Boggaga Somalida
  Hiiraan Online
  Somali Citizen
  Gacal Magazine
  Hiiraan Today
  Somali Talk
  Horn Afrik
  STN - Tv
  Dayniile
  Banaadir
  Gedo Homepage
  Somaliland Net
  Arlaadinet
  Puntland Post
  Boggaga oo Dhan
Wargeysada
  Warsan
  Somali Press
  Ayaamaha
  Xog-Ogaal
  Dalka
  Elektaroonik
Boggaga Islamka
  Prayer Time
  Qoraxay (Tafsiirka)
  Boqolsoon
  Iviews
  CAIR US
  CAIR Canada
  ISNA
  Quran Speaks
  Islamic City
   
 

MACALLIN DAAHIR: "Gabdhaha waa ka baarrisan yihiin wiilasha, wayna ka ciyaar yar yihiin…"

June 4, 2003

Muqdisho - Barashada iyo Xifdinta Qur'aanka Kariimka inta badan dhulka Soomaalida waa mid muhiim ah, Qoysaskana waxay ku dadaalaaan inay Caruurtooda Dugsiyada geeyaan xiliga hore ee da'da, taas oo ujeedada tahay in Caruurta horeba u bartaan una xifdiyaan Qur'aanka. Magaalooyinka marka la eego waxaa Xaafad walba laga heli karaa Dugsi Caruur Qur'aanka ku baranayso, kuwaas oo ay suurta gal tahay inay wax wayn kala fogayn. Muqdisho Dugsiyadii looxa Qur'aanka lagu baran jirey waxaa soo wahliyay iyadoo buug iyo qalin la adeegsado.waxaa kaloo si baahsan u socda caruurta oo Qur'aanka Tajwiidka ku barata.

Sidey hadaba dugsiyadaas uga socotaa barashada Qur'aanka kariimka, maxaa culays ku ah habka wax barashada, arimahaas iyo kuw kaleba waxaan waraysi dheer kala yeeshey Mucalim Daahir caddow Clasow oo muddo 13 sano ka badan gacanta ku hayay Dugsiga Salaaxudiin Al Ayuubi oo ku yaala Xaafadda Suuq bacaad, degmada Yaaqshid Magaalada Muqdisho.

Waraysiga waxa uu dhacay qaabkan:

S - Mucalim Daahir waxaad noo sheegtaa goorta Dugsigan la furay ?

J - Bismilaah, Alxamdulilaah, Dugsigaan waxaa la asaasay bilowgii 1990 kii iyadoo xaafadan uusan ka jirin Dugsi ilmaha Qur'aanka lagu baro ama uusan ku badnayn. Waxaan dugsigan kala wareegnay asagoo ood ah Mucalim xaafada ka guurayay, oo aan siinay lacag yar waxa uu ka koobnaa wax 7 ilaa 8 mitir ah ilaa uu ka gaaro dhererkiisu 20 mitir balaciisana 8mitir.

S - waxaad sheegtay in mucalimkii hayay aad ka iibiseen ma dhulkaa ka iibiseen?

J - waxaan ka iibinay jiingaddii kor saarnayd iyo ooda kaliya ayaan ka iibinay, ee booska jidka dhexdiisa ayuu ahaa.

S -
tirada ardayda aad ku bilowdeen intey dhamaayeen?

J -
waxaa lagu bilaabay tira aad u yar oo labaatameeya ah islamarkiiba ardada waa badatay waana la waasiciyay,xiligaas wixii ka danbeeay waxaa dhacay dagaalkii Dawladii jirtay lagu ridey.

J - intaan dawlada la ridin tirada ardayda intey la ekeyd?

S - tirada ardayda ayagoo maraya 70 oo 40 gabdho yihiin ayaa dagaalka dhacay, dagaalka markii laga soo laabtay ardayda waxaan ku bilownay wax ka yar 10 arday,Asbuucii ku xigay ardada waa soo badatay, hadana waxaa dhacay dagaaladii googooska ahaa iyo kii afarta bilood ee USC-da, dhibaatooyinkaas ayaa markaa dugsiga soo wajahay.

S - goormay waxbarashada dugsiga ugu fiicneyd ?

J - 92 dii wixii ka horeeyay marxalad dagaal ayaa jirtay, dagaalkii afarta bilood markii laga soo laabtay ayuu dugsigu si toos ah ah hawshiisa u bilaabay, markaas ilaa hadda ayaana la dhihi karaa waxbarashada dugsiga waa ugu wanaagsanayd.
S - waqtigii Maxkamadaha Islaamiga shaqaynayeen ma waxay idiinku jirtaa
waqtiyada fiican?

J - runtii waqtigii Maxkamadaha Islaamiga shaqaynayeen waxay noo ahayd markii noogu fiicnayd oo noogu nashaad badnayd, dugsiguna waxa uu ka koobnaa qayb Caruur iyo qayb kale oo Dumar ah, qaybta Caruurta waxay ka koobnayd 180 arday Dumarkana waxay ka badnaayeen ila 250, habeenkii todobaatameeyo ayaa dhiganaayay, subaxiina laba qayb ayay kala ahaayeen, qayb 80 iyo dhawr ka kooban iyo qayb 90 iyo dhawr ka kooban.

S - ardayda ilaa waqtigaas qur'aanka dhamaysay intey gaarayaan?

J - ardayda ilaa markaas qalin jabisay waxay gaarayaan 111 arday oo qaar ka mid ah dugsiga ku dambeeyaan, badankoodana magaalada kala galay wax Iskuul dhigta iyo wax duruusta masaajidada ku taxan iyo wax dhoofay qaar fasahaadayna oo mujtamacan kharibka ku jira ku saamoobay, laakiin Al-xamdullilah waxay u badan yihiin kuwa iskuulka dhigta.

S - Kuwa seegseegay ee aan dhumiyay Qur'aanka maka shallaay qabtaa?

J - Runtii taas qof kasta waa ka shallaay qabeysaa, ileyn qofka marka uu beer tacbo wuxuu jecel yahay inaan beerta ka bi'in, oo ka bukan oo Mirihii uu ku tacbay isagoo fayow ka gurto, runtii ardayda juhdi ayaan ku bixinay, xoolana kama qaadan jirin, xilliyadaas aan kuu sheegayna ardayda rawaatib (Lacag) lagama qaadi jirin, rag iyaga is gartay oo waalidiinta ah oo wax dhiibi jiray waa jireen, marka aniga dacwa ahaan iyo inaan diinta u adeegno oo Alle agtiisa imtixaanka uga fakano ayaan ugu talo galeynay, waxaana rabay inay ardayda noqdaan dad Islaamiyiin ah oo u adeega Islaamka, marka murug waa nagu heysaa ardaydii aan Qur'aanka barnay isla markaana seegseegay Ilaaheyna waxaan uga baryeynaa inuu soo hanuuniyo.

S - Maadaama aan wax kharash ah la weydiinin ma ku filnaan kartaa Dugsiga dayactirkiisa iyo nadaafadiisaba waxyaabaha dadka mutadawaciinta ahi bixiyaan?

J - Dugsiga marka la ballaarinayo oo dhisme u baahan yahay dadka waalidiinta ah ayaa badanaa lacagta bixiya iyaga ayaa loo qeyliyaa, mida macallinka ku saabsan runtii haddii macallinka meel ku tiirsaneyn inuu ilmaha Qur'aanka sii baro waa culus tahay, waxaana imaaneysa inuu iska daneysto arrintaasna waan dareenay, waxaana ka dhignay in rawaatib ardayda laga qaado, haduu Macallinka meel ku tiirsan yahay wax badan buu soo saari karaa.

S - Intee bay dhan yihiin macallimiinta gacan yarayaasha ah ee Dugsigaada jooga?

J - Waxay dhan yihiin saddex macallin iyagaana waxbarashada toos u wada, aniga kor ayaan ka maamulaa waana qeybta ilmaha yar yar, qeybta Haweenka waxaa jooga laba macallin oo subaxdii iyo habeenkii kala jooga, marka dhammaan tiradooda waxay isku tahay shan macallin.

S - Macallimiinta wax Gabdho ah ma ku jiraan?

J -
Maya, kuma jiraan.

S - Dugsiga tirada haatan dhigata meeqa ayaa Gabdho ah meeqa ayaase wiilal ah?

J-
Guud ahaan waa Boqol Arday, lixdan ka mid ah waa Gabdho, inta kalena waa wiilal.

S -
Maxaa keenay ayaad isleedahay in Gabdhuhu bataan?

J -
Runtii waxaa keenaya Gabdhaha waa baarrisan yihiin wiilasha, wayna ka ciyaar yar yihiin, waana ka akhlaaq fiican yihiin, gabadha marka ay waxbarasho jirin oo ay fasax ka tahay Duigsiga ama Iskoolka badanaa waxay mashquul ku tahay adeegga guriga, inay hooyadeed u adeegto, laakiin wiilka marka uu waxbarashada ka maqan yahay waxa uu ku mashquulaa inuu ciyaaro, marka Gabdhaha waa ka firfircoon yihiin wiilashada, dhinaca waxbarashada, aadna waa u fahmo badan yihiin, waalidka marka loo fiiriyana waa uga baarrisan yihiin wiilasha.

S -
Tirada Gabdhaha Qur'aanka dhameysay meeqa ayay dhan yihiin ilaa hadda?

J -
80% inta Qur'aanka dhameysay waa Gabdho.

S -
Waalidiinta macaamilkiina siduu isku yahay?

J -
Waalidka macaamilka aan la leenahay waa kala duwan yahay, arrin dhaqan ah ayaa jirta oo aad macallimiinta u dhibsadeen, ardayga marka laguu keenayo waxaa keenaya Hooyada, aabaha isma arkeysiin, waxaa jira ilmo Dugsiga la keenay oo Qur'aanka dhameeyay isla markaasna aan hooyada mooyee aabaha la arkin, marka Hooyada ayaa ilmaha Dugsiga keenta, dabeecadoodana waa iska fududahay oo haddii ardayga macallinka is qabtaan oo ardayga la canaanto waxaa dhaceysa in hooyooyinka qaar aad u kululaadaan, inkastoo ay qaar badan taas ka fiican yihiin, waxaa marka dhaceysa in macallinkii iyo hooyadii isku dhacaan, waxaa meesha ka dhaceysa in canugii Dugsiga laga bixiyo oo Dugsi kale la geeyo, hadana macallinkii loo geeyay isku dhacaan, hadana laga bixiyo, canuga markaa uu qaangaaro isagoon Qur'aanka dhameyn, markaasna uu ka hoos baxo canaantii waalidka iyo tii macallinka, halkaasna uu ku seeg seego, marka waalid aad u dhib badan waa jiraan, kuwo baarri ahna waa jiraan.

S - Dhibaatadaas ma mid badan baa?

J - Dhibaatadaas waa mid caam ah oo magaalada ka jirta, ardayda badanaa naloo keeno arday aan Alifka u bilowneen waa yar yahay 20% ayaa la dhihi karaa wax Alif aan u bilowneen, sideetanka kale waa wax inta Dugsi kale laga soo bixiyay laguu keenayo, haddii laguu keeno arday Qur'aanka horay loogu soo bilaabay waxaa kugu adkaaneysa inaad fahamsiiso iyo inaad ku aadiso jidkii aad ugu talo gashay, waana arrin barashada Qur'aanka ardayda aad u dhibaateyneysa.
S- Dugsiga hadda waxa uu ku yaalaa waddo dhinaceeda, dadka degaanka ee ilmaha Dugsiga u dhigtaan kuwa lacagta ma ku boorisaan in Dugsiga dhul loo gado qaabkaana laga bedelo?

J - Runtii waa jiraan rag aan ku soo qaadnay oo ganacsasatada xaafadda ka mid ah, oo waalidiinta ka mid ah oo in Dugsiga boos loo raadiyo, ilmahaba degaan waa loo gadaaye, laakiin ilaa hadda kuma guuleysan. Waa fiican tahay waana dadaaleynaa wax aan ahayn kama heyno, inay rabaan afka waa nooga sheegeen, laakiin wax ficil ah oo ay sameeyeen ma jirto.

S -
Dhibaatada gaar ahaaneed ee Dugsiga heysata maxay tahay?

J -
Dhibaatada waxyaabaha ardayda Dugsiga heysta waxaa ka mid ah Shineemooyinka, Dugsiga Wuxuu u dhaxeeyaa laba Shineemo oo aad u xoog badan, canuga marka aad Dugsiga ka deyso, meeshii uu guriga ka aadi lahaa, Qur'aankii maanta uu qaatay iyo kii berri laga rabay dib ugu noqon lahaa wuxuu horay ka aadayaa Shineemada, xitaa haddii uu Kunka Shilin ee uu ku gelayo waxaa dhaceysa inuu inta Shineemada Irideeda fariisto baqbaqa ka fiiriyo, marka Shineemooyinka dhibaatooyinka na hayo noogu weyn ayay ka mid yihiin, waxaa sidoo kale dhibaato ah Dugsiga oo ku yaala waddo dhinaceeda, waxaana hadda kahor dhacday in Baabuur dardaray oo qeyb dhan ka dumiyay, Al-Xamdullilah ilmo markaa ma joogin, sidaas oo kale dhibka guud waxaa ka mid ah akhlaaq xumida oo faaftay oo waalidiinta qaar oo u jeedin xagga Qur'aanka, xagga tarbiyada oo aysan xooga saarin ee ay xooga saaraan wixii canuga afka gelin lahaa, iyaduna dhib bay nagu heysaa.

S -
Wuxuu Dugsigiina ka mid yahay Dugsiyada Qur'aanka ee Muqdisho ugu waaweyn, wax dhibaato weyn ah oo guud ahaan tacliinta ardayda Muqdisho ku hor gudban ma jiraan?

J -
Dhibaatada caamka ah ee jirta waxay tahay Qur'aanka horta ma laha Dowlad daryeesha, waxbarashada Adduunka Iskoolka iyo Jaamacadda waxay hoos tagaan Dowlado daryeela, Dugsiyada Qur'aanka ma laha Dowlad Islaami ah oo daryeesha, shacabkoodiina aan la barin ganacsatadooda, odayaashooda iyo Culumaa'udiinkooda inay Dugsiyada daryeelaan oo intay boosas u gadaan oo guryo fiican u dhisaan ubadka ka soo baxa Dugsiyadaas ay markaa Barnaamij ku xiga u sameeyaan ma aysan gaarin taas. Dhibaatada jirta marka waxay noqoneysaa ardayga marka uu Qur'aanka dhameeyo oo dugsiga ka baxo waxa uu arkayaa wiilkii ay isla koreen ee xaafadda la degenaa oo Shineemo u socda ama inta kabaha bac ku rito Banooni u socda ama Sigaar iyo Jaad cunaya, hadduu markaa heysanina wax daryeela oo waalidka meel kale u sii jiideynin wax Barnaamij kale ah u muuqan waxaa dhaceysa inuu ilmaha kale isaga daydo in badanna way dhacday, qofkii Alle ka badbaadiyay mooyaane.

S -
Dhallinyaro badan oo waxaa la arkaa Qur'aanka taqaan oo hadana ka mid ah maleeshiyooyinka dagaala, Dugsigaaga wax ka baxay oo kuwaas ku biiray ma jiraan?

J -
Runtii hadda ma xasuusto, way jiraan kuwo Dugsiga dhameystay oo Jaad iska cuna Sigaarna caba, Shineemooyinka iska gala, waxaa hadda kahor anigoo Balcad ka soo safraya baabuurna saaran aan isbaarada Balcad kula kulmay wiil dhallinyaro ah isagoo ii soo orday oo I salaamay, waan aqoonsaday inuu mar Dugsiga soo galay ilaa sanadna dhiganayay kaddibna ka baxay, kuwo noocaas ah waan arkay laakiin mid Qur'aanka bartay oo qori wata oo mooryaan ah weli ma arkin.

S -
Haween hooyooyin ah iyo rag waaweyn ma dhigtaan Dugsiga?

J -
Waa dhigtaan, laakiin Rag kuma jiraan, hooyooyinka ilmahooda Dugsiga dhigtaan waa ku jiraan, Gabdho aan hooyo gaarin waa ku jiraan, kuwo caruurta leh oo inta Qur'aanka bilaabay dhameeyayna waa jiraan.

S -
Ilmo Dugsiga marka la keeno lagu kari waayo oo waxbarashada ka taga maxaa taas keenaya?

J -
Waxaan isleeyahay waxaa kalifaya macallimiinta Dugsiyada laftooda oo kuwaa qaarkooda canaantooda aad u kulushahay, canuga marka canaanta laga badiyo in wixii dhammaa ay la kharaaraadaan ayaa suurtagal ah, in kuwa isaga la fac ah ay kula taliyaan inuu ka dhex baxo cadaadiskaa iyo waxa uu u arko gumeysi ayaa dhici kara, marka garaacista macallinka aadka u kulul qeyb buu ku leeyahay in canuga Dugsiga ka cararo. Waxaa kaloo la dhihi karaa waxaa fiican in la derso wax nashaad gelin kara ardayga si waxa uu baranayo ugu firfircoonaado, waxaa laga yaabaa in ardayga marka uu Dugsiga soo galo ilaa caawa inuu mashquul yahay, marka uu cuntada doonayo mooyee wakhti kale ma laha, markaa canuga waaga marka uu baryo ilaa caawa waxa uu ku jiraa ciriiri, macallinkii ushiisa uu ka cabsanayo, maskaxdiisii oo daashay iyo Dugsiyada oo aan lahayn xilli la xiro, sida Iskuulka oo kale, laakiin canuga hadduu heysto wakhti uu fiirsanayo oo uu nasanayo waxaa la arkaa inuu nashaad u yeesho waxbarashada. Dugsiyada Qur'aanka marka ma laha jadwalka noocaas ah, marka in laftooda dib loogu noqdo oo ardayda qaab nashaad gelin kara loo sameeyo waa loo baahan yahay.

S -
Maxay wax ku dhigtaan ardayda?

J -
Runtii anaga Dugsigeena Loox ayaan ku dhigan jirnay, Janaayadii la soo dhaafay ee sanadkan ayaan u bedelnay in Buug lagu dhigto, kii farta yaqaan, kuwa la far baryana in Sabuurada loogu dhigo.

S -
Bilaha waalidiinta lacagta ku bixiyaan ma Miilaadigaa mise waa Hijriyada?

J -
Bilaha aan wax ku qaadno waa Miilaadi, waxaana nagu kalifay waalidka qaar oo Miilaadiga ku xisaabtama oo qaar baa Dibadda wax looga soo diraa ama kuwo Hay'ado u shaqeeya ayaa jira, waxay goosteen waalidka in Miilaadiga ku bixiyaan lacagta.

S -
Ardayga meeqa ayaa laga qaadaa?

J -
Ardayda si siman ayaa lacagta looga qaadaa, haddii Alif ku jiro iyo hadduu Albaqro ku jira isku si' ayaa looga qaadaa, 50-Kun Sh.So. ayaana halkii canug bishii laga qaadaa.

Waxaa Wareystay: Faarax Cumar Nuur`
(Wariyaha gaarka ah ee Himilo u fadhiya Muqdisho)

 

copyright 2000 © Himilo Newspaper. All rights reserved. Contact