11jir
qur'aanka dhamaysay
June
2, 2003
Faarax Cumar
Muqdisho
- Xaflad qalin jabin oo loo sameeyay Caa'isha C/raxmaan
Xasan Jimcaale oo ah gabar 11jir ah dhamaysayna barashada
iyo xifdinta qur'aanka Kariimka ayaa maanta xafladii qalinjabinteeda
lagu qabtay dugsiga Salaaxu Diin Al-ayuubi ee magaalada
Muqdisho.
Xafladan oo aad loo agaasimay waxaa ka qayb galay mashaa'iqda
ay ka mid yihiin Sh.Nuur Macalin C/raxmaan ,Sh.Xasan Dheere,Sh.Yuusuf
Caynte, Sh.Tuur xume iyo kuwa kale waxaa muxaadarooyinkii
ay soo jeediyeen kaga hadlayn fadliga barashada qur'aanka
kariimka .
Sh.Nuur Macalim oo caan ku ah fidinta Dinta Islaamka .ayaa
ku dheeraaday in qofku ilaalsado diintiisa taa soo ku imaanaysa
barashada iyo ku dhaqanka kitaabka qur'aanka kariimka waxaa
kalo u sheegay in dadka maanta ay naftooda iyo maalkooda
oo kaliya ay la baqayaan iyagoo aan dareemayn dhibaatada
lala maaganyahay Diintooda.
Sh.Yuusuf Ceynte ayaa isna gabadha qur'aanka dhamaysay ee
Caa'isha ku tilmaamay mid uu alla siiyay wixii ugu kheyr
badnaa aduunka waxaa uu sheegay in aduunka uu san jirin
kitaab loo la diriray sida kan Qur'aanka .
Sh.Xasan Dheere oo isna halkaas kahadlay ayaa sheegay in
Qur'aanku ka hadlayo danaheena ayna wanaagsantahay inaan
barano kuna dhaqano .
Xafladan ayaa culumadii kele ee ka hadashay waxay ugu duceeyeen
waalidka dhalay Caa'isha iyo macalinkeeda in Illaahay ka
ajarsiiyo iydana ku anfaco Qur'aanka ay baratay
Gabagabdi Xaflada waxaa nashiidooyin ku saabsan barashada
Qur'aanka ka aqriyay qaar ka mid ah ardayda dhigata dugsiga
Salaaxu Diin Al-ayuubi.
|