|
Pan-Somali
Council for Peace and Democracy (ISRAACA)
1201 Pennsylvania Ave, NW #300 PMP #49 Washington, DC 20004
Telephone: (202) 661-4653 Email: Webmaster@israaca.org
www.israaca.org
Warsaxaafadeed ku Saabsan Shirka Dib-U-Heshiisiinta Soomaalida
ee Eldoret
October
7, 2002. Washington, D.C.
Ururka Israaca Ummadda Soomaaliyeed (Israaca) wuxuu ka mid
yahay ururrada ku hawlan dib-u-soo celinta qarankii Soomaaliyeed
ee burburay. Ururkani wuxuu ka kooban yahay qeybaha bulshada
oo dhan, waxaana ka mid mid ah xubnihiisa aqoonyahanno iyo
xirfadlayaal badan. Ururka Israaca oo la abuuray sanadkii
1998, waxaa ujeeddooyinkiisa waaweyn ka mid ah inuu raadiyo
sidii uu ugu dhamayn lahaa khilaafka hab ku dhisan caddaalad,
nabadgelyo iyo wadahadal. Wuxuu kaloo Ururkani doonayaa
inuu hormariyo dhaqan ku salaysan nabadgelyo isagoo adeegsanay
waddada wadahadalka iyo dib-u-heshiisiinta, islamarkaasna
ilaalinaya midnimada iyo sharafta Soomaaliyeed. Himilada
fog ee Ururka Israacu waa dhisidda bulsho deggen oo leh
nidaam dowli ah oo wanaagsan, kuna wada hoos-nool qaab-dhismeed
ka kooban bulsho kala duwan oo ku dhisan caddaalad iyo horumar.
Xarunta
Ururka Israaca Ummadda Soomaaliyeed waxay ku taal magaalada
Washington D. C. Haseyeeshee, waxaa laamaha iyo xubnaha
ururkani joogaan inta badan magaalooyinka waaweyn ee Ameerika,
Canada iyo Yurubta Galbeed. Sidoo kale, waxay laamaha iyo
xubnaha ururkani joogaan wadamada Carabta, dalalka Afrika
iyo Soomaaliya. Wixii faahfaahin ah kala xiriir bogga internet-ka
ee ururka oo ah www.israaca.org.
Ururka
Israacu, isagoo ka faa'iideysanay fursaddan, wuxuu marka
hore gaarsiinayaa mahad ballaaran dowladaha xubnaha ka ah
Urur-Goboleedka IGAD, iyo gaar ahaan dowladda iyo shacabka
dalka Kenya isagoo uga mahad celinaya dadaalka ay ku doonayaan
inay Soomaaliya kaga dhaliyaan nabad waarta. Ururkani wuxuu
si weyn u taageerayaa shirka ay ku baaqday IGAD, isagoo
rajaynaya inay ka dhalato shirkaas nabad buuxda. Sidaa darted,
Ururka Pan-Somali Council for Peace and Democracy (Israaca)
wuxuu ka codsanayaa dadka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay
joogaan, inay taageero buuxda siiyaan, ayna wixii ay ku
kordhin karaan oo wanaag ah ku kordhiyaan shirka si loo
dhameeyo dagaallada sokeeye, loogana dhaliyo Soomaliya nabad
waarta.
Ururka
Israaca Ummadda Soomaaliyeed wuxuu jecel yahay inuu u soo
jeediyo Guddiga Farsamada ee abaabulaya shirka qodobbada
soo socda ee ku saabsan habka iyo farsamada la xiriirta
hagaajinta nidaamka iyo nuxurka shirka:
1. Ururka
Israacu wuxuu qabaa in habka loo abaabulayo shirku uu noqdo
mid furan oo qof walba uu arki karo. Taariikhda loo qabtay
in shirku qabsoomo way dhowdahay, laakiin ilaa iyo hadda
ma jirto wax loo soo gudbiyey dadka shirka ka qeyb galaya
sida ajandaha, qaabka iyo arrimaha kale ee muhiimka ah ee
laga wada hadlayo. Sidaa darteed, Ururka Israacu wuxuu ku
boorrinayaa Guddiga Farsamada ee IGAD inay u gudbiyaan dadweynaha
Soomaaliyeed iyo dadka ka qeybgalaya shirka dokomentiga
la tixraacayo iyo habka looga qeybgalayo shirka. Sidoo kale,
waa in guddiga farsamadu uu qeexaa doorka ka-qeybgalayaasha
iyo kaalinta ay IGAD, bulshada caalamka iyo bulshada rayadka
ah ee Soomaaliyeed ku kala leeyihiin shirka.
2. Ururka
Israacu wuxuu rumeysan yahay in shirkani uu yahay mid muhim
ah oo ay natiijadiisu wax weyn ka tareyso dib-u-heshiisiinta
ummadda Soomaaliyeed ee dhibaateysan, iyo nabadgelyada Geeska
Afrika. Sidaas darteed, Ururuka Israacu wuxuu soo jeedinayaa
in sida ugu dhaqsaha badan loo dhammeeyo waxyaalaha la xiriira
diyaarinta shirka. Ururka Israacu wuxuu ka digeyaa in lagu
dhaco gafaf waxyeelleyn kara ka-guul-gaarista shirka. Ururka
Israacu wuxuu rajaynayaa in dowladaha xubnaha ka ah IGAD
ay ka gudbaan muranka iyo is-qabqabsiga, ayna isla gartaan
hal waddo oo keeni karta sidii nabad iyo xasillooni looga
dhalin lahaa Soomaaliya iyo Geeska Afrika oo dhan. Ururka
Israacu wuxuu soo jeedinayaa in dalalka safka hore ay qaataan
siyaasad aan u kala eexanayn kooxaha iyo kale ee ka-qeybgalayaasha
kale ee shirka.
3. Ururka
Israacu wuxuu ku boorrinayaa dalalka safka hore inay ku
midoobaan hal hannaan ama qaab oo kaliya. Ururkani wuxuu
soo jeedinayaa in qaabkaasi uu noqdo mid lagu dul dhisayo
natiijadii ka soo baxday Shirkii Carta. Wuxuu u arkaa in
arrintani ay tahay mid macquul ah, islamarkaasna waafaqsan
xaqiiqada ka jirta dalka. Isagoo ka ambaqaadaya in hoggaanka
Dowladda KMG ah lagu qancin karo inay oggolaato natiijada
shirka, xitaa haddii iyada lagu baddalayo dowlad kale oo
la isku raacsan yahay, looma baahna in mar kale laga soo
billaabo eber. Taasi waxay keeneysaa in la lumiyo wixii
hanti iyo waqti la geliyey dib-u-heshiisiinta, waxayna dhaawacaysaa
niyad-wanaaggii ka danbeeyey heshiikii Carta.
4. Sida
uu qabo Ururka Israacu, waa in dadka Soomaaliyeed loo oggolaado
inay ka qeyb galaan wajiga hore ee ah gogol-xaarka iyo diyaarinta
shirka. Waxaa jira dad badan oo Soomaali ah oo jooga dalka
gudihiisa iyo dibaddiisaba oo si dhab ah u danaynaya nabadaynta
Soomaaliya, islamarkaasna aan ahayn xil-doon. In ay ka qeyb-galaan
shaqsiyaadka noocan ah wajiga gogol-xaarka shirku waa muhim
waayo ka qeyb-galkoodu wuxuu keeneyaa in dadka Soomaaliyeed
dareemaan inuu iyaga ka yimid nidaamku ee aan dibadda looga
keenin. Taasina waxay dhalinaysaa inay aqbalaan natiijada.
5. Isagoo
tixgelinaya xiisaha cusub ee ay muujiyeen wadamada caalamku,
Ururka Israacu wuxuu soo jeedinayaa in la siiyo door wax
ku ool ah bulshada caalamka ee ka baxsan IGAD. Dalalka Yurub
iyo Mareykanku waxay, gaar ahaan, muujiyeen xiiso weyn oo
ku aaddan shirka soo socda. Iyadoo laga faa'iideysanayo
waaya-aragnimada la xiriirta shirarkii hore oo uu ku jiro
kii Carta, Ururka Israacu wuxuu qabaa, in ka-qeybgelinta
Marykanka iyo Midowga Yurub ay kordhinayso fursadaha lagu
hirgelinayo heshiika la gaaro. Sidoo kale, iyadoo la eegayo
xiriirka qotada dheer iyo dhaqanka ay dalalka Carabta iyo
kuwa Islaamku la leeyihiin Soomaaliya, wuxuu Ururka Israacu
qabaa in si toos ah looga qeyb-geliyo Uruka Jaamacadda Carabta
iyo Ururka Dalalka Islaamka ah. Sidaa darteed, Ururka Israacu
wuxuu soo jeedinayaa in labadan qeybood laga qeyb-geliyo
shirka iyadoo aan laga qaadeyn hoggaaminta shirka IGAD.
6. Si
looga miro-dhaliyo shirka, Ururka Israacu wuxuu soo jeedinayaa
in qeyb kasta oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed loo oggolaado
in ay ka qeyb-gasho shirka. Arrinta la xiriirta metelaadda
ama ka-wakiil-noqoshada dadku waa mid aad muhiim ugu ah
heshiiska Soomaaliya. Haddaba, waa in tixgelin dheeraad
ah la siiyo arrintaas inta uusan shirku billaaban. Ururka
Israacu wuxuu ka digayaa inaan lagu dhicin gefefkii hore
oo kale oo aan loo oggolaan kooxaha hubeysan inay iyagu
faramaroorsadaan inta kale oo ay habka dib-u-heshiisiinta
iyaga oo kaliyihi ay ka taliyaan.
7. Inta
uusan billaaban shirku, waa in dhammaan ka qeyb-galayaasha
oo ay ku jiraan kuwa ajnabiga ahi ay isku waafaqaan xeerarka
aasaasiga ah ee lagu wadayo shirka, waana inay dhammaantood
ballan-qaadaan inay fulinayaan natiijada ka soo baxda. Waa
in la isla garto oo la isla oggolaado ciqaabta ama waxa
lagu samaynayo ciddii diidda inay fuliso natiijada shirka.
Tusaale, waa in dowladaha xubnaha ka ah IGAD ay isla gartaan
inaysan u oggolaan inay soo galaan dalalkooda kuwa diida
inay hirgeliyaan heshiiska ka soo baxa shirka.
8. Ururka
Israaca Ummadda Soomaaliyeed wuxuu soo jeedinayaa in aan
la abaalmarin kuwa adeegsada dagaalka iyo xoogga si ay u
gaaraan hadaf siyaasadeed. Danta guud ee ummadda waa inaan
la oggolaan in laga hormariyo danaha gaarka ah ee kooxaha
iyo shaqiyaadku ay wataan. Sidaa darteed, Ururka Israacu
wuxuu ugu baaqayaa bulshada caalamka inay si toos ah ugu
caddeeyaan arrintan ka qeyb-galayaasha shirka.
9. Ururka
Israaca Ummadda Soomaaliyeed wuxuu soo jeedinayaa in shirku
uu ku talagalo sidii loo samayn lahaa hannaan lagu dul-dhisi
karo dowlad loo dhan yahay oo Soomaaliya oo dhan metasha.
Sidoo kale, Israacu wuxuu soo jeedinayaa in shirku uu abuuro
guddi dib-u-heshiisiin iyo hanti-isu-celin, kaasoo ay hey'adaha
caalamiga ahi qarashkiisa bixiyaan. Guddigana waa inuu noqdo
mid isagoo ka madax-bannaan, haddana la shaqeeya dowladda
lagu dhiso shirka.
10.
Ururka Israaca Ummadda Soomaaliyeed wuxuu ku tirtirsiinayaa
Guddiga Farsamada in lagu daro qodobbada laga dooday danbiyada
la xiriira ku xad-gudubka xuquuqda aadanaha iyo xaalufinta
deegaanka si loo xaqiijiyo in kooxaha iyo shaqsiyaadka geystay
xadgudub loola xisaabtamo. Ururka Israacu wuxuu ka codsanayaa
Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika, Dowladaha
Mareykanaka iyo Canada inay bixiyaan qarashka iyo waxyaalaha
kale ee uu u baahan yahay Wakiilka khaaska ah ee u qaabilsan
Qaramada Midoobay arrimaha xuquuqda aadanaha Mudane Ghanim
Al-Najjar, si uu u guto waajibaadkiisa la xiriira baaritaanka
xadgudubka xuquuqda aadanaha iyo dambiyada dagaalka ee dhacay
sanadihii la soo dhaafay.
11.
Ugu danbeyntii, Ururka Israacu wuxuu soo jeedinayaa in waxyaalaha
ka dhacaya shirka sida wadahadallada, baaqyada iyo go'aannada
dhammantood la daabaco, loona baahiyo dadweynaha Soomaaliyeed
waayo xaq bay u leeyihiin inay ogaadaan sida aayahooda loo
qaabaynayo.
Board
of Directors
Pan- Somali Council for Peace and Democracy
Washington DC, USA
Contact info: Abukar Armam (Chair of Israaca)
|