Boggaga Somalida
  Hiiraan Online
  Somali Citizen
  Gacal Magazine
  Hiiraan Today
  Somali Talk
  Horn Afrik
  STN - Tv
  Dayniile
  Banaadir
  Gedo Homepage
  Somaliland Net
  Arlaadinet
  Puntland Post
  Boggaga oo Dhan
Wargeysada
  Warsan
  Somali Press
  Ayaamaha
  Xog-Ogaal
  Dalka
  Elektaroonik
Boggaga Islamka
  Prayer Time
  Qoraxay (Tafsiirka)
  Boqolsoon
  Iviews
  CAIR US
  CAIR Canada
  ISNA
  Quran Speaks
  Islamic City
   
 

Nidaamka Federaalku Xal uma ahan
Dhibaatada Soomaalida


July 10, 2003
Afyare Cabdi Cilmi
Tifaftiraha Himilo On-Line (www.himilo.com)
aelmi@oise.utoronto.ca or Himilo2222@yahoo.com
Toronto, Canada

Qormadan waxaa igu kallifay inaan qoro saddex arrimood. Kow, waxaa jira dareen guud oo dadka Soomaaliyeed ay qabaan oo ku saabsan nidaamka federaalliga ah. Waxaa, inta badan, dadka Soomaaliyeed ka muuqata inay kalsooni dheeraad ah u hayaan nidaamkan iyadoo aadba mooddo inay rumeysan yihiin inuu xal u yahay keli-talisnimada iyo dulmiga ay madaxda dowladuhu sameeyaan. Labo, waxaa jira in hey'adaha caalamka ee iska xilsaara xallinta mushkiladaha ka dhasha dagaallada sokeeye ay mar kasta ku soo boodaan nidaamkan federaalliga ah. Runtii, sida aqoonyahannada qaar ay qorayaan, nidaamkani wuxuu noqday midka ugu sahlan ee islamarkiiba ku soo degdega maskaxda dadka farageliya dagaallada sokeeye iyadoo aanba si qoto dheer looga fekerin sida uu nidaamkani ula saanqaadi karo xoogagga iyo dhaqamada ka jira dalka ay mushkiladdaasi ka jirto (Lake & Rothchild, 2002). Saddex, waxaa nidaamkan si weyn u doonaya dowlado deris la ah Soomaaliya oo dano waaweyn oo istaraatiiji ah ka leh dalka. Dowladahaasi waxay maanta fursad u heystaan inay saamayn ku yeeshaan qaabka Soomaaliya ay dowladdeedu u dhismeyso. Iyagoo danahooda fiirsanaya, dowladahaas waxay iyaguna ka mid yihiin xoogagga riixaya in Soomaaliya loo sameeyo nidaam federaali ah.

Rabitaanka dadweyne badan oo aan ku slaysnayn aqoon, doonista hey'adaha caalamiga ah oo iyaguna fiirsanaya waxa u sahlan, iyo dibindaabyada dowladaha deriska ah qaarkood oo iyagu uu rabitaankoodu ku qotomo dantooda ayaa waxay keeneen in mar kasta oo Soomaalidu ay ikugu tagto shir in ay saxiixaan in dastuurka dalka lagu saleeyo nidaamka federaalka. Inta badan, shirarkii loo qabtay Soomaalida ee uu ugu danbeeyo kan hadda ka socda dalka Kenya waxaa qodobbadii la saxiixay ka mid ahaa qodob tilmaamaya in nidaamka federaalliga ah lagu saleeyo dastuurka Soomaaliya.

Haddaba, su'aalaha horyaal ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda waxgaradka ah, waxaa ka mid ah: Waa maxay nidaamka federaalku? Waa maxay waxtarka iyo waxyeellooyinka uu nidaamkani wato? Soomaaliya sida ay hadda ku sugan tahay ma yahay nidaam ku habboon? Dhaqaale ahaan, Soomaaliya ma awooddaa oo ma ka bixi kartaa? Ma jiraa qaab kale oo laga heli karo faa'iidooyinka ku jira nidaamka, islamarkaasna aan lahayn qasaarooyinka ku aasan nidaamkan? Xitaa haddii la qaato nidaamkan, ma jiraan waxyaalo caqabaad ah oo keeni kara in qasaarooyin waaweyn uu u geysto qarannimada Soomaaliya iyo aayaha iyo jiritaanka danbe ee ummadda Soomaaliyeed?

Qormadan waxaan ugu talagalay inaan intii aan karo uga jawaabo su'aalaha kor ku xusan. Waxaan ugu talagalay inaan dadka Soomaaliyeed la wadaago aragtidayda ku aaddan mowduucan iyo welwelka aan ka qabo nidaamkan. Haddii aan si kale u dhigo, qormadani ma ahan mid aan u qorayo koox mutacallimiin ah oo ku taqasussay siyaasadda iyo maamulka. Waxaan rajaynayaa inay furto dood iyadoo laga duulayo su'aasha weyn ee ah, maxay aayaha iyo qarannimada ummadda Soomaaliyeed u dhimeysaa ama ku kordhinaysaa haddii aan ku salayno dowladnimadeenna nidaamka federaalliga ah?

Qormadani waxay ka kooban tahay laba qeybood. Qeybta hore, waxaan ku sharxayaa waxa uu yahay asal ahaan nidaamka federaalku, iyo waxtarkiisa iyo waxyeelladiisa. Qeybta labaad, waxaan ku falanqeyn doonaa sida ay u adag tahay in nidaamka federaalliga ah laga hirgeliyo Soomaaliya. Waxaan ku soo gunaanadayaa aragtidayda ku aaddan arrintan oo ah inaan nidaamka federaalku xal u ahayn mushkiladda Soomaalida, islamarkaasna uusan ka shaqeyn Karin dalka.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa "hubsiino hal dhan baa la siistaa." Waxaan qabaa in haddii si furan looga doodo oo caqligu shaqeeyo waxaa dhici karta in la gaaro qaab isku dheellitiraya danta iyo himilada fog ee ummadda iyo rabitaanka jidbada ku salaysan ee hadda jira.

Waa Maxay Nidaamka Federaalku?

Asal ahaan, ereygu wuxuu ka yimid afka Laatiinka, wuxuuna Ingiriiska ka soo galay dhinaca luqadda Faransiiska. Xagga adeegsiga, ereyga "federal" iyo figradda uu ku salaysan yahayba waxaa markii hore loo adeegsan jiray qaab diini ah. Markii ugu horreysay macnaha ereygan loo isticmaalay wuxuu ahaa "heshiis" u dhexeeya aadamaha iyo Allaah. Macnahani wuxuu markii danbe isku rogay heshiiska ama axdiga ay dadku wada galaan. Markii danbana wuxuu macnaha ereygani ku danbeeyey heshiisyada siyaasiga ah ee ay gobolladu galaan marka ay samaysanayaan dowlad dhexe. Sida ay aqoonyahannada baara arrintani qoraan, muddadan danbe, ereygani wuxuu caan ku yahay oo lagu yaqaan siyaasadda, waana macnaha aan doonayo inaan warqaddan ku falanqeeyo (Elazar, 1987).

Marka macnihiisa guud la fiiriyo, nidaamka federaalku waa qaab lagu saleeyo habeynta siyaasadda dalka iyadoo loo qeybinayo awoodaha dastuuriga ah laba heer oo kala ah heer qaran iyo heer gobol (waa laga badin karaa heerarka labo haddii la doono) (Riker, 1964). Guud ahaan, labada heer ee kala ah dowladda dhexe iyo kuwa gobolladu waxay wadaagaan oo ka dhexeeya maamulka dalka. Dowladda dhexe waxay xukuntaa dalka oo dhan, halka ay dowladaha gobolladu xukumaan gobolladooda. Awoodaha uu dastuurku u qeybinayo labadan heer waxaa ugu muhiimsan awoodda sharci dejinta iyo awoodda canshuurista ((Elazar, 1987).

Marka sidan loo fiiriyo nidaamkan federaalku wuxuu suurta gelinayaa in dalku uu lahaado dowlad guud, iyadoo uu gobol walbana si hoose isku maamulayo oo arrimihiisa u gaarka ah ee uu kaga duwan yahay gobollada kale uu isagu xeerinayo. Sida caadiga ah, waxaa nidaamkani uu aad ugu habboon yahay marka ay jiraan dad laga badan yahay oo diin-ahaan, dhaqan ahaan ama luqad-ahaan ka duwan dadka ka badan ee ay dalka kula nool yihiin. Tusaale, gobolka Quebec ee dalka Canada waxaa ku dhaqan dad asalkoodii hore ka yimid dalka Faransiiska, kuna hadla Af-Faransiis, islamarkaasna heysta Mad-habta Katoolliiga ee Diinta Kiristaanka. Haddaba, sida inta badan laga dhegeysto idaacadaha, waxay doonayaan inay xor ka noqdaan dalka intiisa kale oo ay ka duwan yihiin. Sidoo kale, waxaa iyaduna jirta dalal badan oo ku yaal Yurub sida Germany, Switzerland, Belgium oo iyaguna ku kala duwan xagga diinta ama xagga luqadda. Dalalka ku dhaqma nidaamka federaalku waa 25 dowladood, waxayna ku kala yaallaan qaaradaha oo dhan.

Marka dastuurka la dejinayo, waxaa caado ah in awoodda loo qeybiyo labada heer iyadoo lagu caddeynayo mid walba awooddiisa qodob ka mid ah dastuurka. Tusaale, qodobka 91 ee dastuurka Canada wuxuu sheegayaa awoodda dowladda dhexe, halka qodobka 92 uu sheegayo awoodda dowladaha gobollada. Waxaa iyaduna jirta in marka la qeybinayo labada awoodood ay jiraan awoodo ay xeerintooda wadaagaan labada heer. Marka sidaas loo kala caddeeyo ayaa waxaa iyaduna muhiim ah in dastuurku uu caddeeyo cidda la siinayo wixii aan ku qeexneyn labadaas qodob. Dastuurka Mareykanku wuxuu siinayaa dowladaha gobollada wixii aan ku caddeyn axdiga, halka uu dastuurka Canada siinayo dowladda dhexe wixii aan ku caddeyn axdiga fiiri -
(http://laws.justice.gc.ca/en/const/c1867_e.html#distribution).

Arrintani waa muhiim. Tusaale, Canada dastuurkeeda waxaa la sameeyey 1867, markaasna ma jirin is-gaarsiintan casriga ah. Maaddaama aysan ku caddayn dastuurkii xilligaas cidda la siiyey is-gaarsiinta, waxaa sidaas ay ku noqotay awood ay dowladda dhexe leedahay. Waxaa iyaduna muhiim ah in dastuurka ay ku caddahay qaabka wax looga baddeli karo awoodaha labada heer ee dowladda dhexe iyo dowladaha gobollada. Inta badan, labada heer (gobollada iyo dowladda dhexe) midkoodna kuma qasbi karo kan kale wax uusan rabin marka ay timaaddo awoodaha uu gaarka u leeyahay.

Nidaamkani wuxuu ku yimaaddaa saddex qaab. Kow, qaabka gumeysiga oo ah in dowlad inta ay qabsato dhulal kale, ay dabadeed u qeybiso maamulka gobollada iyo dowlad dhexe ee dhulkaas ka jira. Boqortooyadii Ingiriisku markii ay dunida ka talinaysay waxay isku dayday inay nidaam federaalli ah u samayso dhulalkii ay maamulaysay. Labo, nidaamka federaalliga wuxuu ka dhalan karaan dhaqanka iyo xiriirka u dhexeeya gobollada iyadoo aan cidina ku qasbin ama aanay iyagu ku heshiin. Dhaqanka iyo koritaanka dabiiciga ah ayaa mararka qaar keena nidaam asal ahaan federal ah laakiin aan ku salaysnayn heshiis la kala saxiixday. Saddex, nidaamka federaalku wuxuu kaloo ku samaysmaa heshiis toos ah oo ay galaan gobollo u bareeray inay samaystaan nidaam guud oo danahooda ka shaqeeya iyagoo ilaashanaya maamulkooda hoose (Elazar, 1987).

Waxtarka Nidaamka Federaalka

Nidaamka federaalka waxaa lagu soo dhaqmayey muddo dheer. Dalalka qaar, sida Switzerland, waxay tirsanayaan boqollaal sano. Waa nidaam wax badan laga qoray oo siyaabo kala duwan loo daraaseeyey. Marka waxaan halkan ku soo koobi doonaa wixii qasaaro iyo faa'iido laga arkay intii lagu soo dhaqmayey.

Aqoonyahannada wax ka qora nidaamkani waxay ku sheegaan nidaamka lix faa'iido oo waaweyn oo kala ah:

  • ·Tan ugu horreysa ee sababta in dhowr gobol ay isku tagaan oo ay samaystaan dowlad dhexe waa inay iskaga kaashadaan sidii ay iskaga difaaci lahaayeen cadowga dibadda. Nidaamkani wuxuu suurta-galiyaa inay gobolladu yeeshaan hal ciidan oo ka ilaaliya weerarrada midkood ama dhammaantood kaga imaan kara cadowgooda.

  • Labo, nidaamkan federaalliga ahi waxa uu hormariyaa dhaqaalaha. Marka sidan la leeyahay waxaa gobol kasta si gooni ah loogu barbardhigayaa dowladda dhexe. Tusaale, dhaqaalaha hal gobol oo ka mid ah gobollada isku imaanaya lama mid noqon karo dhaqaalaha kulligood waayo waxaa dhacaysa in gobollada oo dhami ay yeeshaan hal lacag, ganacsi xor ah oo gobollada iskaga goosha, xorriyadda safarka dadka iyo inay hal nidaam ku wada hoos jiraan oo ay isku hab u shaqaynayaan. Arrimahani waxay fududeynayaan in dhaqdhaqaaqa gancasiga iyo dadkuba uu kordho. Dabcan, taasina waxay saamayn ku yeelanaysaa dhaqaalaha.

  • Saddex, nidaamka federaalliga ahi wuxuu ka mid yahay waxyaalaha ka ilaaliya maamulku inuu noqdo mid ku dhisan keli-talis. Maaddaama dastuurku qeybiyey awoodaha oo qaar la dhigay heerka gobollada, awoodaha kalena la siiyey dowladda dhexe, waxaa suurtagal noqonaysa in dowladda dhexe aysan siday rabto ka yeelin dowladhaha gobollada. Sidoo kale, dowladaha gobolladuna ma laha awood buuxda oo xeerka ay doonaan ay ku dejin karaan. Gorgortanka labadan awoodood ka dhexeeya wuxuu keenaa inuu ka hortago ku-tagri-falka awoodda ama keli-talisnimada.

  • ·Afar, nidaamkani wuxuu dhiirrigeliyaa ka qeyb-galka ay dadweynuhu ay ka qeyb-qaadanayaan maamulka, gaar ahaan heerka dowladaha hoose.

  • Shan, aqoonyahannada nidaamkan baara waxay caddeeyeen in ilaa xad uu nidaamkani fududeeyo in dowladaha gobolladu, maaddaama ay leeyihiin awood badan, ay tijaabi karaan aragtiyo iyo xalal cusub oo aan suurtagal noqdeen haddii nidaamku uusan federal ahayn.

  • Lix, haddii ay jiraan dad laga badan yahay oo deggan gobol ka mid ah gobollada, nidaamka federaalligu wuxuu fududeeyaa in la xalliyo arrimahooda la xiriira luqadda, diinta iyo arrimaha dhaqanka (Notes from Federalism Course: PPA 650, 1996, waxaa kaloo aad fiirisaa Watts, 1999 iyo Elazar 1987).

Waxyeellooyinka Nidaamka Federaalliga

Dabcan, wax kasta oo wanaagsan waxay wataan dhibkooda. Nidaamka federaalliga ah waa nidaam fahamkiisa iyo ku-dhaqankiisuba ay aad ugu adag yihiin dadweynaha. Aqoonyahannada daraaseeyey waxay ku sheegeen ilaa toddobo 7 cilladood oo waaweyn oo kala ah:

  • ·Kow, nidaamkani wuxuu ku cusleeyaa dowladda dhexe inay wax ka qabato arrimaha qaar laga yaabo in dastuurku uu siinayo dowladaha gobollada, laakiin xaqiiqa ahaan ka gudbaya xuduudaha gobollada. Xilligan oo ay is-gaarsiintu wax badan fududeysay, waxaa isa-soo hoos-galaya xuduudaha macnawiga ah ee u dhexeeya dowladaha gobollada iyo dowladda dhexe. Marka, waxaa nidaamkan la socda is-jiid-jiid badan iyo go'aan-gaarista oo qaadata waqti dheer iyadoo aanba waxqabad la isla-gaarin.

  • Labo, nidaamkani kuma fiicna beeqaaminta dhaqaalaha waayo wuxuu ganacsiga ku qasbaa inay u hoggaansamaan xeerar badan oo isku soo noqnoqonaya. Taasi waxay kordhinaysaa qarashka ganacsiga, waxayna hoos u dhigeysaa faa'iidooyinka ay ganacsatadu ka helaan ganacsigooda. Marka sidan la leeyahay waxaa loo barbardhigayaa nidaamka aan ahayn federaalka. Sidoo kale, nidaamka laftiisu wuxuu ku dhisan yahay qaab aan beeqaaminayn ama u tureyn dhaqaalaha dalka.

  • Saddex, nidaamkani wuxuu abuuraa tartan ka dhexeeya dowladaha gobollada, gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha. Marka uu gobol kasta isku dayo inuu soo jiito shirkadaha isagoo fududeynaya ama dhimaya canshuuraha iyo xeerinta, waxaa imanaysa inay hoos u dhacdo tayada wax-soosaarka. Tusaale, marka shirkadaha aan si adag loo xeerin waxay keenaysaa inay ku tuntaan dadweynaha iyo waxyaalaha danta guud ay ku xiran tahay sida deegaanka.

  • Afar, waxaa mararka qaar dhacda in dowladaha gobolladu ay ku qasbaan dadka ku nool gobollada kale inay bixiyaan qarashyo ama canshuuro dheeraad ah. Waxaa kaloo dhici karta inay xaddidaan xuquuqda shaqsiga ama ay u diidaan adeegyo kale oo uu qofkaasi ku leeyahay dalka iyagoo ku ximinaya inuusan qofkaasi ku dhalan gobolka.

  • Shan, maaddaama uu nidaamkani ku salaysan yahay gobollo iyo dowlad dhexe oo wax isku darsanaya, nidaamkani wuxuu saarayaa dadka culeys dhaqaale oo farabadan. Tusaale, dowladda dhexe iyo dowladaha gobolladuba waa inay yeeshaan xukuumadahooda, shaqaalahooda, booliskooda iyo garsoorkooda. Taasi waxay keenaysaa in hanti farabadan lagu bixiyo adeeg isku mid ah. Ma rumaysanaysaa haddii lagu yiraa dowladda Mareykanku waxay ledahay 83,000 xukuumadood? Yacni, tiradani waxay sidan ku imaanaysaa marka laga soo billaabo Aqallada Congress-ka oo lagu keeno heerka u hooseeya ee dowladaha hoose ee ka jira magaalo kasta iyo tuulo walba. Waxaanay arrintani wax weyn u dhibaysaa dhaqaalaha dalka.

  • Lix, haddii aysan dadka laga badan yahay ku urursnayn hal gobol, waxaa dhacda in dowladaha gobolladu ay halis galiyaan jiritaanka dadka tirada yar. Dabcan, waxaa jira tusaalooyin badan oo la xiriira Soomaalida waayo waxaa jira dad la dhibo oo aan hal meel ku urursanayn.

  • Toddobo, nidaamka federaalka ahi ma ahan nidaam xasilloon. Waxaa mar walba kala jiita dowladaha gobollada oo aan iyaga laftoodu isla socon iyo dowladda dhexe. Marar badan waxaa qasab noqoto inuu dagaal ka dhasho is-jiid-jiidka. Waxaa kale oo iyaduna dhacda inay arrinta is-jiid-jiidku ku dhammaato in la kala baxo oo dowlado kala duwan la noqdo. Runtii, nidaamkan federaalku ma ahan nidaam u horseeda deggenaan dadka dalkaas ku nool haddii aysan taariikh hore u lahayn ku dhaqanka nidaamkan (Notes from Federalism Course: PPA 650, 1996, waxaa kaloo aad fiirisaa Watts, 1999 iyo Elazar 1987)..

Waxaa intaas dheer muranka ka dhasha xuduudaha dowladaha gobollada iyo is-maandhaafka ka dhasha fasirka dastuurka iyo cidda xaq u leh inay xeeriso arrinta la isku hayo. Sida caadada ah, dowladda dhexe waxay u xaglisaa in wixii ay qaramayn karto ay qaramayso halka dowladaha gobolladuna ay inta badan doonaan inay wixii ay ka ridan karaan dowladda dhexe ay ka ritaan.

Waxaa iyaduna jirta cillad weyn oo aqoonyahannada qaar xusaan, taasoo ah in nidaamka federaalku uu soo saaro in dadku ay jacaylkooda iyo jidbada wadaninimadooda ay siiyaan gobolladooda halkii ay siin lahaayeen dalka. Waxaa inta badan dhacda in dadku ay hormariyaan gobollada taasoo keeni karta inaysan dadku si weyn iskugu lifaaqin dalkooda. Tusaale, nidaamka federaalka ee ka jira dalka Canada ma uusan kobcin Canadiannimada ama qarannimada Canada ee wuxuu kobciyey goboleysiga.

Haddaba marka si dhab ah loo fiiriyo waxtarka iyo waxyeellooyinka nidaamkan la socda, dadka Soomaaliyeed ma u baahan yihiin nidaamka federaalliga? Ma awoodaan dhaqaale ahaan? Mase ka samatabixi karaan deggenaan la'aanta ku dhex jirta nidaamkan? Ma jiraa hab kale oo dabooli kara baahida dadka Soomaaliyeed, islamarkaasna ka waxyeellooyin yar? Haddii si kale loo dhigo ma la samayn karaa nidaam leh dhammaan waxtarka uu leeyahay nidaamka federaalku, islamarkaasna aan lahayn waxyeellooyinkiisa. Anigoo ka duulaya waxyaalaha kor ku qoran, waxaan warqadda inta ka hartay ku lafaguri doonaa su'aalahan iyo kuwo kale.

Soomaaliya iyo Nidaamka Federaalka

Soomaalidu waligeed kuma aysan dhaqmin nidaamkan, mana u laha waayo-aragnimo iyo aqoon ay ku tiirsanaato. Dowladdii Dimoqraadiga ee ugu horreysay waxay ahayd dowlad dhexe oo leh siddeed gobol. Awoodda oo dhan waxaa iska lahaa oo uu dastuurku siinayey dowladda dhexe. Kacaankii Oktoobar waxba kama uusan baddelin ee wuxuu sii xoojiyey dowladdii dhexe iyadoo ay weliba saraakiishii dalka maamulaysay ay si xun u adeegsadeen awoodda dowladda dhexe. Waxaa ka danbeeyey 12 sano oo dagaallo sokeeye ay dalka aafeeyeen. Dagaalladan waxaa ka dhashay in dadku kala qaxo oo qof walba meesha uu isleeyahay waad ku nabadgeli kartaa uu aado. Dad badan baa waxay dib ugu noqdeen gobolladii ay ka yimaadeen, waxaana sidaas ku samaysmay gobollo ka duwan kuwii ka jiri jiray dowladihii hore oo ku salaysan nidaam qabiil.

Dhanka kale, ma jiraan wax raadraac ah oo weyn oo laga qoray sida Soomaaliya ay ugu dhaqmi karto nidaamka federaalka. Waxaa jira qormooyin dhowr ah oo aan iyaguna aad u sii ridneyn, islamarkaasna aan ku baahin dalka. Tusaale, Midowga Yurub (European Commission) qeybtiisa u qaabilsan Soomaaliya waxay qabanqaabisay dhowr shir oo lagu soo bandhigay diraasado caddaynaya nidaamyo-dowladeedyada kala duwan ee caalamka looga dhaqmo. Waxaa iyaduna jirta in UNISOM ay sanadkii 1994 wax ka qortay arrimahan.

Si kastaba ha ahaatee, ma jirto aqoon iyo waayo-aragnimo ay Soomaalidu u leedahay nidaamkan. Sidoo kale, meesha ma taallo daraasad qoto dheer oo sahmisay sida nidaamkani uu ugu habboon yahay Soomaalida ama sida uu uga hirgeli karo. Waxaa arrinta sii murjinaya saamaynta uu dagaalka sokeeye ku yeeshay fikirka dadka, iyo xaqiiqada dalka hadda ka jirta. Arrimahan oo iskaashaday ayaa waxay iyaguna la imaanayaan caqabooyin badan.

Run ahaan, inta aan anigu ogahay ma jiro qaab ay Soomaalidu ku tahay heshiis oo lagu saleeyo nidaamka federaalka. Sida aan hore u soo sheegay nidaamkani waxa uu ka kooban yahay ugu yaraan laba heer (dowladda dhexe iyo dowladaha gobollada). Waa in la helo gobollo lagu yahay heshiis oo uu nidaamka federaalku ku salaysnaanayo. Tusaale, shirkii Carta ee Soomaalida wajigiisii koowaad waxaa iskugu tegay aqoonyahanno Soomaaliyeed oo loogu yeeray inay diyaariyaan ajandaha shirka.

Sida qof ka qeyb-galay shirkaas uu ii sheegay, su'aalihii la isweydiiyey waxaa ka mid ahaa qaabka lagu salaynayo nidaamka federaalka. Dadka qaar waxay soo jeediyeen in federaalka Soomaalidu ka koobnaado Waqooyi iyo Koonfur ama Somaliland iyo Soomaaliya. Qaar kale waxay qabeen in dib loogu noqdo xilligii Kacaankii Oktoober oo lagu saleeyo 18-kii gobol ee dowladdii militariga ahayd ay ka tagtay. Kuwo kale ayaa iyaguna qabay inaan labadan hab sax ahayn oo nidaamka federaalka lagu saleeyo gobolladii uu gumeysigu ka tagay oo ahaa siddeed (8). Waxaa iyaduna jirta in dadka qaar qabeen in waxaasoo dhan laga tago oo nidaamka federaalka lagu saleeyo xaqiiqada hadda jirta oo la dhihi karo waxay markaas tiradu noqonaysaa afar ilaa shan gobol (Puntlland, Somaliland, Gobollada Dhexe, Koonfur-Galbeed iyo Jubbooyinka). Mararka qaar waa la isku daraa labada danbe.

Waqooyi iyo Koonfur

Figradda hore ee oranaysa waa in nidaamka federaalka lagu saleeyo Waqooyi iyo Koonfur ama Soomaaliya iyo Soomaliland waxaa qaba qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ka yimid Soomaaliland ama gobollada Waqooyi, islamarkaasna ka soo horjeeda kala-goynta Soomaaliya. Dadkani waxay ku doodaan in Soomaaliya ay koobneyd laba gobol oo ay kala gumeysan jireen laba gumeyste. Markii ay iska xoreeyeen gumeysigaasna iyagu iskood iskugu tegey. Dooddani waxay leedahay, guuxa dadka dega Waqooyiga Soomaaliya wuxuu ka billowday ku xadgudub lagu xadgudbay isku-imaatinkii hore oo ujeeddadiisuna ahayd in labada gobol midoobaan, ayna si caddaalad ah u qeybsadaan maamulka.

Inkastoo aan wax shuruud ah la kala qoran, haddana, waxay figraddani ku doodaysaa, ujeeddadu way iska caddayd. Haseyeeshee, reer Koonfur baa si kale u adeegsaday midnimadii, dabadeedna ku duudsiyey reer Waqooyi. "Guuxa keenay dagaalkaba wuxuu salka ku hayaa nidaamka federaalka oo lagu xadgudbay," ayey dadkani qabaan. "Marka haddii Soomaaliya ay isku soo noqonayso waxaa lama huraan ah in hadda dib looga hadlo oo loo gorgortamo Waqooyi iyo Koonfur" ayey dabadhigaan.

Dhanka kale, figradda noocan ah dadka intiisa badan (reer Koonfurka) waxay u arkaan inaysan macquul ahayn waayo waxay ku leeyihiin ma ahan isku miisaan Waqooyi iyo Koonfur. Tan kale, waxaa iyaduna jirta in qaar ka mid ah gobollada Waqooyi ay door bidayaan in nidaamka lagu saleeyo sidii ay uga tagtay dowladdii ugu danbaysay oo ahaa 18 gobol. Dhanka kale, waxaa jira figrad xoog leh oo kaba duwan kuwan oo ku doodaysa in Waqooyi dib ula noqotay xorriyaddeedii, aysanna danaynayn inay mar kale Koonfur kala hadasho midnimo.

Makra la soo koobo, nidaamka federaalku wuxuu ka guntamaa heshiis, waana lagu heshiin karaa wax kasta. Waa macquul, waana suurtagal haddii heshiis lagu yahay in nidaamka federaalka lagu saleeyo Waqooyi iyo Koonfur. Waxaase muhiim ah in la isku oggol yahay. Haddiiba la qaadanayo nidaamka federaalka waxaa habboon inaysan gobolladu aad u badan. Sabab la xiriirta awoodda dhaqaale iyo aqooneed ee ummadda Soomaaliyeed ayaa qasab ka dhigeysa in gobolladu ay yaraadaan. Marka dhinacaas laga soo fiiriyo waa arrin suurtagal ah.

Tan kale, muhiim ma ahan in gobollada samaysanaya federaalku ay kulligood isku awood iyo dhaqaale yihiin. Marka arrimahan lagu daro muhimadda ay leedahay in midnimada Soomaalida la soo celiyo oo la xoojiyo, waxaad mooddaa inay habboon tahay in tixgelin la siiyo nidaamka federaalka marka laga hadlayo xiriirka u dhexeeya Waqooyi iyo Koonfur.

Haseyeeshee, arrimahaas oo dhami meesha kama saarayaan waxyeellooyinka uu wato nidaamka federaalka ah ee aan kor ku soo sheegnay. Gobolladu tiro kasta ha la ekaadeene, dhibaatooyinkii la imanayey nidaamkani way jirayaan. Waxaa iyaduna aan meesha ka maqnayn in wax kasta oo nidaamka federaalka lagu samayn karo laga heli karo nidaamyada kale ee maamulka ee jira sida waxa afka qalaad lagu yiraado decentralized unitary state (dowlad dhexe oo haddana gobollada iyo degmooyinka siinaysa awood-hoosaad). Waxaa dhici kara in dadka qaar ay is-weydiiyaan faraqa u dhexeeya nidaamka federal-ka iyo nidaamka aan sheegay. Dhab ahaan, waxaa u dhexeeya faraq weyn, wuxuuse u baahan yahay in si qoto dheer looga hadlo mar kale.

Gobolladii Dowladdii Milatriga ee Siyaad Barre

Dowladdii uu hoggaamiyaha u ahaa Jeneral Maxamed Siyaad Barre waxay dalka la wareegtay sanadkii 1969 iyadoo uu markaa dalku ka koobnaa siddeed gobol. Muddadii 21-ka sano ahayd ee uu dalka ka talinayey Siyaad Barre wuxuu ku daray toban gobol. Haddaba waxaa isweydiin leh kororsiimadan muxuu nidaamku ku salaynayey? Runtii lama garanayo qaabka uu Kacaanku raaci jiray marka uu abuurayo gobollo cusub. Nin odoy ah oo ka tirsanaa maamulkaas ayaan weydiiyey halbeegga la adeegsan jiray marka la samaynayo gobol ama degmo cusub. Ninkaasi wuxuu iigu jawaabay "dalka waxaa heystay nin keliteliye ah, wuxuuna u maamuli sida uu u arko sax isagu. Gobollada iyo degmooyinka iyo go'aannada kale ee waaweyna isaga ayaa samayn jiray."

Waxaa arrintan sii xoojinaya sheeko aan ka maqlay Cabdulle Raage Taraawiil oo ahaa hal-abuur caan ku ah bulshada dhexdeeda. Cabdulle Raage oo hadalka cajal ku duubay wuxuu ka sheekeyey dood dhexmartay isaga iyo Jeneraal Siyaad Barre. Cabdulle Raage wuxuu leeyahay waxaa ii yeeray Madaxweyne Maxamed Siyaad Sanadkii 1990 oo ku beegnayd xilligii ay saxiixeen odoyaashu warqad ay ugu baaqayaan in uu Jananku is-casilo (Manafesto Group). "Siyaad Barre ayaa wuxuu igala hadlay arrimaha warqaddan iyo qabiillada ka danbeeya," ayuu yiri Cabdulle Raage. Siyaad Barre wuxuu igu yiri buu Cabdulle leeyahay, "Waxaa ii heshiiyey Majeerteen iyo Habargidir, marka waxaan doonayaa inaad tolkaa ka reebto arrintan oo aad idinku (qabiil ahaan) wax igala qabataan oo aad Kacaanka taageertaan." Waxaan ku iri, ayuu Cabdulle Raage ku leeyahay cajaladda, "dadka saxiixay warqadaha kuma jiro qof aan aniga heybta hoose isku nahay."

Labo kulan oo kale iyo dood dheer kadib ayuu Siyaad Barre igu yiri, "waxaan degmo kaaga dhigayaa meeshii aad ku dhalatay oo magaceeda la yiraa Ruun Nirgood." Cabdulle Raage wuxuu leeyahay waan ka diiday arrintaas Madaxweyanaha waayo waxaan weydiistay inuu degmo ka dhigo meeshaan10 sano ka hor, wuuna ii diiday. Dabadeed, sida uu cajaladda ku sheegayo, Cabdulle Raage wuxuu billaabay inuu goobta ka tiriyo gabay dheer oo uu Kacaanka ugu abaalsheeganayo wixii uu u galay iyo sidii uu Kacaanku ugu jisaaray ee uu ii xiray. "Markii aan gabaygii dhameeyey ayuu Siyaad Barre yiri, 'waxaan ku darayaa Warshiikh.'" Markaas baan ku iri, "Caadley ku dar." Siyaad Barre wuu diiday arrintaas waayo wuxuu yiri waxaa la iga laayey askar Caadley, laakiin waxaan ku darayaa Biyacado. Isku soo duuboo, sida uu cajaladda ku sheegayo, Cabdulle Raage iyo odoyaal la socday waxay habeenkaas ka saxiixeen Jeneral Maxamed Siyaad Barre afar degmo.

Arrintani waxay ku tuseysaa inuusan jirin halbeeg la raaci jiray oo ay ku xirnayd Jeneral Siyaad Barre xaaladdiisu sida ay tahay. Marka haddii sidan gobollo lagu sameeyey lagu duldhiso nidaamka federaalka waxaa ka imanaya dhowr cilladood. Tan hore, waxaa laga tagayaa caddaaladda waayo waxaa jira gobollo dadka deggen uusan nidaamkii milatarigu jeclayn xilligaas, iyo gobollo kale oo dadkoodu aysan baraarug siyaasi ah lahayn. Labadan arrimood oo iskaashaday waxay keenayaan in la sharciyeeyo wax aan ku iman nidaam sharci ah ama aan caqligu qaadan karin.

Haddii xitaa la isku oggolaado oo la aqbalo 18 gobol, ma ahan suurtagal dhaqaale ahaan in lagu saleeyo nidaamka federaalka. Tusaale, ma jirto awood dhaqaale ama aqooneed oo ay Soomaalidu ku wadi karto 18 baarlamaan, 18 xukuumadood, 18 ah boliiska gobollada, 18 ah maxkamado kala duwan, iyo 18 ah shaqaale dowaldeedyada gobollada. Waxaa arrintan diidaya awoodda dhaqaale iyo tan aqooneed ee hadda jira.

Sida uu ii sheegey qof xog-ogaal ah, waxay dowladda KMG ah isku dayday inay baahiso maamulkeeda. Gobollada iyo degmooyinka qaar ayaa muujiyey inay doonayeen inay raacaan nidaamka Carta lagu soo dhisay. Xukuumaddii Dr. Cali Khaliif Galayr ayaa waxay ku tiri degmooyinkaas "idinku qorta boliis oo dhaqaalo ahaan isa-sii dabbara intii muddo ah, annaguna waxaan idinka kaalmayn doonnaa waxyaalaha kale." Waxay sheegeen mas'uuliyiintii degmooyinkaas inaysan awoodin inay qortaan boliis. Weliba degmooyinka qaarkood waa kuwa lagu tuhmo inay ugu roon yihiin degmooyinka dalka. Haddaba, marka si kasta oo loo fiiriyo laguma salayn karo nidaamka federaalka 18 gobol. Laakiin, haddana waxaa jirta in dastuurka Dowladda KMG ah ay ku qoran tahay in nidaamka federaalka ah lagu saleeyo 18 gobol.

Gobolladii Gumeysigu ka Tegey

Gumeysigii dalka ka tegey wuxuu ka tagay lix gobol oo ah Koonfur iyo laba ah Waqooyi. Siddeedan gobol laftooda lama garanayo asal ahaan meel ay ka yimaaddeen iyo halbeeg la isticmaalay markii la samaynayey. Gumeysigu wuxuu u samaystay in habkiisa maamulka uu ku gaaro, wuxuuna u arkay in siddeedan gobol ay tahay sida ugu habboon ee uu u habayn karo maamulkiisa xaaladda la joogay. Inkastoo ay jiraan dad qaba in nidaamkan loo noqdo, haddana taas macnaheedu ma ahan inuu yahay nidaam caddaalad ah. Gobol walba waxa uu doonayaa nidaamka uu isleeyahay waxaad ku heleysaa wax badan.

Tan kale, marka awoodda dhaqaale iyo aqooneed laga fiiriyo, waxay figraddani yeelanaysaa cilladaha figradda 18-ka gobol. Dhaqaale ahaan lama awoodo. Xaaladda hadda jirta marka la fiiriyana way baaba'een gobolladii hore maaddaam dalka iyo dadka uu ku dhacay is-baddel weyn xilligii Kacaanka iyo xilliyadii dagaallada sokeeye.

Gobollada ka Samaysmay Dagaallada Sokeeye

Colaadda ka dhalatay dagaallada sokeeyey waxay keentay in dadkii wada degganaa magaalooyinka iyo gobollada dalku ay dhibaatooyin badan isku geystaan. Taasina waxay sababtay in dadku uu kala qaxo oo uu qof walba meesha uu ku nabadgeli karo uu aado. Waxaa sidaa ku abuurmay gobollo iyo degmooyin u habaysan qaab qabiil. Xitaa magaalooyinka waaweyn ee dalka waxaa loo kala deggan yahay xaafadaha hab qabiil. Labo sano ka hor waxaan tagay Xamar iyo Hargeysa. Waxaan labadaba ku arkay in loo deggen yahay qaab beeleed. Magaalada Xamar oo aan hore ugu noolaan jiray, waxaa iska baddalay wax weyn dhinac deegaanka. Magaaladu uma qeybsana Waqooyi iyo Koonfur oo kaliya. Waxaa jirta inay jiraan illaa toddobo deegaan oo midba uu qabiil gooni ah deggen yahay. Nin dhallinyaro ah oo aan kula kulmay Xamar ayaa igu yiri, "Waxaan deggenahay xaafad mushakal ah (xaafad ay qabiillo kala duwan deggen yihihiin)," isagoo ku faanaya. Marka aan sii wareystay ayuu ii sheegey in mushakalnimada lafteedu aysan ahayn Soomaali oo dhan laakiin ay tahay beelaha dega Koonfurta Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Xamar dhibkan waxaa la qaba dhammaan magaalooyinka waaweyn iyo gobollada dalka. Sidan waxaa ku samaysmay illaa shan gobol oo ku salaysan beelo. Haddaba, waxaa jirta figrad ku doodaysa in federaalka Soomaalida lagu saleeyo shantan gobol. Dadka figraddan qaba waxay u arkaan in shanta gobol yihiin Somaliland (Isaaq/Dir), Puntland (Harti/Daarood), Gobollada Dhexe (Hawiye) Koonfur-Galbeed (Digil/Mirifle), Jubba Land (Daarood, Digil/Mirifle/Dir/Hawiye). Dadka qaba figraddani iskuma wada waafaqsana gobolladan iyo xuduudahooda, waxayse ku doodaan in doodda laga billaabo halkan oo figraddan lagu saleeyo nidaamkan federaalka.

Waxaa jira cillado fara badan oo weheliya inaan heshiis lagu ahayn nidaamkan. Tiradu way ka yar tahay 18 gobol iyo 8 gobol. Waxaana dhici karta inay wax badan ka jiraan inay ka tarjumayso xaqiiqada hadda ka jirta dalka. Laakiin, haddii qaabkan la qaato, weli way taagnaanayaan su'aalihii la xiriiray qaadashada qaabka federaalku inuu xal u yahay Soomaaliya iyo in kale. Waxba ka baddeli meyso tirada gobolladu asalka doodda oo ah in nidaamka federaalku xal yahay iyo in kale.

Gobollada ka dhashay dagaallada sokeeye waxay wataan cillad dheeri ah. Marka xaqiiqo ahaan haddii la qaato shantan gobol waxa federaalka loo samaynayaa qabiillo ee ma ahan gobollo. Haddii sidan la yeelayo looma baahna nidaam federal ah ee waxaa loo baahan yahay nidaam kale oo la yiraahdo "Consociational Democracy." Nidaamkaasi wuxuu oggolaanayaa in qabaa'ilka loo sameeyo hab ay awoodda ku qeybsadaan, ayna ku xeeriyaan danahooda hoose. Muhiim ma ahan in qabiil kasta uu gobol deggen yahay, walow ay sahlayso hawlaha. Markaas, waxaa la dhihi karaa, waxaa nidaamka lagu salaynayaa qaabka qabiilka. Tusaale, waxaa la qaadan karaa qabaa'ilka waaweyn sida Daarood, Dir, Hawiye, Isaaq, Digil, Mirifle iyo Beelaha Wadajir (waa magaca uu Sheekh Cumar Faaruuq u bixiyeye). Haddii sidan la yeelayo, ma ahan in la isku wareeriyo xuduudaha gobollada iyo nidaam federal ah toona.

Isku soo duuboo, dhammaan hababka aan kor ku soo sheegay waxaa laga fahmi karaa inaysan sahlanayn in laga hirgeliyo nidaam federal ah Soomaaliya. Cilladaha uu nidaamka federaaliga ahi asal ahaan wato ka sokow, waxaa jira caqabooyin badan oo ku tacalluqa duruufaha Soomaalida oo aan oggolaanayn nidaamkan. Shirka hadda loo fadhiyo Kenya ma joogaan gobollo is aqoonsan oo uu mid walba leeyahay nidaamkiisa oo doonaya inay samaystaan nidaam federaalli ah. Waxaa jooga dad badan oo ka socda bulshada rayadka ah iyo hoggaamiyeyaalka kooxaha. Haddaba, maaddaama aysan jirin gobollo la isku oggol yahay oo sameeya dowlad federaal ah, waxaa la dhihi karaa lagama samayn karo nidaamka federaalka Soomaaliya. Waase suurtagal in lagu qoro waraaqaha la saxiixayo.

Soomaaliya ma u Baahan Tahay Nidaam Federal ah?

Runtii, kama soo horjeedo mana diiddani nidaamka federaalka asal ahaan. Nidaamka federaalku wuxuu ka mid yahay hababka lagu maareeyo khilaafaadka siyaasiga ah. Waa nidaam hore loo soo tijaabiyey. Inkasta oo uu meelo farabadan oo ka mid ah meelihi laga isticmaalay nidaamkani uu ka shaqeeyey, haddana, inta badan waa uu shaqeyn waayey. Doodda aan ka qabo nidaamka federaalku waxay la xiriirtaa sida uu ugu habboon yahay Soomaaliya. Waxaan rumeysanahaya inaan loo baahnayn nidaamkan marka la maareynayo mushkiladda Soomaaliya. Dooddayda waxaan ku salaynayaa qodobbada soo socda:

  • ·Kow, nidaamka federaalku wuxuu ku habboon yahay dalalka juqraafi ahaan aadka u waaweyn sida Canada, Ameerica, Ruushka, India iyo Australia. Waxaa kale oo ku habboon yahay dalalka juqraafi ahaan kala qeybsan ee ay u dhexeeyaan buuro ama bad sida Malaysia iyo New Zealand. Soomaaliya dalkeeda sidaas uma weyna. Marka aan sidan leeyahay waxaan ula jeedaa dhulka Soomaalidu degto oo dhan. Haddaba, dal aad u ballaaran ma hayno. Xajmiga dalkeennu kama dhigayo lamahuraan inaan qaadanno nidaamkan federaalka. Mana jiraan buuro iyo bado qyebiya Soomaalida.

  • Labo, nidaamka federaalku wuxuu ku fiican yahay dalalka leh dad badan oo ku ku kala duwan diinta, dhaqanka iyo sinjiga sida India, Nigeria, Germany iyo Canada. Dadkeenna waxaa laqu qiyaasaa toban milyan marka la badiyo. Tirada ka sokow, Soomaalida waxaa lagu tilmaamaa dad ahaan dad si kasta isku mid u ah marka laga soo fiiriyo xagga diinta, dhaqanka iyo xagga luqaddaba. Haddaba, ma jirto sabab lama huraan ka dhigeysa inaan qaadanno nidaamkan.

  • Saddex, waxaa qaadan kara nidaamka federaalka dalalka leh dhaqaale xooggan oo awooda inay bixiyaan kharashka heerar-dowladeedyo kala duwan sida Canada, Germany, Ameerica, Australia iyo kuwo kale oo badan. Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ugu saboolsan dunida. Dowladihii dalka soo maray waxay ku tiirsanaayeen kaalmada dibadda. Cilmi-baarisyada qaar waxay tilmaamayaan in 60-80% ay miisaaniyadda Soomaaliya ka iman jirtay kaalmo dibadeed. Runtii, qaab-goboleed kasta (18, 8, 5, 4 ama 2) oo la qaato, aad buu u yar yahay ama maba jiro gobol Soomaali ah oo is-bixin kara dhaqaale ahaan. Dadka Soomaaliyeed oo ay isaga danbeeyeen dowlado aan u tureyn iyo dagaallo sokeeye waxaa la dhihi karaa dhammaantood waa qaxooti. Kuwa dalka joogana waxay u badan yihiin dad ka soo bara-kacay meelihii ay deggenaan jireen, kuwa dibadda joogana waaba qaxootiga ugu roon. Haddaba, awoodaha uu nidaamka federaalku gobollada iyo dowladda dhexe u qeybinayo waxaa ugu muhiimsan awoodda canshuurista iyo awoodda xeerinta. Waxaan la yaabay caqliga keenay in la sameeyo dhowr dowladood oo canshuura ummad dhammaanteed qaxooti ah. Cajiib! Miyaan weli laga daalin dhibaateynta shacabka?

  • Afar, nidaamka federaalku ma ahan nidaam, figrad ahaan, ka yimid dadka Soomaaliyeed. Ma jirto dowlad Soomaaliyeed oo heysata kalsoonida dadweynaha oo inta baartay, dabadeed go'aansatay in nidaamkani uu ku habboon yahay Soomaalida. Sidoo kale, weli ma arag qof mas'uul ah oo aqoonyahan ah oo sameeyey cilmi-baaris, dabadeedna ku soo gunaanaday in nidaamkani uu u yahay xal mushkiladda Soomaalida. Weli ma arag dood oranaysa, dagaalka sokeeye wuxuu u dhacay nidaamka federaalka la'aantiis ee haddii nidaam federaali ah uu jiri lahaa dhibku ma dhaceen. Waxay figraddani ku baahday ku-tiri-ku-teen iyo wax aan aqoon ku dhisnayn. Kadibna, waxaa iska bartay carrabka dadka. Waxaad arki marka ay qabqablaha dagaalka xaajadu ku adag tahay ee waxa uu rabo uu waayo inuu iskala soo boodayo, 'waxaan rabnaa nidaamka federaalka'.

  • Shan, nidaamka federaalku ma daweeyo keli-telisnimada. Marka aad si dhab ah u fiiriso sababta ku kallifeysa Soomaalida nidaamkan, waxaad dareemeysaa inay intooda badan u heystaan inuu xal u yahay keli-talisnimada. Xaqiiqatan, waxaa jirta dood oranaysa nidaamka federaalku wuxuu u sahlaa kooxaha mintidka ah iyo keli-taliyeyaasha inay xukun qabsadaan. Tusaale, dalka Jarmalku wuxuu ahaa federal markii uu Hitler qabsaday. Waxaa kale oo jira kooxaha loo yaqaan KKK (Ku Klux Klan) inay koontoroollaan magaalooyin iyo heerar-dowladeedyo hoose oo ka mid ah gobollada dalka Mareykanka. Keli-talisnimada waxaa xal u ah in nidaamka dowladda dalku uu noqdo mid u oggolaanaya qof kasta inuu ka qeyb qaato go'aamada dalka. Waxaa kale oo la isticmaali karaa nidaamka labada aqal ee odoyaasha iyo kan wakiillada. Waxaa intan lagu sii lifaaqi karaa in dowladda dhexe ay siiso gobollada iyo degmooyinka awood hoosaad ku salaysan xeer ay iyadu dejisay. Sidoo kale, waxaa la xoojin karaa saxaafadda madaxa bannaan iyo ururrada bulshada rayadka ah, garsoorka iyo culumada. Intan oo iskaashatay way ku filan tahay inay dowladda ka ilaaliyaan inay ku tagri-fasho awoodda. Haddii aan si kale u iraahdo ummaddu waxay u baahan tahay xukun furfrun ee uma baahna mid qeybsan. Dal kasta oo federal ah ma ahan Dimoqraaddi. Bal fiiri dalka Pakistan, Malaysia iyo qaar kale. Sidaa darteed, waxaan qabaa inaan loo baahnayn nidaam federal ah oo aan awood dhaqaale iyo mid aqooneed toona aan loo heyn.

  • Lix, dhammaan waxyaalaha waxtarka ah ee ku jira nidaamkan waxaa laga heli karaa nidaamyada kale ee dimoqraadiga. Waxaa jira dalal badan oo dimoqraaddi ah oo aan ahayn federal, islamarkaasna ka dhaqaale badan, kana dal ballaaran Soomaalida. Toddobada Faa'iido ee aan kor ku soo sheegey ma jirto mid ka mid ah oo aan laga heleyn nidaamyada kale. Waxaa intaas dheer, haddii la qaato nidaamyada kale, waxaa laga hortagayaa waxyeellooyinka uu nidaamkani wato. Waxyeellada ugu weyn ee gaar ahaan Soomaalida quseysa waa xasillooni la'aanta uu nidaamkani wato. Ma jiro qaab heshiis lagu yahay. Dadkii waxaa kala galay colaad oo wey kala qaxeen, waxayna kala tirsanayaan dhibaatooyin badan. Waxaa jira hub fara badan oo weli ku jira gacanta dadweynaha. Intaasoo arrimood oo isbiirsaday, marka lagu sii daro nidaam federaal ah oo keenaya in arrin kasta ay abuuri karooto xasaasiyad, ayna mar walba jiraan hoggaamiyeyaal dano kale wata, taas macnaheedu wuxuu noqonayaa Soomaalidu yeysan heshiin qarniyada soo socda. Waxaa la dhihi karaa, ujeeddadu waa inay Soomaalidu isku-mashquulsanaato waligeed.

Toddobo, ugu danbayntii, nidaamka federaalku wuxuu xoojinayaa qabyaaladda, wuxuuna wiiqayaa qarannimada Soomaalida. Gobol kasta waxaa isku aqoonsan qabiil gooni ah. Inuu isku-aqoonsan yahay oo kaliya ma ahan ee waxa imanaysa inuu inta kale uusan u aqoonsan inay xaq ku leeyihiin. Waxaa kale oo dhici karta in adeegyada dowladda lagu dhibo ama loo diido dadka kale oo Soomaaliyeed. Halkaas waxaa ku dhimanaya dantii guud ee qaranka iyo xuquuqdii uu qofka Soomaaliga ah ku muteystay Soomaalinimada. Dastuurkii 1960 iyo kuwii ka danbeeyey waxyaalaha wanaagsan ee ku qornaa waxaa ka mid ah in qof kasta oo Soomaali ah uu leeyahay xaqa qofka kale oo Soomaaliga uu leeyahay iyadoo aan loo eegin gobol iyo qabiil toona. Dadka Soomaaliyeed ee deggen qeybaha weli gumeysigu heysto iyo Djibouti wuxuu dastuurkaasi u oggolaa xaqa qofka Soomaaliga ah. Waxay ahayd arrin aad u wanaagsan. Sidaasna waxaa fursad ku helay oo wax ku bartay ama madax kaga noqday Soomaalidii xorta ahayd dad farabadan oo Soomaaliyeed oo ka yimid gobollada maqan. Haddii shaarka nidaamka federaalka loo geliyo gobollada qabiilka ku dhisan ee Soomaalida, waxaa imanaysa in dad badan oo Soomaali ah xuquuqdooda la duudsiyo. Kuwo gobollada gumeysigu heysto deggen iyo kuwa gobollada kale ku nool marka laga soo tago, waxaa xitaa dhici karta in qaar ku dhashay gobolka lagu takooro qabyaalad.

Gunaanad

Waxaan soo jeedinayaa inaynaan ku qancin waxa u sahlan hey'adaha caalamiga ah iyo waxay ay dalalka deriska ah, gaar ahaan Itoobiya, rabaan. Dadka iyo dalka Soomaaliyeed ma laha calaamadihii lama huraan ka dhigayey in nidaam federal ah lagu maamulo. Waxaa jira waxyeellooyin badan oo uu nidaamku wato asal ahaan. Dhammaantood waxay saamayn xun ku leeyihiin aayaha iyo qarannimada ummada Soomaaliyeed. Dhammaan waxyaalaha waxtarka ah ee ku jira nidaamka federaalka waa laga heli karaa nidaamyada kale ee ka dhibka yar. Waxaa intaas dheer in aysan jirin hab gobollo oo ay Soomaalidu heshiis ku tahay. Xitaa haddii ay dhacdo in la isku raaco hab ka mid ah kuwa aan soo sheegay, waxaa muuqda inaynaan dhaqaale ahaan iyo aqoon ahaan ka bixi karin nidaamkan.

Waxaan rumeysnahay in nidaamakani uusan annaga naga iman, uusanna xallinayn mushkiladdeenna. Walow ay u badan tahay in niyadda bulshada caalamku aysan xumeyn oo ay doonayaan inay xal u helaan mushkiladda Soomaalida, haddana waxaa hubaal ah in dalalka deriska ah ay dantooda ka hormarinayaan tan Soomaalida. Itoobiya iyo Kenya oo labaduba heysta dal iyo dad Soomaaliyeed waa inaynaan ka filin inay wanaag la doonayaan Soomaalida. Gaar ahaan, waxaa muuqda in Itoobiya ay iyadu si gaar ah u dooneyso nidaamkan oo ay weliba qaab gooni ah u rabto. Guddiyada loo saaray inay ka soo taliyaan iyo ergada la doonayo inay ansixiyaanba waa dad ay inta badan Itoobiya soo xushay ama ay raalli ka noqotay. Haddaba, taas kaliya ayaa ku filan dadka Soomaaliyeed inay ka digtoonaadaan arrintan waayo waxaa jirta dibindaabyo lagu doonayo inaysan Soomaalidu waligeed qaran noqon. Nidaamka federaalkuna, sida aan qabo, waxa uu ugu horreeyaa dibindaabyooyinkaas.

Tixraac

Ealzar, Daniel J. (1987). Exploring federalism. Tuscaloosa: University of Alabama Press.

Elazar, Daniel (ed). (1994). Federalism and the way to peace: Reflections paper 13. Kingston: Queens University Press.

Franck, Thomas (ed). (1968). Why federaltions fail: An inquiry into the requistes for successful federalism: New York: New York University Press.

Lake, David A. and Donald Rothchild. (2002). Political decentralization and civil war settlement. At http://weber.ucsd.edu/~dlake/Working%20Papers/LakeRothchilh.pdf

Riker, William H. Federalism: Origin and operation significance. (1964). Boston and Toronto: Little, Brown and Company.

Stevenson, Gareth. (1989). Unfulfilled union: Canadian federalism and national unity. St. Catherenes, Ontario: Gage Educational Publishing.

Watts, Ronald L Comparing Federal Systems. McGill- Queens University Press (2nd ed., 1999)
Watts, Ronald and Brown, Douglas, Options for a New Canada. Toronto: University of Toronto Press, 1991.

Cabdulle Raage sheekada uu ka sheekeeyey waxaan ka dhegeystay cajalad codkiisa ah oo uu isagu duubay. Cajaladdaas Cabdulle wuxuu uga sheekeeyey waxyaalo badan oo noloshiisa soo maray iyo taariikh nololeedkiisii suugaanta.
Waxyaalaha Qormadan ku jira qaarkood waxay ku salaysan yihiin waxyaalo aan ka qortay (class notes-kii) maaddo aan iskuulka ku qaatay (Federalism.
Fiiro Gaar ah: Waxaa muuqata inay warqaddani aad u dheertahay marka loo barbardhigo qormooyinka ku soo baxa bogagga internet-ka ee Soomaalida. Walow aan ka cudurdaaranayo dhererkeeda, haddana waxaan qabaa inay lamahuraan tahay in arrimaha muhiimka ah si qoto dheer loo baaro, islamarkaasna loogu soo bandhigo dadka Soomaaliyeed ee ay quseyso af ay si sahlan ku fahmi karaan. Waxaan rajaynayaa inay warqaddani qeyb ka noqoto doodda ku saabsan nidaamka federaalka ee la doonayo in laga hirgeliyo Soomaaliya.

Afyare Cabdi Cilmi wuxuu ku taqasusay Siyaasadda iyo Maamulka (BA Ryerson University, MA Brock University). Wuxuu hadda arday ka yahay Kulliyadda Waxbarashada ee OISE/University of Toronto, waana tifaftiraha Himilo On-Line.

aelmi@oise.utoronto.ca or Himilo2222@yahoo.com

 

copyright 2000 © Himilo Newspaper. All rights reserved. Contact