Siyaasadda Carabta
ee ku aaddan Soomaaliya: Aqalkaaga Dhiso aan kuu soo Martiyee
Cabdirashiid
Caalin
Khartuum,
Suudaan
In kasta
oo dadka taariikhda qora uu ra'yigoodu ku kala duwan yahay
meesha dhabta ah ee ay Soomaalidu ka soo jeedo, haddana
waxay isku raacsan yihiin in bulshada Soomaaliyeed ay soo
gaartay diinta Islaamku qarniyadii hore ee billowgii Islaamka.
Taasi waxay sababtay in Soomaalidu ay xiriir diimeed, mid
ganacsi, mid dhaqan iyo mid siyaasadeedba ay la yeelato
dunida Islaamka oo ay hormuud ka ahayd ummadda Carabta ah.
Hadaba xiriirkaas iskaashi oo jira ayaa haddana sanadihii
ugu horreeyay xukuumadii Siyaad Barre waxay ku biirtay,
ayna xubin ka noqotay Ururka Jaamicada Carabta oo saldhiggiisu
yahay magaalada Qaahira ee dalka Masar. Arrimahan oo isbiirsaday
dhammaantood waxaa laga garan karaa masuuliyadda ka
saaran dalalka Carabta inay kaalin muuqata ka qaataan xallinta
mushkiladda Soomaaliya. Nasiib darro, marka la eego mowqifyada
siyaasadeed ee dalalkani qaataan iyo ficilkooda, waxaa muuqanaysa
in Carabtu ay rabto Soomaali mideysan oo xoog leh iyagoo
aan wax la taaban karo oo hawl ah gelin gaarista arrintaas.
Runtii, xaaladda dhaqanka Carabta ka muuqata waxaa lagu
tilmaami karaa Soomaaliyey gurigiinna dhista, waan
idiin soo marti doonnaaye.
Bal
fiiri goaamada ka soo baxa mar kasta oo uu Ururka
Jaamacadda Carabtu shiro. Waxaad arki hadallo ay ka mid
yihiin xal deg deg ah waa in loo helo dhibaatada ka
taagan Soomaaliya. Sidee bay ku dhacaysaa in xal la
helo haddii aysan iyagii Soomaali ugu sokeeyey aysan qaadin
tillaabo wax ku ool ah. Weliba, waxaa la wada ogsoon yahay
inay jiraan dalal cadow ah oo si toos ah u qasaya, kana
shaqeynaya sii daba-dheereynaynta colaadda Soomaalida.
Sida
aynu ogsoonahay Soomaaliya waxay ku taallaa goob istiraatiiji
ah, waxayna ka mid tahay xubnaha muhimka ah ee dalalka Islaamka
marka laga fiiriyo dhinaca midnimada iyo diinta. Sidoo kale,
waxaa jira dalal Carbeed oo dano waaweyn ka leh Soomaaliya.
Tusaale, dalka Masar wuxuu muujiyaa inuu si gaar ah u danaynayo
midnimada iyo soo noqoshada quwadii Soomaaliya. Sida dadka
siyaasadda lafa gura ay tilmaamaan, dalka Masar wuxuu doonayaa
in Soomaalidu ay gaashaan uga noqoto hagardaamo uga iman
karta qaar ka mid ah dalalka Geeska Afrika, sida Itoobiya.
Masaaridu iyaga oo ilaashanaya danahooda la xiriira webiga
Niil ayay waxay aad u muujiyaan inay doonayaan Soomaaliya
mid ah oo awood leh. Haseyeeshee, ilaa iyo hadda lama hayo
tallaabo macno leh oo ay Masaaridu ka qaadeen si loo gaaro
dib-u-heshiisiinta Soomaalida, marka laga reebo shirkii
Qaahira ee ay iskugu geeyeen 28 dagaalo ooge.
Waxaan
rumeysanahay in haddii ay dalalka Carabtu adeegsadaan culeyskooda
siyaasadeed, hantidooda faraha badan iyo xiriirka sokeeye
ee ay Soomaalida la leeyihiin ay guul dhab ah ka gaari karaan
xallinta mushkiladda Soomaaliya. Dalalka qasaya Soomaaliya
dhan kasta way uga liitaan dalalka Carbeed, laakiin waxaa
ka goan inaan Soomaaliya xal ah laga gaarin.
Si kastaba
ha ahaatee, xal u helida dhibaatada Soomaaliya waa arrin
ay aad ugu baahan tahay taageerada dalalka Carabta ah. Ma
shaqaynayso sida hadda dhaqanka dalalka Carbeed ka muuqata
ee ah Soomaaliyey is dabbara, laakiin hadhowna ogaada
waan is-leennahaye. Dalalka Carabtu wixii ay Soomaalida
gashadaan marka ay dhibaataysan yihiin ayuunbaa xilliga
barwaaqada ay ka fili karaan. Dalalka Carabtu waxay, inta
badan, yiraahdaan, "dagaal sokeeye waxaa xal u ah heshiis
sokeeye, waanan taageersanahay dadaal kasta oo looga bixi
karo dhibaatada Soomaaliya." Waxaan leeyahay aaway
ficilkii?
|