Boggaga Somalida
  Hiiraan Online
  Somali Citizen
  Gacal Magazine
  Hiiraan Today
  Somali Talk
  Horn Afrik
  STN - Tv
  Dayniile
  Banaadir
  Gedo Homepage
  Somaliland Net
  Arlaadinet
  Puntland Post
  Boggaga oo Dhan
Wargeysada
  Warsan
  Somali Press
  Ayaamaha
  Xog-Ogaal
  Dalka
  Elektaroonik
Boggaga Islamka
  Prayer Time
  Qoraxay (Tafsiirka)
  Boqolsoon
  Iviews
  CAIR US
  CAIR Canada
  ISNA
  Quran Speaks
  Islamic City
   
 

Siyaasadda Carabta ee ku aaddan Soomaaliya: Aqalkaaga Dhiso aan kuu soo Martiyee

Cabdirashiid Caalin
Khartuum, Suudaan

In kasta oo dadka taariikhda qora uu ra'yigoodu ku kala duwan yahay meesha dhabta ah ee ay Soomaalidu ka soo jeedo, haddana waxay isku raacsan yihiin in bulshada Soomaaliyeed ay soo gaartay diinta Islaamku qarniyadii hore ee billowgii Islaamka. Taasi waxay sababtay in Soomaalidu ay xiriir diimeed, mid ganacsi, mid dhaqan iyo mid siyaasadeedba ay la yeelato dunida Islaamka oo ay hormuud ka ahayd ummadda Carabta ah. Hadaba xiriirkaas iskaashi oo jira ayaa haddana sanadihii ugu horreeyay xukuumadii Siyaad Barre waxay ku biirtay, ayna xubin ka noqotay Ururka Jaamicada Carabta oo saldhiggiisu yahay magaalada Qaahira ee dalka Masar. Arrimahan oo isbiirsaday dhammaantood waxaa laga garan karaa mas’uuliyadda ka saaran dalalka Carabta inay kaalin muuqata ka qaataan xallinta mushkiladda Soomaaliya. Nasiib darro, marka la eego mowqifyada siyaasadeed ee dalalkani qaataan iyo ficilkooda, waxaa muuqanaysa in Carabtu ay rabto Soomaali mideysan oo xoog leh iyagoo aan wax la taaban karo oo hawl ah gelin gaarista arrintaas. Runtii, xaaladda dhaqanka Carabta ka muuqata waxaa lagu tilmaami karaa “Soomaaliyey gurigiinna dhista, waan idiin soo marti doonnaaye.”

Bal fiiri go’aamada ka soo baxa mar kasta oo uu Ururka Jaamacadda Carabtu shiro. Waxaad arki hadallo ay ka mid yihiin “xal deg deg ah waa in loo helo dhibaatada ka taagan Soomaaliya.” Sidee bay ku dhacaysaa in xal la helo haddii aysan iyagii Soomaali ugu sokeeyey aysan qaadin tillaabo wax ku ool ah. Weliba, waxaa la wada ogsoon yahay inay jiraan dalal cadow ah oo si toos ah u qasaya, kana shaqeynaya sii daba-dheereynaynta colaadda Soomaalida.

Sida aynu ogsoonahay Soomaaliya waxay ku taallaa goob istiraatiiji ah, waxayna ka mid tahay xubnaha muhimka ah ee dalalka Islaamka marka laga fiiriyo dhinaca midnimada iyo diinta. Sidoo kale, waxaa jira dalal Carbeed oo dano waaweyn ka leh Soomaaliya. Tusaale, dalka Masar wuxuu muujiyaa inuu si gaar ah u danaynayo midnimada iyo soo noqoshada quwadii Soomaaliya. Sida dadka siyaasadda lafa gura ay tilmaamaan, dalka Masar wuxuu doonayaa in Soomaalidu ay gaashaan uga noqoto hagardaamo uga iman karta qaar ka mid ah dalalka Geeska Afrika, sida Itoobiya. Masaaridu iyaga oo ilaashanaya danahooda la xiriira webiga Niil ayay waxay aad u muujiyaan inay doonayaan Soomaaliya mid ah oo awood leh. Haseyeeshee, ilaa iyo hadda lama hayo tallaabo macno leh oo ay Masaaridu ka qaadeen si loo gaaro dib-u-heshiisiinta Soomaalida, marka laga reebo shirkii Qaahira ee ay iskugu geeyeen 28 dagaalo ooge.

Waxaan rumeysanahay in haddii ay dalalka Carabtu adeegsadaan culeyskooda siyaasadeed, hantidooda faraha badan iyo xiriirka sokeeye ee ay Soomaalida la leeyihiin ay guul dhab ah ka gaari karaan xallinta mushkiladda Soomaaliya. Dalalka qasaya Soomaaliya dhan kasta way uga liitaan dalalka Carbeed, laakiin waxaa ka go’an inaan Soomaaliya xal ah laga gaarin.

Si kastaba ha ahaatee, xal u helida dhibaatada Soomaaliya waa arrin ay aad ugu baahan tahay taageerada dalalka Carabta ah. Ma shaqaynayso sida hadda dhaqanka dalalka Carbeed ka muuqata ee ah “Soomaaliyey is dabbara, laakiin hadhowna ogaada waan is-leennahaye.” Dalalka Carabtu wixii ay Soomaalida gashadaan marka ay dhibaataysan yihiin ayuunbaa xilliga barwaaqada ay ka fili karaan. Dalalka Carabtu waxay, inta badan, yiraahdaan, "dagaal sokeeye waxaa xal u ah heshiis sokeeye, waanan taageersanahay dadaal kasta oo looga bixi karo dhibaatada Soomaaliya." Waxaan leeyahay aaway ficilkii?

 
copyright 2000 © Himilo Newspaper. All rights reserved. Contact