Calafkeey
I Seeg
Markii ugu horreysay waxaa lagu daabacay Xamar sanadkii
1983. Daabacaaddii labaad waxaa lagu daabacay Toronto sanadkii
1994.
Sanooyin
iyo sanooyin ayuu ku jiray doon-doonasho gabadh uu nolosha
uunka kula qaybsado. Mar walba, wuxuu niyadda ku hayey inuu
helayo mid calafkiisu ku dul gowriirsado. Tiro laguma soo
koobi karin inta ay gabadh kala xiriir furteen kadib markii
qaababkoodu is-haleeli waayeen.
Waxaa
arrintaas hiyi kaca leh mar kasta xusuusinayey markuu arko
dhowr daa ka hooseyday oo tarankoodu jidadka firxanayaan,
asna uu eber taagan yahay. Markaas ayuu afar iyo labaatankii
saacba goaamo fara badan isku duqeeyaa, laakiin waxay
ku soo wada laabtaan isla ebertii, illayn ficil aan qorshe
hawl qabad lahayn marna ma hagaagayee. Wuxuu mar kasta madal
u yeeli jiray qorshooyin meel marintoodu aysan hagaagsanayn.
Sidaas darteedna, waxay madashaasi ku qaadan jirtay waqtiyo
dheer.
Muuse
wuxuu sanooyinkaan dumarka u il-xoolaadin jiray si gaara.
Mid kasta oo uu la kulmo wuxuu isku dayi jiray in uu ka
gaaro ogaal buuxa duxda qofnimadeeda. Muuse wuxuu bartay
saddex gabdhood oo la kala yiraahdo Sahro, Sareedo, iyo
Qadar. Wuxuu gabdhahaas kala bartay biloyin isku xig-xigay.
Sababta uu u badiyey gabdhaha uu bartay waxay ahayd inuu
ka soo dhex-saarto mid u qalanta marwo guri, diyaarna u
ah udub u taagid qoys cusub oo bulshada qaybo firfircoon
ka gala.
Muuse
saddexdaas gabdhood waxaa ugu horreeyey mida la yiraahdo
Sahro. Inkastoo ay Sahro niyad wanaagsan u heysay, haddana
wuu ka fiigay waayo waxay ugu muuqatay in aysan ahayn qof
u dhiganta shaqsiyaddiisa qofnimo taasoo uu ka dareemay
cillado aan lagula dhaqmi karin awgood. Sidaas darteed,
wuxuu ka duubtay niyaddii dhankeeda u soo foorartay, wuxuuna
u weecday dhanka labada kale oo midba uu gooni u koodin
jiray. Waxay labadaas gabdhood ahaayeen kuwo uu kala saari
waayey markii hore waayo waxay iska shabbaheen dabeecadda,
qaabilaadda iyo habka dhar xirashada. Taasi Muuse waxay
ku kalliftay inuu dersid dheer u yeesho, soona kala saaro.
Sareedo
iyo Qadar waxay Muuse ugu muuqdeen in ay yihiin labo gabdhood
oo mudan guursi. Wuxuu mid walba goonideeda ula yeeshay
barasho gaartay heer sare, wuxuuna ka bartay ehelkooda iyo
waalidkood isagoo doonaya inuu is-barbardhigo waalidyada.
Muuse inkastoo uu muddo badan waxbarasho bannaanka ugu maqnaa,
haddana wuxuu fegrad ahaan haystay mahmaahda ah Gabadh lama
guursadee, ehelkeed baa la guursadaa. Wuxuu lid (anti) ku
ahaa fegradaha dhallinyarada tiraahda casriga cusub baan
la soconnaa.
Muuse
intii uuna hablahaas baran ka hor waxaa marar badan guur
ku soo hadal qaaday abtigiis Nuur, wuxuuna u soo muquuniyey
dhowr gabdhood oo ehelka ah. Haseyeeshee marna oggolaansho
lagama helin waayo wuxuu diiddanaa in gabadh uusan afkiisa
iyo dadnimadiisa ku soo xero gashan dad u soo xero xareeyo,
laguna yiraahdo Muuse waa loo guuriyey, taasoo ugu muuqatay
liidnimo iyo meel ka dhac aan dadiisa iyo dadnimadiisuba
ahayn, kalliftayna inuu dad badan sidaas ugu gacan seyro.
Labadii
gabdhood ee uu isku waday waxaa imtixaankii ku guul darraystay
Sareedo kadib markii hooyadeed Cawralo ugu muuqatay in ay
tahay soddoh xun oo qaylo badan. Taasna wuxuu ka ogaaday
dad la dhaqanka darsaalka oo uu habeenno farabadan kula
soo kulmay ayadoo dersaalku ka gargalyoonayaan. Waxaa kaloo
si baan uga sheeganayey niman ka qabay labo gabdhood
oo Sareedo ka waaweynaa. Waxay nimankaasi, guud ahaan, soddohdaas
ku tilmaameen in ay tahay qof xumaan ku sifowday, gabdhaheeduna
guursi mudnayn, kuwa haatan laga qabana ay habboon tahay
in loo sii daayo waayo cid ay gar la wadaageyso iyo gar
ka baxaysa ma jirto. Waxaa u muuqda oo kali ah wixii markaas
maskaxdeeda ku soo dhaca.
Qallooca
soddoh Cawralo uu ku arkay waxaaba ka sii darnaa Aabbaheed
Colow iyo wiilal la dhashay oo gar-maqaatayaal ahaa, islamarkaasna
waxaa colaadi dhex-tiillay Cawralo iyo Colow oo Sareedo
dhalay. Sababtuna waxay ahayd Cawralo waxay waligeedba jeclayd
in iyada gabdhaha laga soo doono, bixintoodana ay ku hawl-yeelato,
mid walbana kiish xisaab (lacag) ah looga keeno. Waligeed
waxaa ka reebbanaa in ay ka danbayso ninkeeda Colow. Gabadh
laga guursado tii ugu danbaysay waxaa labada walid ku kala
gaaray ceeb iyo foolxumo lama arkaan ah iyadoo waliba gacanta
Colow nabarro uga baxsadeen Cawralo. Colaaddaas labada waalid
awgeed, waxaa lama huraan noqday in abtiyaalka iyo adeerradu
galaan, gabadhiina hal sano iyo bar hawlihii guurkeedii
dhamays-tirnaa dib u dhacay.
Dadka
dabeecadaha qallafsan ee ay ka dhalatay awgood, Sareedo
waxay ugu muuqatay in aan loo geli karin. Taasna wuxuu u
aanaynayey qaababka dadkoo idil uga sheeganayeen. Wuxuu
Muuse is-tusay inuusan waxyaabahaas ka fursan doonin oo
ay xumaato kala gaarayso isaga iyo xididkiis.
Isagoo
arrimahaas tixgelinaya, gabadhaasina niyad wacan u hayay
ayey haddana ku kalliftay inuu ku gaabsado xiriirka uu la
lahaa Sareedo maadaama reerka ay ka dhalatay cillado badan
yihiin. Dib-u-gurasho xeeladeed ayuuna uga saan-tirtay saaxiibtinnimadii
uu gabadhaas muddada la lahaa, wuxuuna u soo goay
dhanka Qadar.
Macaamilada
uu xumeeyey waxaa ku garatay Sareedo oo iyadu ka hari weyday.
Muddo badan ayey la daba joogtay jacayl uusan garwsasho
u haynin, laakiin marna ma ayasan noqonnin inuu Muuse dhankeeda
dib u milicsado. Inkastoo ay gabash wanaagsan ahayd, haddana
waxaa la xiriiray dad qaab la dhaqankoodu xun yahay. Taas
oo uu arkayey in reer erey badan guul-darrrooyin u danbayso
sida dabeecadda Soomaalidu qabto, laguna tilmaamay mahmaahda
oranaysa, Qoys ereley ama erelow gundhiggiisu waa gumaadmaa.
Hablihii
kale ee uu xiriirka la lahaa wuu ka soo goay, wuxuuna
isku koobay Qadar oo qudha. Wuxuu qiyaasay inay ka sidato
tii ugu danbaysay ee uu xiriirka u laabay, nasiibna ay u
yeelatay inuu Muuse hablihii uga soo haro, niyaddiisoo dhanna
uu xaggeeda u soo jeediyo. In muddo ah markii saaxiibtinnimo
wanaagsan lahaayeen buu habeen habeennada ka mid ah ku yiri:
Qadar, waxaan filayaa in aan wada soconnay muddo dheer,
sidaas awgeedna, waxaan jeclaan lahaa in aan hawlaheenna
soo gabagabayno. In badan ayey sugeysay hadalka Muuse ka
soo yeeray, waxayna marar badan laabta iska tiri, malaha
ujeeddadiisu waa dhalanteed.
Iyadoo
wajiga hoos u qarsanaysa, isna moogeysiinayday ereyada Muuse
ka yeeray ayey tiri, waa maxay hawlaha la gabagabaynayo?
Ma waxaad dooneysaa in far waaweyn wax laguugu qoro? Ayuu
Muuse ku yiri. Sideydaba ereyada maldahan adeegsigooda waa
layga badiyaa, waxaana jeclahay in wax waliba si cad iigu
qeexan yihiin.
Waa
ii caddahay in aad ujeeddadayda fahansan tahay, balse haddii
aad igu xujeyday ogow inaysan taas dhib igu ahayn. Hadalkoo
isku duubanna wuxuu yahay, Maxaad ka qabtaa haddii aynu
nolosha isku habayno oo dhisno qoys mujtamaca tiirarkiisa
ka mid noqda. Ereygaas afkiis ka soo baxay ee muddada
uu la raagay waxay sugeysay xilliyo hore, waxayna si fudud
u tiri waxba kama qabo, laakiin aabbe ayaan iskula tageynaa
haddii aad raalli ku tahay. Muuse oo suaal ku celiyey
wuxuu yiri, haddii aabbe oggolaansho laaani ka timaado
maxaynu samayn? Qadar oo suaashaas ka jawaab celinayda
waxay tiri, kolleyba haddaan raalli isku nahay waxba naga
xumaan maayaan. Middeeda kale, waalidkey marna ma diidayaan
qofkii naftaydu doorato oo aan wato, weliba horey ayey iigu
ballan qaadeen in ay igu darayaan qofkii aan keensado shuruud
laaan. Muuse ayaa hadalkii qaatay isagoo leh, haddii
aad waaalidkaa isku hubaal ka haysato, waxaan soo diyaarinayaa
wixii ku tala-gal ah. Sidaas awgeed, ilaa iyo inta aan ka
soo diyaar garoobayo arrinteenna yaan qofna ka warhelin.
Waqtigaas
wixii ka danbeeyey Muuse wuxuu ku haaraamayey niyaddiisa
saacad walba in ay leedahay qof lagula hirto, isla-markaasna
dhamaynta hawlaha guri galkoodu ku xiran tahay diyaar garowgiisa.
Wuxuu u feyd-feytay siduu ku hirgelin lahaa hawlahaas isagoo
isku halleyn ka dhiganaya hadalkii Qadar. Inkastoo uusan
keyd hantiyeed lahayn, haddana wuxuu lahaa niyad wanaagsan
iyo saaxiibbo fiic-fiican. Wuxuu kaloo awooday inuu nolol
maalmeedkiisa soo saarto. Sidaas darteedna, wuxuu heystay
waxyaabihii aasaasiga ahaa ee u baahnaa. Taasina waxay u
noqotay dhiirri gelin weyn waayo waxaa markii hore welwel
ku hayey isla helidda wixii arrimahaasi ku fuli lahaayeen,
haatanse waxaa u haray u soo bandhigidda gabadha iyo mowqifka
oo waalidka loo gudbiyo.
Habeenkii
danbe buu Muuse soo aaday gurigii Qadar asagoon beryo ka
warqabin, kuna mashquulsanaa hawlihii gaarka ahaa iyo arrimo
guud oo kale. Habeenkaas socodka Muuse wuu ka duwanaa kii
habeennadii hore waayo ku talo gal gaar ahaaneed buu watay.
Iridka qolka ay ku jirtay marka uu foodda soo geliyey ayuu
u jeeday Qadar oo jiifta sariirtii. Asagoon qofna wax suaalin
buu kaligiis isla hadlay. Wuxuuna laabta ka yiri, suurtagal
ma ahan inay Qadar 7da fiidkii jiifto cudur laaan,
kolleyba waxbaa jira, balse aan suaalo.
Aayar
buu saanta soo qaad-qaaday, iskana ilaaliyey shanqarta,
markaas buu sariirtii dhan uga soo fariistay, kuna yiri,
xaggee lagaa hayaa? Asagoo gacantiisa midig
dhabankeeda ku taabanaya si uu eego heerkulkeedu inta uu
gaarsiisan yahay sidii tow yahay takhtar ku soo takhasusay
cudurrada guud. Muuse wuxuu u dhashay wiil dabeecad qabow,
laxow badan, insaanimadiisuna (aadaminnimadiisuna) sugan
tahay, lehna raxmad wanaagsan.
Qadar
oo hadalkuba dhibayo baa dhankiisa u soo jeesatay markaas
bay ku tiri, Muuse dhowr beri waan jiifay, waxaana I haya
cudur I saaqay , dhan xanuunku iiga badan yahayna ma garanayo.
Islamarkaana qufac ayey marar badan is-daba dhigtay. Muuse
oo dareensaday ayaa ku yiri, Ma durey baa kugu xumaaday?
Wallaahi durey iguma xumaan oo sidaad iiga jeeddaba diif
iyo qandho durey la iguma arko, balse waxan garan waayey
cudurkan I haya qaabkiisu wuxuu yahay.
Maxaad
baaritaan caafimaad u aadi weyday? Sow ma ogid in cudurku
kugu sii fidayo. Qadar oo u jawaabaysa ayaa tiri, Dorraad
subax ayaan isbitaalka baaritaan u tegay, wuxuuna takhtarkii
ii diray raajito feeraha ah, berri ayaan ka soo qaadan doonaa
natiijada. Iyadoo weli hadalkii sii wadata ayey tir Bal
wixii iga soo baxa la arki doonee, kolleybase waan hubaa
inaysan wax cudur ah iga soo saaraynin. Intaas markii ay
afkeeda ka soo baxday ayey dhowr goor qufac is-dabadhigtay
iyadoo weliba tahanteeda isku celinaysa. Yaase qufac feero
ku jira taag iyo tabar uu ku celiya u haya.?
In door
ah markuu joogay buu inta istaagey ku yiri, habeen danbe
ayaan kaa soo wardoonayaa Waa yahay ayey ku soo kala tageen.
Nabad-gelyo iyo nooli kulanta, cudurkana Ilaahay shimbir
buubaya samada ha u saaro ama baddaas baaxadda weyn ha ku
kala ambiyo. Aamiin bay ka daba tiri asagoo iridda ka soo
baxaya. Jid laami ah oo guriga ka danbeeyey ayuu aayar uga
soo luuday ayadood mooddid inuu qudhiisu bukaan haarsaday,
madaxiisuna hoos u fooraro, wuxuuna aad uga xumaa jirrada
uu kala soo kulmay Qadar.
Markii
uu Muuse iridka ka baxay bay Qadar sariirtii ka soo degtay,
albaabkiina xiratay, dibna jiifkii ugu laabatay ayadoo ay
maskaxdeeda ka diyaamayso ereyadiisii. Waxay aad uga welwelsanayd
jawaabta ay kala kulmi doonto raajitada takhtarku caddeynaayo.
Habeenkaas oo dhan welwel baa waagu ugu beryey. Subaxnimadii
quraacda kadib waxay soo qaadatay raajadii, waxayna ula
timid Dr. Ismaaciil oo ku taqasusay cudurrada feeraha, ahaana
nin aad u deggan. Eegmo kadib, wuxuu yiri, Iska soo qaad
anaalis buuxa sida candhuuf, kaadi iyo saxaro, wuxuuna u
soo diray shaybaarka halkaas oo ay ku fulisay dhammaan wixii
takhtarku soo faray. Waxay mar kale dib u soo celiday dukameenti
qayb walba wixii lagala soo kulmay lagu qeexay.
Dr.
Ismaaciil waxaa durbadiiba u soo baxay cudurkii Qadar la
taahaysa, wuxuuna ku yiri, Diyaar ma u tahay inaynu ku jiifinno
isbitaalka Foriliino qaybta qaaxada, mise daawooyinka laguu
qoro gurigaaga ayaad asturnaan ugu qaadanaysaa, awoodse
ma u leedahay inaad iibsato?Waxay ugu jawaabtay, Datoore
wixii daawooyin ah oo aad ii qorto gurigeyga ayaan ku qaadanayaa.
Intaas
markuu ka sugey ayuu qalinka iyo waraaqdii is-dulsaaray,
wuxuuna qoray nuucyo kala duwan oo daawooyin ah. Wuxuu kaloo
u dhigay saddex bilood oo fasax ah asagoo tusaaleeyey habka
qaadashada daawooyinka iyo nuucyada cuntada ku habboon.
Dr. Ismaaciil oo hadalkiisii sii wata wuxuu yiri, Qof weyn
oo caqli leh, qaan-gaarna ah ayaad tahay. Sidaa darteed,
waxaa lagama maarmaan ah inaad ku dhaqanto waanooyinkeyga.
Ogwona inaad u caafimaadeyso hadba sidii aad isu dhowrto,
uguna dhaqanto tusaalooyinkaan. Waxaana kaa reebban hawlaha
soo socda oo dhan. 1. Waa inaad ka dhowrsanaato nuucyada
jeermiska, islamarkaana aad yeelato weelasha ciddu wax ku
cunto kuwo ka baxsan. 2. Waa inaad iska dhowrtid dhaqdhaqaaqa
faraha badan oo aad nasasho badan guriga ku qaadato. 3.
Waa inaadan dayicin qaadashada daawooyinka aan kuu qoray,
aadna ku dedaasho cunto wanaagsan oo isku dheellitiran,
weliba dufan leh. 4. Haddii aad nin leedahay ha isu oggolaanin
ilaa aad hubiso heerka caafimaadkaagu ku sugan yahay. Ogowna
in cudurkaani kaaga bogsoonayo hadba sida aad ugu dhaqanto
awaamiirtaas
Waa
Socotaa.... (La Soco Cadadka Danbe)
|