Taariikh Nololeedkii
Sheekh Maxamed Macallin
Maxamed
Xaaji Cabdullaahi "Ingiriis"
Muqdisho, Soomaaliya
Waxaa
dhawaan ku geeriyooday dalka Talyaaniga Sheekh Maxamed Macallin
Xasan oo ahaa aabbihii baraarugga islaamdoonka Soomaaliyeed.
Sheekh Maxamed Macallin waxaa lagu aasay magaalada Muqdisho,
waxaana aaskiisa iskugu yimid kumanaan-kun oo qof oo iskugu
jira culumada, ducaadda iyo dadweynaha ku nool Xamar. Bogga
Islaamka ee tirsigan waxaan ku soo qaadanaynaa taariikh
nololeedkii Sheekh Maxamed Macallin Xasan.
Sheekh
Maxamed Macallin wuxuu ku dhashay sannadkii 1934-kii baadiyaha
magaalada Buur Hakaba. Wuxuu Quraanka ku bartay isla
goobtaas. Sagaal jir markuu ahaa ayuu Quraanka dhammeeyey,
kaddib wuxuu billaabay inuu u safro dhanka galbeed iyo magaalada
Harar, halkaas oo 20 sano ku dhowaad uu culuunta kala duwan
ee Islaamka ku baranayay.
Kadib
wuxuu u soo wareegay Sheekhu gobollada Waqooyi ee Soomaaliya,
halkaas oo markii ugu horreysay Masjidka Jaamaca ah ee weyn
ee magaalada Hargeysa uu ka billaabay tafsiirka Quraanka
kariimka ah sannadkii 1952-kii. Muddo yar kadib wuxuu Shiikhu
u safray dalka Masar halkaas oo waxbarashadiisa markii la
qiimeeyey loo oggolaaday fasalka ugu dambeeya ee dugsiga
sare ee Macaahidda Al-Azhar. Sannad kaddib wuxuu ku biiray
Jaamacadda Al-Azhar, gaar ahaan. Kuliyadda Usuulu-Diin,
qeybta caqiidada iyo falsafadda. Halkaasna wuxuu ka qaatay
Shahaadada (M. A.) Mastrate. Dabadeed, wuxuu u gudbay darajada
Diktorate PhD. Sheekh Maxamed wuxuu cilmibaarista ugu danbaysay
ka qorayey Iimaanka iyo raadka uu ku leeyahay qofka iyo
bulshada. Sheekhu isagoo aan dhamayn ayuu ku noqday Soomaaliya
sanadkii 1968.
Intii
uu Qaahira joogay Sheekh Maxamed wuxuu ahaa madaxa ardayda
Soomaaliyeed ee halkaa ku noolayd. Febraayo 1968-dii ayuu
Sheekh Maxamed Macallin Allaha u naxariistee ku soo laabtay
dalka. Febraury illaa bishii September sanadkii 1968 wuxuu
Shiikhu sameeyey daraasad la xiriirta xaaladda diineed ee
dalka Soomaaliya ee uu xilligaas ku jiray dalku.
Waxaa
u soo baxday inay aad ugu baahan yihiin bulshada Soomaaliyeed
baridda iyo baraarujinta diinta Islaamka, waana midda keentay
inuu September dabayaaqadeedii isla sanadkaa tafsiir ka
billaabo masjidka weyn ee maqaamka Sheekh C/qaadir. Taariikhdan
gaaban waxaan ka soo xigtay Sheekh Axmed Cabdi Dhicisoow
oo ka mid ahaa raggii ay Shiikha aadka isugu dhowaayeen.
Sidoo
kale, isagoo ka warramaya wixii kala qabsaday Sheekh Maxamed
iyo dowladdii milateriga ayuu yiri Sheekh Axmed, sannad
kaddib, markii xukuumaddii milateriga ay dalka ka dhalatay,
baraarugga Islaamkana uu si wanaagsan uga socdo magaalada
Muqdisho, wuxuu isku dayey maamulkii milateriga ahaa inuu
Shiikha ka joojiyo Tafsiirka. Balse, Shiikhu wuu diiday,
walow loo magacaabay Agaasimaha arrimaha diinta si uu isaga
dhaafo tafsiirka. Sheekhu taa wuu ka dhega adaygay, wuxuuna
si dardar ah u watay tafsiirkiisii oo ay u wehliyeen muxaadarooyin
diini ah. Sheekh Axmed oo weli ka sii hadlaya arrintaas
waxa uu yirii Maamulkii milateriga ahaa wuxuu kaloo isku
dayey inuu Shiikha u magacaabo safiir si uu dibadda isaga
dheereeyo balse Shiikhu taasna wuu diiday, waxayna keentay
inuu ka mid noqdo 54-kii qofood ee shaqaalihii ugu horreeyey
ee loo bixiyey liiskii madoobaa ee laga eryey dowladda,
wuxuuna ahaa qofkii afraad ee liiskaas ku qornaa.
Arrintaasi
uu ku dhaqaaqay maamulkii Maxamed Siyaad Barre waxba kama
beddelin Sheekh Maxamed Macallin, sida uu noo sheegayo Sheekh
Axmed Cabdi Dhicisow, maadaama uu lahaa dad fara badan oo
aad u jeclaa noloshiisa wax ciriiri ah ma aysan gelin. Wuxuu
sii watay Tafsiirkiisii. Dowladdii Barre ayaa xirtay sannadkii
1976-kii illaa 1982-kii isagoo ku xirnaa xabsigii Labaatan
Jirow oo dhib badan loogu geystay. Markii la soo daayey
ayuu dib u billaabay Tafsiirkiisii.
August
1984-kii ayaa mar kale amar lagu soo rogay inuu joojiyo
tafsiirka, balse wuu diiday, taasina waxa ay keentay in
mar kale la xiro xabsigana lagu jirdilo. Dhacdadaaas waxa
ay keentay in dowlado badan oo Carbeed iyo dowlado magac
ku leh dunida ay Shiikha u soo jeediyaan inuu dalka isaga
soo baxo, noloshiisana ay kafaalo qaadayaan. Sheekh Maxamed
Macallin ma uusan yeelin, wuxuuna ku adkeystay inuu dadkiisa
diinta ku baraarujin doono oo dadkiisu ay u baahan yihiin.
Sheekh
Maxamed Macallin Xasan ayaa cajal laga duubay, waxa uu ku
sheegay in waxyaabihii ugu darnaa ee noloshiisa soo mara
ay ahayd xariggii xabsigii Labaatan Jirow oo lagu gaarsiiyey
rafaad iyo cadaab, nimankii askarta ahaa ee aan u xirnaa
waxa ay sameynayeen wax kasta oo aniga i dhibaya ayuu yiri
mar sii horreysay Sheekh Maxamed Macallin.
Xilli
adag ayay ahayd xilligii uu xabsiga ku jiray Sheekhu. Waxaa
magaalada Muqdisho ka furnaa 13 Orientation (goobaha hanuuninta
dadka) oo Shuuciyadda dadka lagu hanuuniyo, taasina dadka
waxay ugu yeereysay in uusan Ilaahay jirin oo dabeecaddu
ay wax kasta iyadu maamuleyso. Sida Shiikhu uu sheegay waxaa
jiray dad badan oo arrintaa ciidan u noqday. Waxaa Shiikhu
dadka uga digi jiray intii aan la xirin shuuciyadda, isagoo
aan waxba ka sheegi jirin dowladda. Waxaa dhacday in dadweynhii
Soomaaliyeed, ha ahaado dadkii shaqaalaha, ama ganacsatada
ama arday ama boolis ama ciidan kale inay ku soo xirmaan
tafsiirkii Sheekh Maxamed. Halka ay goobihii Kacaanku ay
dadka ku xareysan jireen ay dadkii ku yaraadeen Markaas
ayaa la xiray Sheekh Maxamed Macallin.
Sida
Sheekh Maxamed Macallin uu sheegay, waxaa u tagay maamulkii
Kacaanka odoyaal, waxayna yiraahdeen shiikha haddii aad
dambi ku haysataan noo sheeg, haddii kale annagaa damaaano
qaadayna ee noo soo daaya. Markaas Maxamed Siyaad Barre
waxaa la sheegaa inuu yiri ninkaan (Sheekha) dambi ma laha.
Waa nin waddani ah oo toosan, laakiin asna Orientation buu
furtay, annaguna 13 Orientation ayaan furannay. Isagii baa
dadkii naga leexsaday kolka waan ka xoog badannahay, waana
iska xareynay
Sheekhu
wuxuu xabsiyadii dowladdii milatirga ku jiray muddo 11 sano
iyo dheeraad ah. Waxa uu sheegay mar uu arrintaasi hadda
ka hor ka hadlay Sheekhu inaanu is lahayn si ammaan ah ama
adigoo nabad ah ayaad ka soo bixi doontaa xabsigii Labaatan
Jirow. Markii uu xabsiga ka soo baxay waa uu xanuunsaday,
kaddibna dibadda ayuu aaday. Qalliin ayaa lagu sameeyey,
waana uu ku ladnaaday. Waxa uu dib ugu noqday casharkii,
markuu sagaal cashar galay ayaa xabsiga lagu celiyey. Waxaa
la moodayey in dadkii casharkiisa ku xirnaayeen ay is illoobeen,
dadkiina waa ay ka soo dareen. Muddadaas dheer ee uu xirnaa,
wax is beddel ah noloshiisa kuma imaan Sheekh Maxamed.
Sheekh
Axmed Cabdi oo mar kale ka hadlaya sannadihii ugu dambeeyey
ee Shiikha waxa uu yiri wuxuu ka mid ahaa shiikhu aasaasayaashii
Kulanka Culumada Soomaaliyeed. Wuxuu ahaa Guddoomiyihii
ugu horreeyey ee Kulankaas. Dagaalladii sokeeye kaddib wuxuu
Tafsiirka ka billaabay masaajidka Isbahaysiga. Shiikhu wuxuu
ahaa qof iimaankiisu sarreeyo, noloshiisa oo dhanna diinta
ku kooban tahay, dadkana ay isugu mid yihiin. Aad ayuu u
naxariis badnaa. Waxaan oran karaa wuxuu ahaa aabbaha baraarugga
islaamdoonka Soomaaliyeed. Wuxuu ahaa nin saqi ah oo gacan
furan. Hoggaamiye mujaahid ah, ummaddaana sheegi doonta
waxtarkiisa. Qiyaastiisa oo idil waxay ku saleysnayd Islaamka.
Ayuu yiri Sheekh Axmed Dhicisow.
Geeridiisa
qof kasta ayaa ka naxay oo Soomaaliyeed. Waxa uu ku tiraabay
Sheekh Axmed inay jeclaan lahaayeen inuu maanta la joogo,
waxaa naga geeriyooday caalim Islaami ah, oo sida kaalintiisa
lagu buuxiyaa ay adag tahay ayuu yiri Sheekh Axmed
Cabdi Dhicisow.
Sheekh
Cumar Faaruuq oo la hadlayey idaacadda BBC-da, waxa uu ku
tilmaamay Sheekh Maxamed Macallin inuu ahaa caalim aqoon
qoto dheer u leh diinta Islaamka. Sidoo kale, Sheekh Cumar
Faaruuq wuxuu sheegey in inta badan dadka maanta ku hawlan
fidinta diinta Islaamku ay wax ka soo barteen Sheekha.
Shariif
Cabdi Nuur oo ah nin caalim ah oo caan ka ah dalka Soomaaliya
iyo dalalka Islaamkaba ayaa tibaaxay inuu ahaa Sheekh Maxamed
Macallin nin furfuran oo faham badan. Isagoo u warramayey
Laanta Afka-Soomaaliga ee BBC-da ayaa Shariif Cabdi Nuur,
waxa uu yiri Sheekh Maxamed waxaan ku tilmaamayaa nin deggan
oo aamus badan oo Quraan akhris badan oo laqwiga neceb.
Waxa uu sheegay Shariifku inuu ahaa Sheekh Maxamed nin furfuran
oo kaftan badan, aniga iyo asaga waan isla kaftami
jirnay kolkii uu ii yeerayo wuxuu iigu yeeri jiray Awkeey
Shariif, anigana waxaan dhihi jiray Shiikh Nawaaq.
Sheekh
Maxamed waxaa lagu yaqaannay dadka uu ka weyn yahay inuu
u adeego, xataa sida la ii sheegay shilka uu Shiikhu ku
galay Sacuudiga waxay ahayd inuu u adeegay nin ay ku wada
noolaayeen hal meel uu wax uga doonay dukaan. Dabadeed,
asagoo jidka goynaya ayaa waxaa ku yimid gaari ordaya. Arrintaasi
waa mid aan shaki lahayn oo lagu yiqiinnay shiikha. Tawaaduc
iyo u jajabni dad u adeegidiisa mid lagu yaqaannay oo caam
ah bay ahayd, Allaha u naxariisto ayuu yiri Shariif
Cabdi Nuur.
Sheekh
Cabdiqani Sheekh Axmed oo mar noqday Wasiirka Caddaaladda
iyo Arrimaha Diinta, xabsigana ay iskula jireen Sheekha
ayaa ka sheekeeyey noloshii dheereyd ee xabsigii Labaatan
Jirow. Dhaawac weyn bay ku tahay geerida Sheekh Maxamed
Macallin dacwadda Islaamka, gaar ahaan dhulka Soomaalida
ayuu yiri Sheekh Cabdiqani oo hadda ka tirsan xarunta cilmi
baarista Fiqhiga ee dalka Kuwait.
Sheekh
Maxamed Macallin, 30-kii sano ee aan soo dhaafnay dacwadda
Islaamka intii uu ka geystay iyo intuu ka qaatay ma jiro
ruux ka qaatay. Maxamed Macallin Allaha u naxariisto, geeridu
xaq weeye laakiin aad iyo aad baan uga murugsannahay. Waxay
ahayd waqti loo baahnaa dacwaddii uu Sheekh Maxamed waday
iyo dhallinyaradii uu tacliiminayey, qaasatan tafsiirka
Quraanka uu ku tarbiyadeyn jiray ayuu yiri Sheekh
Cabdiqani.
Sheekh
Cabdilqani isagoo ka hadlaya waxbarashadii Sheekha waxaana
uu yiri Sheekh Maxamed markii uu tagay Jaamacadda raggii
Soomaaliya ka yimid imtixaan ayaa laga qaadi jiray. Ninkii
Sheekh Maxamed imtixaanka ka qaadayey inta uu istaagay ayuu
madaxa ka dhunkaday. Sheekh Maxamed asagoo caalim ah buu
tagay dalka Masar. Nin aad u fahmo badan ayuu ahaa. Xaafid
Quraan ayuu ahaa, waxaana leeyahay maanta geeridiisu
waxay nagu tahay khasaaro. Waa waqti aan u baahannahay oo
dacwadda Islaamka Soomaalida looga baahan yahay.
Sheek
Maxamed Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa culumadii ka soo qeyb-gashay
aaska Sheekha ayaa isaguna ka hadlay, wuxuuna yiri, Sheekh
Maxamed waxa uu ahaa ahammu-shaqsiya diiniya oo ku suga
Soomaaliya. Hadda oo uu dhintayna ma lihi arrintaas ee waxaan
qoray sanadkii 1982, mar ay I soo weydiiyeen Raabidadu.
Waxaana marqaati ka ah sida ay maanta shacabka Soomaaliyeed
u aaseen.
Mar
ay odoyaal ka tirsan deegaanka Bay iyo Bakool wax ka weydiiyeen
xabsigii labaatan jirow iyadoo laga furayo halkaas maxkamado
Islaami ah, Sheekh Maxamed Macallin waxa uu sheegey, inuu
xilligaasi ahaa xilligii ugu adkaa noloshiisa. Waxay odoyaashaasi
ugu tageen hoteelkii uu deggenaa, waxaana ay ku yiraahdeen
Sheekhow waxaan ka mid ahayn ardaydaadii Tafsiirka kaa baran
jirtay. Xabsigii Labaatan Jirow markii aad ku jirtay xaaladdaada
waan la soconnay ee waxaan ku suaaleynaa sidee ayaad
u kala garan jirtay sannadka, maalmaha, usbuuca iyo bishaba?.
Waxa
uu suaashaasi uga jawaabay Sheekh Maxamed Macallin
waxaan ahaa xaafid Quraan. Usbuuca waxaan ula socday
toddobada jallaad ayaan maalin walba jallaad ka aqrin jiray.
Bishana waxaan ula socday maalin walba jus ayaan akhrin
jiray. Sannadkana, cilmiga xiddigaha ayaan wax ka aqiinnay,
waxaana xiddigaha iyo qorraxdaba kala socday duleel yar
oo ku yaallay saqafka kore ee qolka. Muddo kaddib duleelkii
yaraa ayaa geed ka soo dul baxay oo iga qariyey xiddigaha
sidii aan u arki lahaa. Madaxa askarta xabsiga ayaa la ii
geyn jiray maalmo kaddib si la ii wareysto xaaladdeyda.
Waxaan u sheegay in meel duleel ah oo ay qorraxdu ka soo
gasho ay dhib igu hayn jirtay, Ilaahay baa meeshii qorraxdu
ka soo galaysay ka soo bixiyey geed oo qaraxdii aan ka reystay.
Kolkaa aniga waxaan rabaa si geedka loo gooyo, isla markiiba
way gooyeen, waana sidii aan rabay ayuu yiri Sheekhu.
Mar
uu ka hadlayey wixii ugu yaab badnaa ee uu kala kulmay xabsigaas,
waxa uu yiri waxaa iigu yaab badnaa inay anigu caado ii
ahayd inaan salaad walba aadaamo, waxayna igu yiraahdeen
askartu waa inaad joojisaa aadaanka. Waxaan
iri xabsiyada dalka oo dhan waa laga aadaamaa ee maxaa keligey
la iga rabaa, waxayna yiraahdeen waa amar jooji,
anigana ma aanan joojin oo sidii ayaan u watay aadaankii
kaddibna qolkii dhexdiisii ayay igu xir xireen (miig). Isma
lahayn adoo nool ayaad ka baxaysaa ayuu yiri Sheekh Maxamed
Macallin. Sidii anigoo u rafaadsan ayaa la iga soo beddelay
Labaatan Jirow oo waxaa la i soo beddelay Xabsiga Dhexe,
waxaana la igu xiray qol ciriiri ah oo Shimbiroole la yiraahdo,
magacaasna waxaa loogu bixiyey waxaa ka buuxay dhilqo fara
badan oo sidii shimbiraha oo kale kugu soo dagaya. Kaddib
askartii gudaha ee xabsiga ayaa goaansatay inay wax
ii qabtaan. Qolkii ayay iga soo bixiyeen, kaddibna inta
ay dhaqeen oo ay mariyeen rinji kaddibna ay ku xireen nal
ayay igu yiraahdeen Shiikhow naga raalli ahaaw,
markaas kaddibna waxay noqotay in qolkii ay ku soo bixiyaan
maxaabiista kale laaluush si ay u soo galaan ayuu yiri Sheekh
Maxamed Macallin Xasan.
Dhallinyarada
baraarugga Islaamka ee Muqdisho ayaa ka sameeyey Sheekh
Maxamed Macalliin qoraallo badan oo taariikhdiisa ku saabsan,
waxaana ay ka sheekeeyeen bilowgiisii geeddi socodka iyo
markii uu billaabay inuu raadiyo cilmiga diinta. Waxaa qoraalladaasi
ku jira in markii Shiikhu yaraa ee uu geeriyooda aabbihiis
Macallin Xasan, ay isku qabsadeen adeeradiis iyo abtiyaashiis.
Waxaa dhex galay isticmaarkii waagaa joogay oo labada dhinac
laba gees kala istaajiyey, dabadeedna amray in Sheekha oo
yar la istaajiyo dhexdooda, kaddibna halka uu raaco ay qaadanayaan.
Dabadeed wuxuu shiikhu raacay abtiyaashiis, sida uu sheegayo
mid ka mid ah dhallinyaradii Shiikha haysay taariikhdiisa.
Abtigii
ayaa inta uu u dhiibay kitaab safiino ah safar ku soo daray
si uu kitaab ugu aqristo Baydhabo. Beydhabadii kuma uusan
nagaanin Shiikhu oo asagoo meel fadhiya oo nin Imaam uu
tujiyey is leh kitaabka ha kuu akhriyo ayaa nin kale soo
ag fariistay oo yiri kaalay anigaa kuu akhrinaayo
oo galbeed baan ku geynayaa. Ninkii buu iska soo raacay.
Wuxuu yimid Jigjiga iyo agagaarkeeda. Sheekh la yiraahdo
Sheekh Maxamed C/llaahi oo dugsi meesha ku haya ayuu arkay.
Habeen bey la hoydeen asaga iyo dad kale. Sheekhuna wuxuu
ku haray halkaas oo uu ka bilaabay kitaabkii ugu horreeyey
Safiinaha ah oo muqtasir ah.
Dugsigii
markii dambe Sheekh Maxamed Macallin Xasan ayaa la wareegay.
Macallin dugsi ayuu noqday oo la yaqaan oo ay ku soo dagaan
xerta iyo Shiikhoodaba. Waxaa meesha ugu yimid nin Sheekh
ah oo la yiraahdo Xaaji Cali oo ka yimid Sacuudiga magaalada
Maka, wuxuuna dugsi ku qabtay magaalada Dirirdhabe oo aad
looga aflaxay. Sheekhu wuxuu markaas aqristay kutubta naxwaha
iyo fiqiga intooda hoose, wuxuuna ka raacday cilmi badan
ayay ku qoreen majalad ka hadlaysa taariikhda Sheekha. Sidoo
kale, Sheekhu wuxuu arday u noqday culimo waaweyn oo ay
ka mid yihiin Sheekh Cali Jowhar iyo Sheekh Buraawi.
Sheekhu,
markii uu ka tagay gobolka Soomaali Galbeed waa uu lugeeyey,
waxaana uu maray dalalka Itoobiya, Ereteriya, Suudaan illaa
uu ka gaaray dalka Masar dabayaaqadi sannadkii 1958-kii.
Inta uusan ka tegin gobolka Soomaali Galbeed waxa uu ka
yimid magaalada Hargeysa oo uu ka soo baxay, waxa uu maray
Jigjiga iyo magaalooyin kale oo bariga dalka Itoobiya ah.
Intii uu joogay Masar Sheekhu wuxuu arday u noqday Sheekhul-Azharkii
xilligaas, Sheekh Cabdulxaliim Maxmuud. Sheekh Cabdulxaliim
Maxmuud ayaa u ahaa ninka la talinayey markii uu diyaarinayey
PhD-da.
Sheekh
Maxamed Macallin Xasan, waxa uu dalka Masar wax ka baranayey
markii ay sida adag isugu hayeen dalkaas xarakada Al-Ikhwaanul
Muslimiinka iyo dowladda, dabayaaqadii sannadkii 1950-kii
iyo bartamihii 60-kii. Waxay ahayd waqti ay isku herdiyayaan
xarakooyin fara badan oo dhanka saaxada fikriga iyo siyaasadda.
Xarakada walaalaha Muslimiinta ayaa aad u shaac baxday.
Sheekha waxaa raad ku yeeshay afkaarta raggii hormoodka
ka ahaa oo u akhriyey kutubadooda. Waxaa ka mid ahaa culumadaas
Al-Imaam Shahiid Xasan Al-Banaa, Shahiid Sayid Qudub, Hudeybi.
Markii Sayid Qudub la daldaleyey, Shiikhu waxa uu joogay
Qaahira, wuxuuna u sheegay BBC-da inuu runtii aad ugu saamoobay
arrintaas, aadna uga xumaaday.
Sheekh
Maxamed Macallin waxa uu ku lahaa magac weyn iyo taariikh
dheer Soomaaliyaa. Waxa uu ahaa caalim laga tixgeliyo dhulalka
Muslimiinta. Dacwadii Sheekh Maxamed Macallin Ilaahay waa
barakeeyey, waxayna aqbalaadda in badan oo ka mid ah dadweynaha
iyo culumada Soomaaliyeed. Sidaasna wuxuu ku noqday aabbaha
saxwada Islaamka ee Soomaaliya. Sheekha aaskiisii waxaa
iskugu yimid culumo farabadan oo kala leh itijaahyo iyo
aragtiyo kala duwan, kana kala tirsan ururrada Islaamdoonka
Soomaaliyeed. Shiikhu wuxuu ifka kaga tagay hal wiil iyo
saddex gabdhood iyo hooyadood.
Geeridiisu
waxa ay ka nixisay dhammaan dadka Soomaaliyeed. Sidaasi
darteed, Sheekhaas weyn ee caanka ah waxaan leennahay Alle
ha u naxariisto, ha u nuuriyo xabaasha, iilka neecaw udgoon
iyo ha ku siiyo naruuro, Aamiin
|