MACALLIN
DAAHIR: "Gabdhaha waa ka baarrisan yihiin wiilasha,
wayna ka ciyaar yar yihiin
"
June
4, 2003
Muqdisho
- Barashada iyo Xifdinta Qur'aanka Kariimka inta badan dhulka
Soomaalida waa mid muhiim ah, Qoysaskana waxay ku dadaalaaan
inay Caruurtooda Dugsiyada geeyaan xiliga hore ee da'da,
taas oo ujeedada tahay in Caruurta horeba u bartaan una
xifdiyaan Qur'aanka. Magaalooyinka marka la eego waxaa Xaafad
walba laga heli karaa Dugsi Caruur Qur'aanka ku baranayso,
kuwaas oo ay suurta gal tahay inay wax wayn kala fogayn.
Muqdisho Dugsiyadii looxa Qur'aanka lagu baran jirey waxaa
soo wahliyay iyadoo buug iyo qalin la adeegsado.waxaa kaloo
si baahsan u socda caruurta oo Qur'aanka Tajwiidka ku barata.
Sidey
hadaba dugsiyadaas uga socotaa barashada Qur'aanka kariimka,
maxaa culays ku ah habka wax barashada, arimahaas iyo kuw
kaleba waxaan waraysi dheer kala yeeshey Mucalim Daahir
caddow Clasow oo muddo 13 sano ka badan gacanta ku hayay
Dugsiga Salaaxudiin Al Ayuubi oo ku yaala Xaafadda Suuq
bacaad, degmada Yaaqshid Magaalada Muqdisho.
Waraysiga
waxa uu dhacay qaabkan:
S
- Mucalim Daahir waxaad noo sheegtaa goorta Dugsigan
la furay ?
J
- Bismilaah, Alxamdulilaah, Dugsigaan waxaa la asaasay
bilowgii 1990 kii iyadoo xaafadan uusan ka jirin Dugsi ilmaha
Qur'aanka lagu baro ama uusan ku badnayn. Waxaan dugsigan
kala wareegnay asagoo ood ah Mucalim xaafada ka guurayay,
oo aan siinay lacag yar waxa uu ka koobnaa wax 7 ilaa 8
mitir ah ilaa uu ka gaaro dhererkiisu 20 mitir balaciisana
8mitir.
S
- waxaad sheegtay in mucalimkii hayay aad ka iibiseen
ma dhulkaa ka iibiseen?
J - waxaan ka iibinay jiingaddii kor saarnayd iyo
ooda kaliya ayaan ka iibinay, ee booska jidka dhexdiisa
ayuu ahaa.
S - tirada ardayda aad ku bilowdeen intey dhamaayeen?
J - waxaa lagu bilaabay tira aad u yar oo labaatameeya
ah islamarkiiba ardada waa badatay waana la waasiciyay,xiligaas
wixii ka danbeeay waxaa dhacay dagaalkii Dawladii jirtay
lagu ridey.
J - intaan dawlada la ridin tirada ardayda intey
la ekeyd?
S - tirada ardayda ayagoo maraya 70 oo 40 gabdho
yihiin ayaa dagaalka dhacay, dagaalka markii laga soo laabtay
ardayda waxaan ku bilownay wax ka yar 10 arday,Asbuucii
ku xigay ardada waa soo badatay, hadana waxaa dhacay dagaaladii
googooska ahaa iyo kii afarta bilood ee USC-da, dhibaatooyinkaas
ayaa markaa dugsiga soo wajahay.
S - goormay waxbarashada dugsiga ugu fiicneyd ?
J - 92 dii wixii ka horeeyay marxalad dagaal ayaa
jirtay, dagaalkii afarta bilood markii laga soo laabtay
ayuu dugsigu si toos ah ah hawshiisa u bilaabay, markaas
ilaa hadda ayaana la dhihi karaa waxbarashada dugsiga waa
ugu wanaagsanayd.
S - waqtigii Maxkamadaha Islaamiga shaqaynayeen ma
waxay idiinku jirtaa
waqtiyada fiican?
J - runtii waqtigii Maxkamadaha Islaamiga shaqaynayeen
waxay noo ahayd markii noogu fiicnayd oo noogu nashaad badnayd,
dugsiguna waxa uu ka koobnaa qayb Caruur iyo qayb kale oo
Dumar ah, qaybta Caruurta waxay ka koobnayd 180 arday Dumarkana
waxay ka badnaayeen ila 250, habeenkii todobaatameeyo ayaa
dhiganaayay, subaxiina laba qayb ayay kala ahaayeen, qayb
80 iyo dhawr ka kooban iyo qayb 90 iyo dhawr ka kooban.
S - ardayda ilaa waqtigaas qur'aanka dhamaysay intey
gaarayaan?
J - ardayda ilaa markaas qalin jabisay waxay gaarayaan
111 arday oo qaar ka mid ah dugsiga ku dambeeyaan, badankoodana
magaalada kala galay wax Iskuul dhigta iyo wax duruusta
masaajidada ku taxan iyo wax dhoofay qaar fasahaadayna oo
mujtamacan kharibka ku jira ku saamoobay, laakiin Al-xamdullilah
waxay u badan yihiin kuwa iskuulka dhigta.
S - Kuwa seegseegay ee aan dhumiyay Qur'aanka maka
shallaay qabtaa?
J - Runtii taas qof kasta waa ka shallaay qabeysaa,
ileyn qofka marka uu beer tacbo wuxuu jecel yahay inaan
beerta ka bi'in, oo ka bukan oo Mirihii uu ku tacbay isagoo
fayow ka gurto, runtii ardayda juhdi ayaan ku bixinay, xoolana
kama qaadan jirin, xilliyadaas aan kuu sheegayna ardayda
rawaatib (Lacag) lagama qaadi jirin, rag iyaga is gartay
oo waalidiinta ah oo wax dhiibi jiray waa jireen, marka
aniga dacwa ahaan iyo inaan diinta u adeegno oo Alle agtiisa
imtixaanka uga fakano ayaan ugu talo galeynay, waxaana rabay
inay ardayda noqdaan dad Islaamiyiin ah oo u adeega Islaamka,
marka murug waa nagu heysaa ardaydii aan Qur'aanka barnay
isla markaana seegseegay Ilaaheyna waxaan uga baryeynaa
inuu soo hanuuniyo.
S - Maadaama aan wax kharash ah la weydiinin ma ku
filnaan kartaa Dugsiga dayactirkiisa iyo nadaafadiisaba
waxyaabaha dadka mutadawaciinta ahi bixiyaan?
J - Dugsiga marka la ballaarinayo oo dhisme u baahan
yahay dadka waalidiinta ah ayaa badanaa lacagta bixiya iyaga
ayaa loo qeyliyaa, mida macallinka ku saabsan runtii haddii
macallinka meel ku tiirsaneyn inuu ilmaha Qur'aanka sii
baro waa culus tahay, waxaana imaaneysa inuu iska daneysto
arrintaasna waan dareenay, waxaana ka dhignay in rawaatib
ardayda laga qaado, haduu Macallinka meel ku tiirsan yahay
wax badan buu soo saari karaa.
S - Intee bay dhan yihiin macallimiinta gacan yarayaasha
ah ee Dugsigaada jooga?
J - Waxay dhan yihiin saddex macallin iyagaana waxbarashada
toos u wada, aniga kor ayaan ka maamulaa waana qeybta ilmaha
yar yar, qeybta Haweenka waxaa jooga laba macallin oo subaxdii
iyo habeenkii kala jooga, marka dhammaan tiradooda waxay
isku tahay shan macallin.
S - Macallimiinta wax Gabdho ah ma ku jiraan?
J - Maya, kuma jiraan.
S - Dugsiga tirada haatan dhigata meeqa ayaa Gabdho
ah meeqa ayaase wiilal ah?
J- Guud ahaan waa Boqol Arday, lixdan ka mid ah waa
Gabdho, inta kalena waa wiilal.
S - Maxaa keenay ayaad isleedahay in Gabdhuhu bataan?
J - Runtii waxaa keenaya Gabdhaha waa baarrisan yihiin
wiilasha, wayna ka ciyaar yar yihiin, waana ka akhlaaq fiican
yihiin, gabadha marka ay waxbarasho jirin oo ay fasax ka
tahay Duigsiga ama Iskoolka badanaa waxay mashquul ku tahay
adeegga guriga, inay hooyadeed u adeegto, laakiin wiilka
marka uu waxbarashada ka maqan yahay waxa uu ku mashquulaa
inuu ciyaaro, marka Gabdhaha waa ka firfircoon yihiin wiilashada,
dhinaca waxbarashada, aadna waa u fahmo badan yihiin, waalidka
marka loo fiiriyana waa uga baarrisan yihiin wiilasha.
S - Tirada Gabdhaha Qur'aanka dhameysay meeqa ayay dhan
yihiin ilaa hadda?
J - 80% inta Qur'aanka dhameysay waa Gabdho.
S - Waalidiinta macaamilkiina siduu isku yahay?
J - Waalidka macaamilka aan la leenahay waa kala duwan
yahay, arrin dhaqan ah ayaa jirta oo aad macallimiinta u
dhibsadeen, ardayga marka laguu keenayo waxaa keenaya Hooyada,
aabaha isma arkeysiin, waxaa jira ilmo Dugsiga la keenay
oo Qur'aanka dhameeyay isla markaasna aan hooyada mooyee
aabaha la arkin, marka Hooyada ayaa ilmaha Dugsiga keenta,
dabeecadoodana waa iska fududahay oo haddii ardayga macallinka
is qabtaan oo ardayga la canaanto waxaa dhaceysa in hooyooyinka
qaar aad u kululaadaan, inkastoo ay qaar badan taas ka fiican
yihiin, waxaa marka dhaceysa in macallinkii iyo hooyadii
isku dhacaan, waxaa meesha ka dhaceysa in canugii Dugsiga
laga bixiyo oo Dugsi kale la geeyo, hadana macallinkii loo
geeyay isku dhacaan, hadana laga bixiyo, canuga markaa uu
qaangaaro isagoon Qur'aanka dhameyn, markaasna uu ka hoos
baxo canaantii waalidka iyo tii macallinka, halkaasna uu
ku seeg seego, marka waalid aad u dhib badan waa jiraan,
kuwo baarri ahna waa jiraan.
S - Dhibaatadaas ma mid badan baa?
J - Dhibaatadaas waa mid caam ah oo magaalada ka
jirta, ardayda badanaa naloo keeno arday aan Alifka u bilowneen
waa yar yahay 20% ayaa la dhihi karaa wax Alif aan u bilowneen,
sideetanka kale waa wax inta Dugsi kale laga soo bixiyay
laguu keenayo, haddii laguu keeno arday Qur'aanka horay
loogu soo bilaabay waxaa kugu adkaaneysa inaad fahamsiiso
iyo inaad ku aadiso jidkii aad ugu talo gashay, waana arrin
barashada Qur'aanka ardayda aad u dhibaateyneysa.
S- Dugsiga hadda waxa uu ku yaalaa waddo dhinaceeda, dadka
degaanka ee ilmaha Dugsiga u dhigtaan kuwa lacagta ma ku
boorisaan in Dugsiga dhul loo gado qaabkaana laga bedelo?
J - Runtii waa jiraan rag aan ku soo qaadnay oo ganacsasatada
xaafadda ka mid ah, oo waalidiinta ka mid ah oo in Dugsiga
boos loo raadiyo, ilmahaba degaan waa loo gadaaye, laakiin
ilaa hadda kuma guuleysan. Waa fiican tahay waana dadaaleynaa
wax aan ahayn kama heyno, inay rabaan afka waa nooga sheegeen,
laakiin wax ficil ah oo ay sameeyeen ma jirto.
S - Dhibaatada gaar ahaaneed ee Dugsiga heysata maxay
tahay?
J - Dhibaatada waxyaabaha ardayda Dugsiga heysta waxaa
ka mid ah Shineemooyinka, Dugsiga Wuxuu u dhaxeeyaa laba
Shineemo oo aad u xoog badan, canuga marka aad Dugsiga ka
deyso, meeshii uu guriga ka aadi lahaa, Qur'aankii maanta
uu qaatay iyo kii berri laga rabay dib ugu noqon lahaa wuxuu
horay ka aadayaa Shineemada, xitaa haddii uu Kunka Shilin
ee uu ku gelayo waxaa dhaceysa inuu inta Shineemada Irideeda
fariisto baqbaqa ka fiiriyo, marka Shineemooyinka dhibaatooyinka
na hayo noogu weyn ayay ka mid yihiin, waxaa sidoo kale
dhibaato ah Dugsiga oo ku yaala waddo dhinaceeda, waxaana
hadda kahor dhacday in Baabuur dardaray oo qeyb dhan ka
dumiyay, Al-Xamdullilah ilmo markaa ma joogin, sidaas oo
kale dhibka guud waxaa ka mid ah akhlaaq xumida oo faaftay
oo waalidiinta qaar oo u jeedin xagga Qur'aanka, xagga tarbiyada
oo aysan xooga saarin ee ay xooga saaraan wixii canuga afka
gelin lahaa, iyaduna dhib bay nagu heysaa.
S - Wuxuu Dugsigiina ka mid yahay Dugsiyada Qur'aanka
ee Muqdisho ugu waaweyn, wax dhibaato weyn ah oo guud ahaan
tacliinta ardayda Muqdisho ku hor gudban ma jiraan?
J - Dhibaatada caamka ah ee jirta waxay tahay Qur'aanka
horta ma laha Dowlad daryeesha, waxbarashada Adduunka Iskoolka
iyo Jaamacadda waxay hoos tagaan Dowlado daryeela, Dugsiyada
Qur'aanka ma laha Dowlad Islaami ah oo daryeesha, shacabkoodiina
aan la barin ganacsatadooda, odayaashooda iyo Culumaa'udiinkooda
inay Dugsiyada daryeelaan oo intay boosas u gadaan oo guryo
fiican u dhisaan ubadka ka soo baxa Dugsiyadaas ay markaa
Barnaamij ku xiga u sameeyaan ma aysan gaarin taas. Dhibaatada
jirta marka waxay noqoneysaa ardayga marka uu Qur'aanka
dhameeyo oo dugsiga ka baxo waxa uu arkayaa wiilkii ay isla
koreen ee xaafadda la degenaa oo Shineemo u socda ama inta
kabaha bac ku rito Banooni u socda ama Sigaar iyo Jaad cunaya,
hadduu markaa heysanina wax daryeela oo waalidka meel kale
u sii jiideynin wax Barnaamij kale ah u muuqan waxaa dhaceysa
inuu ilmaha kale isaga daydo in badanna way dhacday, qofkii
Alle ka badbaadiyay mooyaane.
S - Dhallinyaro badan oo waxaa la arkaa Qur'aanka taqaan
oo hadana ka mid ah maleeshiyooyinka dagaala, Dugsigaaga
wax ka baxay oo kuwaas ku biiray ma jiraan?
J - Runtii hadda ma xasuusto, way jiraan kuwo Dugsiga
dhameystay oo Jaad iska cuna Sigaarna caba, Shineemooyinka
iska gala, waxaa hadda kahor anigoo Balcad ka soo safraya
baabuurna saaran aan isbaarada Balcad kula kulmay wiil dhallinyaro
ah isagoo ii soo orday oo I salaamay, waan aqoonsaday inuu
mar Dugsiga soo galay ilaa sanadna dhiganayay kaddibna ka
baxay, kuwo noocaas ah waan arkay laakiin mid Qur'aanka
bartay oo qori wata oo mooryaan ah weli ma arkin.
S - Haween hooyooyin ah iyo rag waaweyn ma dhigtaan
Dugsiga?
J - Waa dhigtaan, laakiin Rag kuma jiraan, hooyooyinka
ilmahooda Dugsiga dhigtaan waa ku jiraan, Gabdho aan hooyo
gaarin waa ku jiraan, kuwo caruurta leh oo inta Qur'aanka
bilaabay dhameeyayna waa jiraan.
S - Ilmo Dugsiga marka la keeno lagu kari waayo oo waxbarashada
ka taga maxaa taas keenaya?
J - Waxaan isleeyahay waxaa kalifaya macallimiinta Dugsiyada
laftooda oo kuwaa qaarkooda canaantooda aad u kulushahay,
canuga marka canaanta laga badiyo in wixii dhammaa ay la
kharaaraadaan ayaa suurtagal ah, in kuwa isaga la fac ah
ay kula taliyaan inuu ka dhex baxo cadaadiskaa iyo waxa
uu u arko gumeysi ayaa dhici kara, marka garaacista macallinka
aadka u kulul qeyb buu ku leeyahay in canuga Dugsiga ka
cararo. Waxaa kaloo la dhihi karaa waxaa fiican in la derso
wax nashaad gelin kara ardayga si waxa uu baranayo ugu firfircoonaado,
waxaa laga yaabaa in ardayga marka uu Dugsiga soo galo ilaa
caawa inuu mashquul yahay, marka uu cuntada doonayo mooyee
wakhti kale ma laha, markaa canuga waaga marka uu baryo
ilaa caawa waxa uu ku jiraa ciriiri, macallinkii ushiisa
uu ka cabsanayo, maskaxdiisii oo daashay iyo Dugsiyada oo
aan lahayn xilli la xiro, sida Iskuulka oo kale, laakiin
canuga hadduu heysto wakhti uu fiirsanayo oo uu nasanayo
waxaa la arkaa inuu nashaad u yeesho waxbarashada. Dugsiyada
Qur'aanka marka ma laha jadwalka noocaas ah, marka in laftooda
dib loogu noqdo oo ardayda qaab nashaad gelin kara loo sameeyo
waa loo baahan yahay.
S - Maxay wax ku dhigtaan ardayda?
J - Runtii anaga Dugsigeena Loox ayaan ku dhigan jirnay,
Janaayadii la soo dhaafay ee sanadkan ayaan u bedelnay in
Buug lagu dhigto, kii farta yaqaan, kuwa la far baryana
in Sabuurada loogu dhigo.
S - Bilaha waalidiinta lacagta ku bixiyaan ma Miilaadigaa
mise waa Hijriyada?
J - Bilaha aan wax ku qaadno waa Miilaadi, waxaana nagu
kalifay waalidka qaar oo Miilaadiga ku xisaabtama oo qaar
baa Dibadda wax looga soo diraa ama kuwo Hay'ado u shaqeeya
ayaa jira, waxay goosteen waalidka in Miilaadiga ku bixiyaan
lacagta.
S - Ardayga meeqa ayaa laga qaadaa?
J - Ardayda si siman ayaa lacagta looga qaadaa, haddii
Alif ku jiro iyo hadduu Albaqro ku jira isku si' ayaa looga
qaadaa, 50-Kun Sh.So. ayaana halkii canug bishii laga qaadaa.
Waxaa
Wareystay: Faarax Cumar Nuur`
(Wariyaha
gaarka ah ee Himilo u fadhiya Muqdisho)
|