn oo istaraatiiji ah ka leh dalka. Dowladahaasi waxay
maanta fursad u heystaan inay saamayn ku yeeshaan qaabka
Soomaaliya ay dowladdeedu u dhismeyso. Iyagoo danahooda
fiirsanaya, dowladahaas waxay iyaguna ka mid yihiin xoogagga
riixaya in Soomaaliya loo sameeyo nidaam federaali ah.
Rabitaanka
dadweyne badan oo aan ku slaysnayn aqoon, doonista hey'adaha
caalamiga ah oo iyaguna fiirsanaya waxa u sahlan, iyo dibindaabyada
dowladaha deriska ah qaarkood oo iyagu uu rabitaankoodu
ku qotomo dantooda ayaa waxay keeneen in mar kasta oo Soomaalidu
ay ikugu tagto shir in ay saxiixaan in dastuurka dalka lagu
saleeyo nidaamka federaalka. Inta badan, shirarkii loo qabtay
Soomaalida ee uu ugu danbeeyo kan hadda ka socda dalka Kenya
waxaa qodobbadii la saxiixay ka mid ahaa qodob tilmaamaya
in nidaamka federaalliga ah lagu saleeyo dastuurka Soomaaliya.
Haddaba,
su'aalaha horyaal ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda
waxgaradka ah, waxaa ka mid ah: Waa maxay nidaamka federaalku?
Waa maxay waxtarka iyo waxyeellooyinka uu nidaamkani wato?
Soomaaliya sida ay hadda ku sugan tahay ma yahay nidaam
ku habboon? Dhaqaale ahaan, Soomaaliya ma awooddaa oo ma
ka bixi kartaa? Ma jiraa qaab kale oo laga heli karo faa'iidooyinka
ku jira nidaamka, islamarkaasna aan lahayn qasaarooyinka
ku aasan nidaamkan? Xitaa haddii la qaato nidaamkan, ma
jiraan waxyaalo caqabaad ah oo keeni kara in qasaarooyin
waaweyn uu u geysto qarannimada Soomaaliya iyo aayaha iyo
jiritaanka danbe ee ummadda Soomaaliyeed?
Qormadan
waxaan ugu talagalay inaan intii aan karo uga jawaabo su'aalaha
kor ku xusan. Waxaan ugu talagalay inaan dadka Soomaaliyeed
la wadaago aragtidayda ku aaddan mowduucan iyo welwelka
aan ka qabo nidaamkan. Haddii aan si kale u dhigo, qormadani
ma ahan mid aan u qorayo koox mutacallimiin ah oo ku taqasussay
siyaasadda iyo maamulka. Waxaan rajaynayaa inay furto dood
iyadoo laga duulayo su'aasha weyn ee ah, maxay aayaha iyo
qarannimada ummadda Soomaaliyeed u dhimeysaa ama ku kordhinaysaa
haddii aan ku salayno dowladnimadeenna nidaamka federaalliga
ah?
Qormadani waxay ka kooban tahay laba qeybood. Qeybta hore,
waxaan ku sharxayaa waxa uu yahay asal ahaan nidaamka federaalku,
iyo waxtarkiisa iyo waxyeelladiisa. Qeybta labaad, waxaan
ku falanqeyn doonaa sida ay u adag tahay in nidaamka federaalliga
ah laga hirgeliyo Soomaaliya. Waxaan ku soo gunaanadayaa
aragtidayda ku aaddan arrintan oo ah inaan nidaamka federaalku
xal u ahayn mushkiladda Soomaalida, islamarkaasna uusan
ka shaqeyn Karin dalka.
Soomaalidu
waxay ku maahmaahdaa "hubsiino hal dhan baa la siistaa."
Waxaan qabaa in haddii si furan looga doodo oo caqligu shaqeeyo
waxaa dhici karta in la gaaro qaab isku dheellitiraya danta
iyo himilada fog ee ummadda iyo rabitaanka jidbada ku salaysan
ee hadda jira.
Waa
Maxay Nidaamka Federaalku?
Asal
ahaan, ereygu wuxuu ka yimid afka Laatiinka, wuxuuna Ingiriiska
ka soo galay dhinaca luqadda Faransiiska. Xagga adeegsiga,
ereyga "federal" iyo figradda uu ku salaysan yahayba
waxaa markii hore loo adeegsan jiray qaab diini ah. Markii
ugu horreysay macnaha ereygan loo isticmaalay wuxuu ahaa
"heshiis" u dhexeeya aadamaha iyo Allaah. Macnahani
wuxuu markii danbe isku rogay heshiiska ama axdiga ay dadku
wada galaan. Markii danbana wuxuu macnaha ereygani ku danbeeyey
heshiisyada siyaasiga ah ee ay gobolladu galaan marka ay
samaysanayaan dowlad dhexe. Sida ay aqoonyahannada baara
arrintani qoraan, muddadan danbe, ereygani wuxuu caan ku
yahay oo lagu yaqaan siyaasadda, waana macnaha aan doonayo
inaan warqaddan ku falanqeeyo (Elazar, 1987).
Marka
macnihiisa guud la fiiriyo, nidaamka federaalku waa qaab
lagu saleeyo habeynta siyaasadda dalka iyadoo loo qeybinayo
awoodaha dastuuriga ah laba heer oo kala ah heer qaran iyo
heer gobol (waa laga badin karaa heerarka labo haddii la
doono) (Riker, 1964). Guud ahaan, labada heer ee kala ah
dowladda dhexe iyo kuwa gobolladu waxay wadaagaan oo ka
dhexeeya maamulka dalka. Dowladda dhexe waxay xukuntaa dalka
oo dhan, halka ay dowladaha gobolladu xukumaan gobolladooda.
Awoodaha uu dastuurku u qeybinayo labadan heer waxaa ugu
muhiimsan awoodda sharci dejinta iyo awoodda canshuurista
((Elazar, 1987).
Marka
sidan loo fiiriyo nidaamkan federaalku wuxuu suurta gelinayaa
in dalku uu lahaado dowlad guud, iyadoo uu gobol walbana
si hoose isku maamulayo oo arrimihiisa u gaarka ah ee uu
kaga duwan yahay gobollada kale uu isagu xeerinayo. Sida
caadiga ah, waxaa nidaamkani uu aad ugu habboon yahay marka
ay jiraan dad laga badan yahay oo diin-ahaan, dhaqan ahaan
ama luqad-ahaan ka duwan dadka ka badan ee ay dalka kula
nool yihiin. Tusaale, gobolka Quebec ee dalka Canada waxaa
ku dhaqan dad asalkoodii hore ka yimid dalka Faransiiska,
kuna hadla Af-Faransiis, islamarkaasna heysta Mad-habta
Katoolliiga ee Diinta Kiristaanka. Haddaba, sida inta badan
laga dhegeysto idaacadaha, waxay doonayaan inay xor ka noqdaan
dalka intiisa kale oo ay ka duwan yihiin. Sidoo kale, waxaa
iyaduna jirta dalal badan oo ku yaal Yurub sida Germany,
Switzerland, Belgium oo iyaguna ku kala duwan xagga diinta
ama xagga luqadda. Dalalka ku dhaqma nidaamka federaalku
waa 25 dowladood, waxayna ku kala yaallaan qaaradaha oo
dhan.
Marka
dastuurka la dejinayo, waxaa caado ah in awoodda loo qeybiyo
labada heer iyadoo lagu caddeynayo mid walba awooddiisa
qodob ka mid ah dastuurka. Tusaale, qodobka 91 ee dastuurka
Canada wuxuu sheegayaa awoodda dowladda dhexe, halka qodobka
92 uu sheegayo awoodda dowladaha gobollada. Waxaa iyaduna
jirta in marka la qeybinayo labada awoodood ay jiraan awoodo
ay xeerintooda wadaagaan labada heer. Marka sidaas loo kala
caddeeyo ayaa waxaa iyaduna muhiim ah in dastuurku uu caddeeyo
cidda la siinayo wixii aan ku qeexneyn labadaas qodob. Dastuurka
Mareykanku wuxuu siinayaa dowladaha gobollada wixii aan
ku caddeyn axdiga, halka uu dastuurka Canada siinayo dowladda
dhexe wixii aan ku caddeyn axdiga fiiri -
(http://laws.justice.gc.ca/en/const/c1867_e.html#distribution).
Arrintani
waa muhiim. Tusaale, Canada dastuurkeeda waxaa la sameeyey
1867, markaasna ma jirin is-gaarsiintan casriga ah. Maaddaama
aysan ku caddayn dastuurkii xilligaas cidda la siiyey is-gaarsiinta,
waxaa sidaas ay ku noqotay awood ay dowladda dhexe leedahay.
Waxaa iyaduna muhiim ah in dastuurka ay ku caddahay qaabka
wax looga baddeli karo awoodaha labada heer ee dowladda
dhexe iyo dowladaha gobollada. Inta badan, labada heer (gobollada
iyo dowladda dhexe) midkoodna kuma qasbi karo kan kale wax
uusan rabin marka ay timaaddo awoodaha uu gaarka u leeyahay.
Nidaamkani
wuxuu ku yimaaddaa saddex qaab. Kow, qaabka gumeysiga oo
ah in dowlad inta ay qabsato dhulal kale, ay dabadeed u
qeybiso maamulka gobollada iyo dowlad dhexe ee dhulkaas
ka jira. Boqortooyadii Ingiriisku markii ay dunida ka talinaysay
waxay isku dayday inay nidaam federaalli ah u samayso dhulalkii
ay maamulaysay. Labo, nidaamka federaalliga wuxuu ka dhalan
karaan dhaqanka iyo xiriirka u dhexeeya gobollada iyadoo
aan cidina ku qasbin ama aanay iyagu ku heshiin. Dhaqanka
iyo koritaanka dabiiciga ah ayaa mararka qaar keena nidaam
asal ahaan federal ah laakiin aan ku salaysnayn heshiis
la kala saxiixday. Saddex, nidaamka federaalku wuxuu kaloo
ku samaysmaa heshiis toos ah oo ay galaan gobollo u bareeray
inay samaystaan nidaam guud oo danahooda ka shaqeeya iyagoo
ilaashanaya maamulkooda hoose (Elazar, 1987).
Waxtarka
Nidaamka Federaalka
Nidaamka
federaalka waxaa lagu soo dhaqmayey muddo dheer. Dalalka
qaar, sida Switzerland, waxay tirsanayaan boqollaal sano.
Waa nidaam wax badan laga qoray oo siyaabo kala duwan loo
daraaseeyey. Marka waxaan halkan ku soo koobi doonaa wixii
qasaaro iyo faa'iido laga arkay intii lagu soo dhaqmayey.
Aqoonyahannada
wax ka qora nidaamkani waxay ku sheegaan nidaamka lix faa'iido
oo waaweyn oo kala ah:
- ·Tan
ugu horreysa ee sababta in dhowr gobol ay isku tagaan
oo ay samaystaan dowlad dhexe waa inay iskaga kaashadaan
sidii ay iskaga difaaci lahaayeen cadowga dibadda. Nidaamkani
wuxuu suurta-galiyaa inay gobolladu yeeshaan hal ciidan
oo ka ilaaliya weerarrada midkood ama dhammaantood kaga
imaan kara cadowgooda.
- Labo,
nidaamkan federaalliga ahi waxa uu hormariyaa dhaqaalaha.
Marka sidan la leeyahay waxaa gobol kasta si gooni ah
loogu barbardhigayaa dowladda dhexe. Tusaale, dhaqaalaha
hal gobol oo ka mid ah gobollada isku imaanaya lama mid
noqon karo dhaqaalaha kulligood waayo waxaa dhacaysa in
gobollada oo dhami ay yeeshaan hal lacag, ganacsi xor
ah oo gobollada iskaga goosha, xorriyadda safarka dadka
iyo inay hal nidaam ku wada hoos jiraan oo ay isku hab
u shaqaynayaan. Arrimahani waxay fududeynayaan in dhaqdhaqaaqa
gancasiga iyo dadkuba uu kordho. Dabcan, taasina waxay
saamayn ku yeelanaysaa dhaqaalaha.
-
Saddex, nidaamka federaalliga ahi wuxuu ka mid yahay waxyaalaha
ka ilaaliya maamulku inuu noqdo mid ku dhisan keli-talis.
Maaddaama dastuurku qeybiyey awoodaha oo qaar la dhigay
heerka gobollada, awoodaha kalena la siiyey dowladda dhexe,
waxaa suurtagal noqonaysa in dowladda dhexe aysan siday
rabto ka yeelin dowladhaha gobollada. Sidoo kale, dowladaha
gobolladuna ma laha awood buuxda oo xeerka ay doonaan
ay ku dejin karaan. Gorgortanka labadan awoodood ka dhexeeya
wuxuu keenaa inuu ka hortago ku-tagri-falka awoodda ama
keli-talisnimada.
- ·Afar,
nidaamkani wuxuu dhiirrigeliyaa ka qeyb-galka ay dadweynuhu
ay ka qeyb-qaadanayaan maamulka, gaar ahaan heerka dowladaha
hoose.
-
Shan, aqoonyahannada nidaamkan baara waxay caddeeyeen
in ilaa xad uu nidaamkani fududeeyo in dowladaha gobolladu,
maaddaama ay leeyihiin awood badan, ay tijaabi karaan
aragtiyo iyo xalal cusub oo aan suurtagal noqdeen haddii
nidaamku uusan federal ahayn.
- Lix,
haddii ay jiraan dad laga badan yahay oo deggan gobol
ka mid ah gobollada, nidaamka federaalligu wuxuu fududeeyaa
in la xalliyo arrimahooda la xiriira luqadda, diinta iyo
arrimaha dhaqanka (Notes from Federalism Course: PPA 650,
1996, waxaa kaloo aad fiirisaa Watts, 1999 iyo Elazar
1987).
Waxyeellooyinka
Nidaamka Federaalliga
Dabcan,
wax kasta oo wanaagsan waxay wataan dhibkooda. Nidaamka
federaalliga ah waa nidaam fahamkiisa iyo ku-dhaqankiisuba
ay aad ugu adag yihiin dadweynaha. Aqoonyahannada daraaseeyey
waxay ku sheegeen ilaa toddobo 7 cilladood oo waaweyn oo
kala ah:
- ·Kow,
nidaamkani wuxuu ku cusleeyaa dowladda dhexe inay wax
ka qabato arrimaha qaar laga yaabo in dastuurku uu siinayo
dowladaha gobollada, laakiin xaqiiqa ahaan ka gudbaya
xuduudaha gobollada. Xilligan oo ay is-gaarsiintu wax
badan fududeysay, waxaa isa-soo hoos-galaya xuduudaha
macnawiga ah ee u dhexeeya dowladaha gobollada iyo dowladda
dhexe. Marka, waxaa nidaamkan la socda is-jiid-jiid badan
iyo go'aan-gaarista oo qaadata waqti dheer iyadoo aanba
waxqabad la isla-gaarin.
- Labo,
nidaamkani kuma fiicna beeqaaminta dhaqaalaha waayo wuxuu
ganacsiga ku qasbaa inay u hoggaansamaan xeerar badan
oo isku soo noqnoqonaya. Taasi waxay kordhinaysaa qarashka
ganacsiga, waxayna hoos u dhigeysaa faa'iidooyinka ay
ganacsatadu ka helaan ganacsigooda. Marka sidan la leeyahay
waxaa loo barbardhigayaa nidaamka aan ahayn federaalka.
Sidoo kale, nidaamka laftiisu wuxuu ku dhisan yahay qaab
aan beeqaaminayn ama u tureyn dhaqaalaha dalka.
- Saddex,
nidaamkani wuxuu abuuraa tartan ka dhexeeya dowladaha
gobollada, gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha. Marka uu gobol
kasta isku dayo inuu soo jiito shirkadaha isagoo fududeynaya
ama dhimaya canshuuraha iyo xeerinta, waxaa imanaysa inay
hoos u dhacdo tayada wax-soosaarka. Tusaale, marka shirkadaha
aan si adag loo xeerin waxay keenaysaa inay ku tuntaan
dadweynaha iyo waxyaalaha danta guud ay ku xiran tahay
sida deegaanka.
- Afar,
waxaa mararka qaar dhacda in dowladaha gobolladu ay ku
qasbaan dadka ku nool gobollada kale inay bixiyaan qarashyo
ama canshuuro dheeraad ah. Waxaa kaloo dhici karta inay
xaddidaan xuquuqda shaqsiga ama ay u diidaan adeegyo kale
oo uu qofkaasi ku leeyahay dalka iyagoo ku ximinaya inuusan
qofkaasi ku dhalan gobolka.
- Shan,
maaddaama uu nidaamkani ku salaysan yahay gobollo iyo
dowlad dhexe oo wax isku darsanaya, nidaamkani wuxuu saarayaa
dadka culeys dhaqaale oo farabadan. Tusaale, dowladda
dhexe iyo dowladaha gobolladuba waa inay yeeshaan xukuumadahooda,
shaqaalahooda, booliskooda iyo garsoorkooda. Taasi waxay
keenaysaa in hanti farabadan lagu bixiyo adeeg isku mid
ah. Ma rumaysanaysaa haddii lagu yiraa dowladda Mareykanku
waxay ledahay 83,000 xukuumadood? Yacni, tiradani waxay
sidan ku imaanaysaa marka laga soo billaabo Aqallada Congress-ka
oo lagu keeno heerka u hooseeya ee dowladaha hoose ee
ka jira magaalo kasta iyo tuulo walba. Waxaanay arrintani
wax weyn u dhibaysaa dhaqaalaha dalka.
- Lix,
haddii aysan dadka laga badan yahay ku urursnayn hal gobol,
waxaa dhacda in dowladaha gobolladu ay halis galiyaan
jiritaanka dadka tirada yar. Dabcan, waxaa jira tusaalooyin
badan oo la xiriira Soomaalida waayo waxaa jira dad la
dhibo oo aan hal meel ku urursanayn.
- Toddobo,
nidaamka federaalka ahi ma ahan nidaam xasilloon. Waxaa
mar walba kala jiita dowladaha gobollada oo aan iyaga
laftoodu isla socon iyo dowladda dhexe. Marar badan waxaa
qasab noqoto inuu dagaal ka dhasho is-jiid-jiidka. Waxaa
kale oo iyaduna dhacda inay arrinta is-jiid-jiidku ku
dhammaato in la kala baxo oo dowlado kala duwan la noqdo.
Runtii, nidaamkan federaalku ma ahan nidaam u horseeda
deggenaan dadka dalkaas ku nool haddii aysan taariikh
hore u lahayn ku dhaqanka nidaamkan (Notes from Federalism
Course: PPA 650, 1996, waxaa kaloo aad fiirisaa Watts,
1999 iyo Elazar 1987)..
Waxaa
intaas dheer muranka ka dhasha xuduudaha dowladaha gobollada
iyo is-maandhaafka ka dhasha fasirka dastuurka iyo cidda
xaq u leh inay xeeriso arrinta la isku hayo. Sida caadada
ah, dowladda dhexe waxay u xaglisaa in wixii ay qaramayn
karto ay qaramayso halka dowladaha gobolladuna ay inta badan
doonaan inay wixii ay ka ridan karaan dowladda dhexe ay
ka ritaan.
Waxaa
iyaduna jirta cillad weyn oo aqoonyahannada qaar xusaan,
taasoo ah in nidaamka federaalku uu soo saaro in dadku ay
jacaylkooda iyo jidbada wadaninimadooda ay siiyaan gobolladooda
halkii ay siin lahaayeen dalka. Waxaa inta badan dhacda
in dadku ay hormariyaan gobollada taasoo keeni karta inaysan
dadku si weyn iskugu lifaaqin dalkooda. Tusaale, nidaamka
federaalka ee ka jira dalka Canada ma uusan kobcin Canadiannimada
ama qarannimada Canada ee wuxuu kobciyey goboleysiga.
Haddaba
marka si dhab ah loo fiiriyo waxtarka iyo waxyeellooyinka
nidaamkan la socda, dadka Soomaaliyeed ma u baahan yihiin
nidaamka federaalliga? Ma awoodaan dhaqaale ahaan? Mase
ka samatabixi karaan deggenaan la'aanta ku dhex jirta nidaamkan?
Ma jiraa hab kale oo dabooli kara baahida dadka Soomaaliyeed,
islamarkaasna ka waxyeellooyin yar? Haddii si kale loo dhigo
ma la samayn karaa nidaam leh dhammaan waxtarka uu leeyahay
nidaamka federaalku, islamarkaasna aan lahayn waxyeellooyinkiisa.
Anigoo ka duulaya waxyaalaha kor ku qoran, waxaan warqadda
inta ka hartay ku lafaguri doonaa su'aalahan iyo kuwo kale.
Soomaaliya
iyo Nidaamka Federaalka
Soomaalidu
waligeed kuma aysan dhaqmin nidaamkan, mana u laha waayo-aragnimo
iyo aqoon ay ku tiirsanaato. Dowladdii Dimoqraadiga ee ugu
horreysay waxay ahayd dowlad dhexe oo leh siddeed gobol.
Awoodda oo dhan waxaa iska lahaa oo uu dastuurku siinayey
dowladda dhexe. Kacaankii Oktoobar waxba kama uusan baddelin
ee wuxuu sii xoojiyey dowladdii dhexe iyadoo ay weliba saraakiishii
dalka maamulaysay ay si xun u adeegsadeen awoodda dowladda
dhexe. Waxaa ka danbeeyey 12 sano oo dagaallo sokeeye ay
dalka aafeeyeen. Dagaalladan waxaa ka dhashay in dadku kala
qaxo oo qof walba meesha uu isleeyahay waad ku nabadgeli
kartaa uu aado. Dad badan baa waxay dib ugu noqdeen gobolladii
ay ka yimaadeen, waxaana sidaas ku samaysmay gobollo ka
duwan kuwii ka jiri jiray dowladihii hore oo ku salaysan
nidaam qabiil.
Dhanka
kale, ma jiraan wax raadraac ah oo weyn oo laga qoray sida
Soomaaliya ay ugu dhaqmi karto nidaamka federaalka. Waxaa
jira qormooyin dhowr ah oo aan iyaguna aad u sii ridneyn,
islamarkaasna aan ku baahin dalka. Tusaale, Midowga Yurub
(European Commission) qeybtiisa u qaabilsan Soomaaliya waxay
qabanqaabisay dhowr shir oo lagu soo bandhigay diraasado
caddaynaya nidaamyo-dowladeedyada kala duwan ee caalamka
looga dhaqmo. Waxaa iyaduna jirta in UNISOM ay sanadkii
1994 wax ka qortay arrimahan.
Si kastaba
ha ahaatee, ma jirto aqoon iyo waayo-aragnimo ay Soomaalidu
u leedahay nidaamkan. Sidoo kale, meesha ma taallo daraasad
qoto dheer oo sahmisay sida nidaamkani uu ugu habboon yahay
Soomaalida ama sida uu uga hirgeli karo. Waxaa arrinta sii
murjinaya saamaynta uu dagaalka sokeeye ku yeeshay fikirka
dadka, iyo xaqiiqada dalka hadda ka jirta. Arrimahan oo
iskaashaday ayaa waxay iyaguna la imaanayaan caqabooyin
badan.
Run
ahaan, inta aan anigu ogahay ma jiro qaab ay Soomaalidu
ku tahay heshiis oo lagu saleeyo nidaamka federaalka. Sida
aan hore u soo sheegay nidaamkani waxa uu ka kooban yahay
ugu yaraan laba heer (dowladda dhexe iyo dowladaha gobollada).
Waa in la helo gobollo lagu yahay heshiis oo uu nidaamka
federaalku ku salaysnaanayo. Tusaale, shirkii Carta ee Soomaalida
wajigiisii koowaad waxaa iskugu tegay aqoonyahanno Soomaaliyeed
oo loogu yeeray inay diyaariyaan ajandaha shirka.
Sida
qof ka qeyb-galay shirkaas uu ii sheegay, su'aalihii la
isweydiiyey waxaa ka mid ahaa qaabka lagu salaynayo nidaamka
federaalka. Dadka qaar waxay soo jeediyeen in federaalka
Soomaalidu ka koobnaado Waqooyi iyo Koonfur ama Somaliland
iyo Soomaaliya. Qaar kale waxay qabeen in dib loogu noqdo
xilligii Kacaankii Oktoober oo lagu saleeyo 18-kii gobol
ee dowladdii militariga ahayd ay ka tagtay. Kuwo kale ayaa
iyaguna qabay inaan labadan hab sax ahayn oo nidaamka federaalka
lagu saleeyo gobolladii uu gumeysigu ka tagay oo ahaa siddeed
(8). Waxaa iyaduna jirta in dadka qaar qabeen in waxaasoo
dhan laga tago oo nidaamka federaalka lagu saleeyo xaqiiqada
hadda jirta oo la dhihi karo waxay markaas tiradu noqonaysaa
afar ilaa shan gobol (Puntlland, Somaliland, Gobollada Dhexe,
Koonfur-Galbeed iyo Jubbooyinka). Mararka qaar waa la isku
daraa labada danbe.
Waqooyi
iyo Koonfur
Figradda
hore ee oranaysa waa in nidaamka federaalka lagu saleeyo
Waqooyi iyo Koonfur ama Soomaaliya iyo Soomaliland waxaa
qaba qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ka yimid Soomaaliland
ama gobollada Waqooyi, islamarkaasna ka soo horjeeda kala-goynta
Soomaaliya. Dadkani waxay ku doodaan in Soomaaliya ay koobneyd
laba gobol oo ay kala gumeysan jireen laba gumeyste. Markii
ay iska xoreeyeen gumeysigaasna iyagu iskood iskugu tegey.
Dooddani waxay leedahay, guuxa dadka dega Waqooyiga Soomaaliya
wuxuu ka billowday ku xadgudub lagu xadgudbay isku-imaatinkii
hore oo ujeeddadiisuna ahayd in labada gobol midoobaan,
ayna si caddaalad ah u qeybsadaan maamulka.
Inkastoo
aan wax shuruud ah la kala qoran, haddana, waxay figraddani
ku doodaysaa, ujeeddadu way iska caddayd. Haseyeeshee, reer
Koonfur baa si kale u adeegsaday midnimadii, dabadeedna
ku duudsiyey reer Waqooyi. "Guuxa keenay dagaalkaba
wuxuu salka ku hayaa nidaamka federaalka oo lagu xadgudbay,"
ayey dadkani qabaan. "Marka haddii Soomaaliya ay isku
soo noqonayso waxaa lama huraan ah in hadda dib looga hadlo
oo loo gorgortamo Waqooyi iyo Koonfur" ayey dabadhigaan.
Dhanka
kale, figradda noocan ah dadka intiisa badan (reer Koonfurka)
waxay u arkaan inaysan macquul ahayn waayo waxay ku leeyihiin
ma ahan isku miisaan Waqooyi iyo Koonfur. Tan kale, waxaa
iyaduna jirta in qaar ka mid ah gobollada Waqooyi ay door
bidayaan in nidaamka lagu saleeyo sidii ay uga tagtay dowladdii
ugu danbaysay oo ahaa 18 gobol. Dhanka kale, waxaa jira
figrad xoog leh oo kaba duwan kuwan oo ku doodaysa in Waqooyi
dib ula noqotay xorriyaddeedii, aysanna danaynayn inay mar
kale Koonfur kala hadasho midnimo.
Makra
la soo koobo, nidaamka federaalku wuxuu ka guntamaa heshiis,
waana lagu heshiin karaa wax kasta. Waa macquul, waana suurtagal
haddii heshiis lagu yahay in nidaamka federaalka lagu saleeyo
Waqooyi iyo Koonfur. Waxaase muhiim ah in la isku oggol
yahay. Haddiiba la qaadanayo nidaamka federaalka waxaa habboon
inaysan gobolladu aad u badan. Sabab la xiriirta awoodda
dhaqaale iyo aqooneed ee ummadda Soomaaliyeed ayaa qasab
ka dhigeysa in gobolladu ay yaraadaan. Marka dhinacaas laga
soo fiiriyo waa arrin suurtagal ah.
Tan
kale, muhiim ma ahan in gobollada samaysanaya federaalku
ay kulligood isku awood iyo dhaqaale yihiin. Marka arrimahan
lagu daro muhimadda ay leedahay in midnimada Soomaalida
la soo celiyo oo la xoojiyo, waxaad mooddaa inay habboon
tahay in tixgelin la siiyo nidaamka federaalka marka laga
hadlayo xiriirka u dhexeeya Waqooyi iyo Koonfur.
Haseyeeshee,
arrimahaas oo dhami meesha kama saarayaan waxyeellooyinka
uu wato nidaamka federaalka ah ee aan kor ku soo sheegnay.
Gobolladu tiro kasta ha la ekaadeene, dhibaatooyinkii la
imanayey nidaamkani way jirayaan. Waxaa iyaduna aan meesha
ka maqnayn in wax kasta oo nidaamka federaalka lagu samayn
karo laga heli karo nidaamyada kale ee maamulka ee jira
sida waxa afka qalaad lagu yiraado decentralized unitary
state (dowlad dhexe oo haddana gobollada iyo degmooyinka
siinaysa awood-hoosaad). Waxaa dhici kara in dadka qaar
ay is-weydiiyaan faraqa u dhexeeya nidaamka federal-ka iyo
nidaamka aan sheegay. Dhab ahaan, waxaa u dhexeeya faraq
weyn, wuxuuse u baahan yahay in si qoto dheer looga hadlo
mar kale.
Gobolladii
Dowladdii Milatriga ee Siyaad Barre
Dowladdii
uu hoggaamiyaha u ahaa Jeneral Maxamed Siyaad Barre waxay
dalka la wareegtay sanadkii 1969 iyadoo uu markaa dalku
ka koobnaa siddeed gobol. Muddadii 21-ka sano ahayd ee uu
dalka ka talinayey Siyaad Barre wuxuu ku daray toban gobol.
Haddaba waxaa isweydiin leh kororsiimadan muxuu nidaamku
ku salaynayey? Runtii lama garanayo qaabka uu Kacaanku raaci
jiray marka uu abuurayo gobollo cusub. Nin odoy ah oo ka
tirsanaa maamulkaas ayaan weydiiyey halbeegga la adeegsan
jiray marka la samaynayo gobol ama degmo cusub. Ninkaasi
wuxuu iigu jawaabay "dalka waxaa heystay nin keliteliye
ah, wuxuuna u maamuli sida uu u arko sax isagu. Gobollada
iyo degmooyinka iyo go'aannada kale ee waaweyna isaga ayaa
samayn jiray."
Waxaa
arrintan sii xoojinaya sheeko aan ka maqlay Cabdulle Raage
Taraawiil oo ahaa hal-abuur caan ku ah bulshada dhexdeeda.
Cabdulle Raage oo hadalka cajal ku duubay wuxuu ka sheekeyey
dood dhexmartay isaga iyo Jeneraal Siyaad Barre. Cabdulle
Raage wuxuu leeyahay waxaa ii yeeray Madaxweyne Maxamed
Siyaad Sanadkii 1990 oo ku beegnayd xilligii ay saxiixeen
odoyaashu warqad ay ugu baaqayaan in uu Jananku is-casilo
(Manafesto Group). "Siyaad Barre ayaa wuxuu igala hadlay
arrimaha warqaddan iyo qabiillada ka danbeeya," ayuu
yiri Cabdulle Raage. Siyaad Barre wuxuu igu yiri buu Cabdulle
leeyahay, "Waxaa ii heshiiyey Majeerteen iyo Habargidir,
marka waxaan doonayaa inaad tolkaa ka reebto arrintan oo
aad idinku (qabiil ahaan) wax igala qabataan oo aad Kacaanka
taageertaan." Waxaan ku iri, ayuu Cabdulle Raage ku
leeyahay cajaladda, "dadka saxiixay warqadaha kuma
jiro qof aan aniga heybta hoose isku nahay."
Labo
kulan oo kale iyo dood dheer kadib ayuu Siyaad Barre igu
yiri, "waxaan degmo kaaga dhigayaa meeshii aad ku dhalatay
oo magaceeda la yiraa Ruun Nirgood." Cabdulle Raage
wuxuu leeyahay waan ka diiday arrintaas Madaxweyanaha waayo
waxaan weydiistay inuu degmo ka dhigo meeshaan10 sano ka
hor, wuuna ii diiday. Dabadeed, sida uu cajaladda ku sheegayo,
Cabdulle Raage wuxuu billaabay inuu goobta ka tiriyo gabay
dheer oo uu Kacaanka ugu abaalsheeganayo wixii uu u galay
iyo sidii uu Kacaanku ugu jisaaray ee uu ii xiray. "Markii
aan gabaygii dhameeyey ayuu Siyaad Barre yiri, 'waxaan ku
darayaa Warshiikh.'" Markaas baan ku iri, "Caadley
ku dar." Siyaad Barre wuu diiday arrintaas waayo wuxuu
yiri waxaa la iga laayey askar Caadley, laakiin waxaan ku
darayaa Biyacado. Isku soo duuboo, sida uu cajaladda ku
sheegayo, Cabdulle Raage iyo odoyaal la socday waxay habeenkaas
ka saxiixeen Jeneral Maxamed Siyaad Barre afar degmo.
Arrintani
waxay ku tuseysaa inuusan jirin halbeeg la raaci jiray oo
ay ku xirnayd Jeneral Siyaad Barre xaaladdiisu sida ay tahay.
Marka haddii sidan gobollo lagu sameeyey lagu duldhiso nidaamka
federaalka waxaa ka imanaya dhowr cilladood. Tan hore, waxaa
laga tagayaa caddaaladda waayo waxaa jira gobollo dadka
deggen uusan nidaamkii milatarigu jeclayn xilligaas, iyo
gobollo kale oo dadkoodu aysan baraarug siyaasi ah lahayn.
Labadan arrimood oo iskaashaday waxay keenayaan in la sharciyeeyo
wax aan ku iman nidaam sharci ah ama aan caqligu qaadan
karin.
Haddii
xitaa la isku oggolaado oo la aqbalo 18 gobol, ma ahan suurtagal
dhaqaale ahaan in lagu saleeyo nidaamka federaalka. Tusaale,
ma jirto awood dhaqaale ama aqooneed oo ay Soomaalidu ku
wadi karto 18 baarlamaan, 18 xukuumadood, 18 ah boliiska
gobollada, 18 ah maxkamado kala duwan, iyo 18 ah shaqaale
dowaldeedyada gobollada. Waxaa arrintan diidaya awoodda
dhaqaale iyo tan aqooneed ee hadda jira.
Sida
uu ii sheegey qof xog-ogaal ah, waxay dowladda KMG ah isku
dayday inay baahiso maamulkeeda. Gobollada iyo degmooyinka
qaar ayaa muujiyey inay doonayeen inay raacaan nidaamka
Carta lagu soo dhisay. Xukuumaddii Dr. Cali Khaliif Galayr
ayaa waxay ku tiri degmooyinkaas "idinku qorta boliis
oo dhaqaalo ahaan isa-sii dabbara intii muddo ah, annaguna
waxaan idinka kaalmayn doonnaa waxyaalaha kale." Waxay
sheegeen mas'uuliyiintii degmooyinkaas inaysan awoodin inay
qortaan boliis. Weliba degmooyinka qaarkood waa kuwa lagu
tuhmo inay ugu roon yihiin degmooyinka dalka. Haddaba, marka
si kasta oo loo fiiriyo laguma salayn karo nidaamka federaalka
18 gobol. Laakiin, haddana waxaa jirta in dastuurka Dowladda
KMG ah ay ku qoran tahay in nidaamka federaalka ah lagu
saleeyo 18 gobol.
Gobolladii
Gumeysigu ka Tegey
Gumeysigii
dalka ka tegey wuxuu ka tagay lix gobol oo ah Koonfur iyo
laba ah Waqooyi. Siddeedan gobol laftooda lama garanayo
asal ahaan meel ay ka yimaaddeen iyo halbeeg la isticmaalay
markii la samaynayey. Gumeysigu wuxuu u samaystay in habkiisa
maamulka uu ku gaaro, wuxuuna u arkay in siddeedan gobol
ay tahay sida ugu habboon ee uu u habayn karo maamulkiisa
xaaladda la joogay. Inkastoo ay jiraan dad qaba in nidaamkan
loo noqdo, haddana taas macnaheedu ma ahan inuu yahay nidaam
caddaalad ah. Gobol walba waxa uu doonayaa nidaamka uu isleeyahay
waxaad ku heleysaa wax badan.
Tan
kale, marka awoodda dhaqaale iyo aqooneed laga fiiriyo,
waxay figraddani yeelanaysaa cilladaha figradda 18-ka gobol.
Dhaqaale ahaan lama awoodo. Xaaladda hadda jirta marka la
fiiriyana way baaba'een gobolladii hore maaddaam dalka iyo
dadka uu ku dhacay is-baddel weyn xilligii Kacaanka iyo
xilliyadii dagaallada sokeeye.
Gobollada
ka Samaysmay Dagaallada Sokeeye
Colaadda
ka dhalatay dagaallada sokeeyey waxay keentay in dadkii
wada degganaa magaalooyinka iyo gobollada dalku ay dhibaatooyin
badan isku geystaan. Taasina waxay sababtay in dadku uu
kala qaxo oo uu qof walba meesha uu ku nabadgeli karo uu
aado. Waxaa sidaa ku abuurmay gobollo iyo degmooyin u habaysan
qaab qabiil. Xitaa magaalooyinka waaweyn ee dalka waxaa
loo kala deggan yahay xaafadaha hab qabiil. Labo sano ka
hor waxaan tagay Xamar iyo Hargeysa. Waxaan labadaba ku
arkay in loo deggen yahay qaab beeleed. Magaalada Xamar
oo aan hore ugu noolaan jiray, waxaa iska baddalay wax weyn
dhinac deegaanka. Magaaladu uma qeybsana Waqooyi iyo Koonfur
oo kaliya. Waxaa jirta inay jiraan illaa toddobo deegaan
oo midba uu qabiil gooni ah deggen yahay. Nin dhallinyaro
ah oo aan kula kulmay Xamar ayaa igu yiri, "Waxaan
deggenahay xaafad mushakal ah (xaafad ay qabiillo kala duwan
deggen yihihiin)," isagoo ku faanaya. Marka aan sii
wareystay ayuu ii sheegey in mushakalnimada lafteedu aysan
ahayn Soomaali oo dhan laakiin ay tahay beelaha dega Koonfurta
Soomaaliya.
Si kastaba
ha ahaatee, Xamar dhibkan waxaa la qaba dhammaan magaalooyinka
waaweyn iyo gobollada dalka. Sidan waxaa ku samaysmay illaa
shan gobol oo ku salaysan beelo. Haddaba, waxaa jirta figrad
ku doodaysa in federaalka Soomaalida lagu saleeyo shantan
gobol. Dadka figraddan qaba waxay u arkaan in shanta gobol
yihiin Somaliland (Isaaq/Dir), Puntland (Harti/Daarood),
Gobollada Dhexe (Hawiye) Koonfur-Galbeed (Digil/Mirifle),
Jubba Land (Daarood, Digil/Mirifle/Dir/Hawiye). Dadka qaba
figraddani iskuma wada waafaqsana gobolladan iyo xuduudahooda,
waxayse ku doodaan in doodda laga billaabo halkan oo figraddan
lagu saleeyo nidaamkan federaalka.
Waxaa
jira cillado fara badan oo weheliya inaan heshiis lagu ahayn
nidaamkan. Tiradu way ka yar tahay 18 gobol iyo 8 gobol.
Waxaana dhici karta inay wax badan ka jiraan inay ka tarjumayso
xaqiiqada hadda ka jirta dalka. Laakiin, haddii qaabkan
la qaato, weli way taagnaanayaan su'aalihii la xiriiray
qaadashada qaabka federaalku inuu xal u yahay Soomaaliya
iyo in kale. Waxba ka baddeli meyso tirada gobolladu asalka
doodda oo ah in nidaamka federaalku xal yahay iyo in kale.
Gobollada
ka dhashay dagaallada sokeeye waxay wataan cillad dheeri
ah. Marka xaqiiqo ahaan haddii la qaato shantan gobol waxa
federaalka loo samaynayaa qabiillo ee ma ahan gobollo. Haddii
sidan la yeelayo looma baahna nidaam federal ah ee waxaa
loo baahan yahay nidaam kale oo la yiraahdo "Consociational
Democracy." Nidaamkaasi wuxuu oggolaanayaa in qabaa'ilka
loo sameeyo hab ay awoodda ku qeybsadaan, ayna ku xeeriyaan
danahooda hoose. Muhiim ma ahan in qabiil kasta uu gobol
deggen yahay, walow ay sahlayso hawlaha. Markaas, waxaa
la dhihi karaa, waxaa nidaamka lagu salaynayaa qaabka qabiilka.
Tusaale, waxaa la qaadan karaa qabaa'ilka waaweyn sida Daarood,
Dir, Hawiye, Isaaq, Digil, Mirifle iyo Beelaha Wadajir (waa
magaca uu Sheekh Cumar Faaruuq u bixiyeye). Haddii sidan
la yeelayo, ma ahan in la isku wareeriyo xuduudaha gobollada
iyo nidaam federal ah toona.
Isku
soo duuboo, dhammaan hababka aan kor ku soo sheegay waxaa
laga fahmi karaa inaysan sahlanayn in laga hirgeliyo nidaam
federal ah Soomaaliya. Cilladaha uu nidaamka federaaliga
ahi asal ahaan wato ka sokow, waxaa jira caqabooyin badan
oo ku tacalluqa duruufaha Soomaalida oo aan oggolaanayn
nidaamkan. Shirka hadda loo fadhiyo Kenya ma joogaan gobollo
is aqoonsan oo uu mid walba leeyahay nidaamkiisa oo doonaya
inay samaystaan nidaam federaalli ah. Waxaa jooga dad badan
oo ka socda bulshada rayadka ah iyo hoggaamiyeyaalka kooxaha.
Haddaba, maaddaama aysan jirin gobollo la isku oggol yahay
oo sameeya dowlad federaal ah, waxaa la dhihi karaa lagama
samayn karo nidaamka federaalka Soomaaliya. Waase suurtagal
in lagu qoro waraaqaha la saxiixayo.
Soomaaliya
ma u Baahan Tahay Nidaam Federal ah?
Runtii,
kama soo horjeedo mana diiddani nidaamka federaalka asal
ahaan. Nidaamka federaalku wuxuu ka mid yahay hababka lagu
maareeyo khilaafaadka siyaasiga ah. Waa nidaam hore loo
soo tijaabiyey. Inkasta oo uu meelo farabadan oo ka mid
ah meelihi laga isticmaalay nidaamkani uu ka shaqeeyey,
haddana, inta badan waa uu shaqeyn waayey. Doodda aan ka
qabo nidaamka federaalku waxay la xiriirtaa sida uu ugu
habboon yahay Soomaaliya. Waxaan rumeysanahaya inaan loo
baahnayn nidaamkan marka la maareynayo mushkiladda Soomaaliya.
Dooddayda waxaan ku salaynayaa qodobbada soo socda:
- ·Kow,
nidaamka federaalku wuxuu ku habboon yahay dalalka juqraafi
ahaan aadka u waaweyn sida Canada, Ameerica, Ruushka,
India iyo Australia. Waxaa kale oo ku habboon yahay dalalka
juqraafi ahaan kala qeybsan ee ay u dhexeeyaan buuro ama
bad sida Malaysia iyo New Zealand. Soomaaliya dalkeeda
sidaas uma weyna. Marka aan sidan leeyahay waxaan ula
jeedaa dhulka Soomaalidu degto oo dhan. Haddaba, dal aad
u ballaaran ma hayno. Xajmiga dalkeennu kama dhigayo lamahuraan
inaan qaadanno nidaamkan federaalka. Mana jiraan buuro
iyo bado qyebiya Soomaalida.
- Labo,
nidaamka federaalku wuxuu ku fiican yahay dalalka leh
dad badan oo ku ku kala duwan diinta, dhaqanka iyo sinjiga
sida India, Nigeria, Germany iyo Canada. Dadkeenna waxaa
laqu qiyaasaa toban milyan marka la badiyo. Tirada ka
sokow, Soomaalida waxaa lagu tilmaamaa dad ahaan dad si
kasta isku mid u ah marka laga soo fiiriyo xagga diinta,
dhaqanka iyo xagga luqaddaba. Haddaba, ma jirto sabab
lama huraan ka dhigeysa inaan qaadanno nidaamkan.
-
Saddex, waxaa qaadan kara nidaamka federaalka dalalka
leh dhaqaale xooggan oo awooda inay bixiyaan kharashka
heerar-dowladeedyo kala duwan sida Canada, Germany, Ameerica,
Australia iyo kuwo kale oo badan. Soomaaliya waxay ka
mid tahay dalalka ugu saboolsan dunida. Dowladihii dalka
soo maray waxay ku tiirsanaayeen kaalmada dibadda. Cilmi-baarisyada
qaar waxay tilmaamayaan in 60-80% ay miisaaniyadda Soomaaliya
ka iman jirtay kaalmo dibadeed. Runtii, qaab-goboleed
kasta (18, 8, 5, 4 ama 2) oo la qaato, aad buu u yar yahay
ama maba jiro gobol Soomaali ah oo is-bixin kara dhaqaale
ahaan. Dadka Soomaaliyeed oo ay isaga danbeeyeen dowlado
aan u tureyn iyo dagaallo sokeeye waxaa la dhihi karaa
dhammaantood waa qaxooti. Kuwa dalka joogana waxay u badan
yihiin dad ka soo bara-kacay meelihii ay deggenaan jireen,
kuwa dibadda joogana waaba qaxootiga ugu roon. Haddaba,
awoodaha uu nidaamka federaalku gobollada iyo dowladda
dhexe u qeybinayo waxaa ugu muhiimsan awoodda canshuurista
iyo awoodda xeerinta. Waxaan la yaabay caqliga keenay
in la sameeyo dhowr dowladood oo canshuura ummad dhammaanteed
qaxooti ah. Cajiib! Miyaan weli laga daalin dhibaateynta
shacabka?
- Afar,
nidaamka federaalku ma ahan nidaam, figrad ahaan, ka yimid
dadka Soomaaliyeed. Ma jirto dowlad Soomaaliyeed oo heysata
kalsoonida dadweynaha oo inta baartay, dabadeed go'aansatay
in nidaamkani uu ku habboon yahay Soomaalida. Sidoo kale,
weli ma arag qof mas'uul ah oo aqoonyahan ah oo sameeyey
cilmi-baaris, dabadeedna ku soo gunaanaday in nidaamkani
uu u yahay xal mushkiladda Soomaalida. Weli ma arag dood
oranaysa, dagaalka sokeeye wuxuu u dhacay nidaamka federaalka
la'aantiis ee haddii nidaam federaali ah uu jiri lahaa
dhibku ma dhaceen. Waxay figraddani ku baahday ku-tiri-ku-teen
iyo wax aan aqoon ku dhisnayn. Kadibna, waxaa iska bartay
carrabka dadka. Waxaad arki marka ay qabqablaha dagaalka
xaajadu ku adag tahay ee waxa uu rabo uu waayo inuu iskala
soo boodayo, 'waxaan rabnaa nidaamka federaalka'.
- Shan,
nidaamka federaalku ma daweeyo keli-telisnimada. Marka
aad si dhab ah u fiiriso sababta ku kallifeysa Soomaalida
nidaamkan, waxaad dareemeysaa inay intooda badan u heystaan
inuu xal u yahay keli-talisnimada. Xaqiiqatan, waxaa jirta
dood oranaysa nidaamka federaalku wuxuu u sahlaa kooxaha
mintidka ah iyo keli-taliyeyaasha inay xukun qabsadaan.
Tusaale, dalka Jarmalku wuxuu ahaa federal markii uu Hitler
qabsaday. Waxaa kale oo jira kooxaha loo yaqaan KKK (Ku
Klux Klan) inay koontoroollaan magaalooyin iyo heerar-dowladeedyo
hoose oo ka mid ah gobollada dalka Mareykanka. Keli-talisnimada
waxaa xal u ah in nidaamka dowladda dalku uu noqdo mid
u oggolaanaya qof kasta inuu ka qeyb qaato go'aamada dalka.
Waxaa kale oo la isticmaali karaa nidaamka labada aqal
ee odoyaasha iyo kan wakiillada. Waxaa intan lagu sii
lifaaqi karaa in dowladda dhexe ay siiso gobollada iyo
degmooyinka awood hoosaad ku salaysan xeer ay iyadu dejisay.
Sidoo kale, waxaa la xoojin karaa saxaafadda madaxa bannaan
iyo ururrada bulshada rayadka ah, garsoorka iyo culumada.
Intan oo iskaashatay way ku filan tahay inay dowladda
ka ilaaliyaan inay ku tagri-fasho awoodda. Haddii aan
si kale u iraahdo ummaddu waxay u baahan tahay xukun furfrun
ee uma baahna mid qeybsan. Dal kasta oo federal ah ma
ahan Dimoqraaddi. Bal fiiri dalka Pakistan, Malaysia iyo
qaar kale. Sidaa darteed, waxaan qabaa inaan loo baahnayn
nidaam federal ah oo aan awood dhaqaale iyo mid aqooneed
toona aan loo heyn.
- Lix,
dhammaan waxyaalaha waxtarka ah ee ku jira nidaamkan waxaa
laga heli karaa nidaamyada kale ee dimoqraadiga. Waxaa
jira dalal badan oo dimoqraaddi ah oo aan ahayn federal,
islamarkaasna ka dhaqaale badan, kana dal ballaaran Soomaalida.
Toddobada Faa'iido ee aan kor ku soo sheegey ma jirto
mid ka mid ah oo aan laga heleyn nidaamyada kale. Waxaa
intaas dheer, haddii la qaato nidaamyada kale, waxaa laga
hortagayaa waxyeellooyinka uu nidaamkani wato. Waxyeellada
ugu weyn ee gaar ahaan Soomaalida quseysa waa xasillooni
la'aanta uu nidaamkani wato. Ma jiro qaab heshiis lagu
yahay. Dadkii waxaa kala galay colaad oo wey kala qaxeen,
waxayna kala tirsanayaan dhibaatooyin badan. Waxaa jira
hub fara badan oo weli ku jira gacanta dadweynaha. Intaasoo
arrimood oo isbiirsaday, marka lagu sii daro nidaam federaal
ah oo keenaya in arrin kasta ay abuuri karooto xasaasiyad,
ayna mar walba jiraan hoggaamiyeyaal dano kale wata, taas
macnaheedu wuxuu noqonayaa Soomaalidu yeysan heshiin qarniyada
soo socda. Waxaa la dhihi karaa, ujeeddadu waa inay Soomaalidu
isku-mashquulsanaato waligeed.
Toddobo,
ugu danbayntii, nidaamka federaalku wuxuu xoojinayaa qabyaaladda,
wuxuuna wiiqayaa qarannimada Soomaalida. Gobol kasta waxaa
isku aqoonsan qabiil gooni ah. Inuu isku-aqoonsan yahay
oo kaliya ma ahan ee waxa imanaysa inuu inta kale uusan
u aqoonsan inay xaq ku leeyihiin. Waxaa kale oo dhici karta
in adeegyada dowladda lagu dhibo ama loo diido dadka kale
oo Soomaaliyeed. Halkaas waxaa ku dhimanaya dantii guud
ee qaranka iyo xuquuqdii uu qofka Soomaaliga ah ku muteystay
Soomaalinimada. Dastuurkii 1960 iyo kuwii ka danbeeyey waxyaalaha
wanaagsan ee ku qornaa waxaa ka mid ah in qof kasta oo Soomaali
ah uu leeyahay xaqa qofka kale oo Soomaaliga uu leeyahay
iyadoo aan loo eegin gobol iyo qabiil toona. Dadka Soomaaliyeed
ee deggen qeybaha weli gumeysigu heysto iyo Djibouti wuxuu
dastuurkaasi u oggolaa xaqa qofka Soomaaliga ah. Waxay ahayd
arrin aad u wanaagsan. Sidaasna waxaa fursad ku helay oo
wax ku bartay ama madax kaga noqday Soomaalidii xorta ahayd
dad farabadan oo Soomaaliyeed oo ka yimid gobollada maqan.
Haddii shaarka nidaamka federaalka loo geliyo gobollada
qabiilka ku dhisan ee Soomaalida, waxaa imanaysa in dad
badan oo Soomaali ah xuquuqdooda la duudsiyo. Kuwo gobollada
gumeysigu heysto deggen iyo kuwa gobollada kale ku nool
marka laga soo tago, waxaa xitaa dhici karta in qaar ku
dhashay gobolka lagu takooro qabyaalad.
Gunaanad
Waxaan
soo jeedinayaa inaynaan ku qancin waxa u sahlan hey'adaha
caalamiga ah iyo waxay ay dalalka deriska ah, gaar ahaan
Itoobiya, rabaan. Dadka iyo dalka Soomaaliyeed ma laha calaamadihii
lama huraan ka dhigayey in nidaam federal ah lagu maamulo.
Waxaa jira waxyeellooyin badan oo uu nidaamku wato asal
ahaan. Dhammaantood waxay saamayn xun ku leeyihiin aayaha
iyo qarannimada ummada Soomaaliyeed. Dhammaan waxyaalaha
waxtarka ah ee ku jira nidaamka federaalka waa laga heli
karaa nidaamyada kale ee ka dhibka yar. Waxaa intaas dheer
in aysan jirin hab gobollo oo ay Soomaalidu heshiis ku tahay.
Xitaa haddii ay dhacdo in la isku raaco hab ka mid ah kuwa
aan soo sheegay, waxaa muuqda inaynaan dhaqaale ahaan iyo
aqoon ahaan ka bixi karin nidaamkan.
Waxaan
rumeysnahay in nidaamakani uusan annaga naga iman, uusanna
xallinayn mushkiladdeenna. Walow ay u badan tahay in niyadda
bulshada caalamku aysan xumeyn oo ay doonayaan inay xal
u helaan mushkiladda Soomaalida, haddana waxaa hubaal ah
in dalalka deriska ah ay dantooda ka hormarinayaan tan Soomaalida.
Itoobiya iyo Kenya oo labaduba heysta dal iyo dad Soomaaliyeed
waa inaynaan ka filin inay wanaag la doonayaan Soomaalida.
Gaar ahaan, waxaa muuqda in Itoobiya ay iyadu si gaar ah
u dooneyso nidaamkan oo ay weliba qaab gooni ah u rabto.
Guddiyada loo saaray inay ka soo taliyaan iyo ergada la
doonayo inay ansixiyaanba waa dad ay inta badan Itoobiya
soo xushay ama ay raalli ka noqotay. Haddaba, taas kaliya
ayaa ku filan dadka Soomaaliyeed inay ka digtoonaadaan arrintan
waayo waxaa jirta dibindaabyo lagu doonayo inaysan Soomaalidu
waligeed qaran noqon. Nidaamka federaalkuna, sida aan qabo,
waxa uu ugu horreeyaa dibindaabyooyinkaas.
Tixraac
Ealzar,
Daniel J. (1987). Exploring federalism. Tuscaloosa: University
of Alabama Press.
Elazar,
Daniel (ed). (1994). Federalism and the way to peace: Reflections
paper 13. Kingston: Queens University Press.
Franck,
Thomas (ed). (1968). Why federaltions fail: An inquiry into
the requistes for successful federalism: New York: New York
University Press.
Lake,
David A. and Donald Rothchild. (2002). Political decentralization
and civil war settlement. At http://weber.ucsd.edu/~dlake/Working%20Papers/LakeRothchilh.pdf
Riker,
William H. Federalism: Origin and operation significance.
(1964). Boston and Toronto: Little, Brown and Company.
Stevenson,
Gareth. (1989). Unfulfilled union: Canadian federalism and
national unity. St. Catherenes, Ontario: Gage Educational
Publishing.
Watts,
Ronald L Comparing Federal Systems. McGill- Queens University
Press (2nd ed., 1999)
Watts, Ronald and Brown, Douglas, Options for a New Canada.
Toronto: University of Toronto Press, 1991.
Cabdulle Raage sheekada uu ka sheekeeyey waxaan ka dhegeystay
cajalad codkiisa ah oo uu isagu duubay. Cajaladdaas Cabdulle
wuxuu uga sheekeeyey waxyaalo badan oo noloshiisa soo maray
iyo taariikh nololeedkiisii suugaanta.
Waxyaalaha Qormadan ku jira qaarkood waxay ku salaysan yihiin
waxyaalo aan ka qortay (class notes-kii) maaddo aan iskuulka
ku qaatay (Federalism.
Fiiro Gaar ah: Waxaa muuqata inay warqaddani aad u dheertahay
marka loo barbardhigo qormooyinka ku soo baxa bogagga internet-ka
ee Soomaalida. Walow aan ka cudurdaaranayo dhererkeeda,
haddana waxaan qabaa inay lamahuraan tahay in arrimaha muhiimka
ah si qoto dheer loo baaro, islamarkaasna loogu soo bandhigo
dadka Soomaaliyeed ee ay quseyso af ay si sahlan ku fahmi
karaan. Waxaan rajaynayaa inay warqaddani qeyb ka noqoto
doodda ku saabsan nidaamka federaalka ee la doonayo in laga
hirgeliyo Soomaaliya.
Afyare
Cabdi Cilmi wuxuu ku taqasusay Siyaasadda iyo Maamulka (BA
Ryerson University, MA Brock University). Wuxuu hadda arday
ka yahay Kulliyadda Waxbarashada ee OISE/University of Toronto,
waana tifaftiraha Himilo On-Line.
aelmi@oise.utoronto.ca
or Himilo2222@yahoo.com
|