Marka laga hadlaayo dagaal, qulqulato ama argagaxin waxaa jirta macnayaal kala duwan oo loo tiigsado lagana soo dheehdo.
Dagaalku waa in askar hubaysan oo leh nidaam ay ka hortagaan askar kale oo hubaysan oo leh nidaam isla markaana isku adeegsadaan hub ay u tababaran yihiin sida loo adeegsado. Dagaalka noocaas ah wuxuu dhex marki karaa labo dal ama labo huwan ama iskaashi oo kala durugsan mabda' ahaan ama maslaxad ahaan iskana soo horjeeda.
Qulqulatadu waa inuu dhaco dagaal jahwareersan oo dhex mara dad aan nidaamsaneyn isla markaana ogeyn sababta ay u dagaallamayaan oo la mid ah isku dhax yaaca soo jiitamayay mudada dheer ee ka taagnaa Soomaaliya.
Waxaa arrintaas ka sii murug badan arrin aanan taariikhda weligeen ku baran, ama aan horay loogu amaanin in halyeey Soomaaliyeed uu sameeyay. Waxaanan na lagu soo barbaarin ama aanan weli Ubad Soomaaliyeed hooyadiis ugu heesin in mid ka mid ah awoowayaashiis tallaabo noocaas ah ku dhaqaaqay si uu u difaaco diinta Islaamka ama dalka Hooyo. Waa arrintii murugada laheyd ee Khamiistii 3da bisha Diseembar 2009 ka dhacday Hoteelka Shaamow ee ku yaalla dhinaca koonfureed ee magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho. Waa is qarxin ama "argagax galin". Waa burburin bulsho, waa ka tallaabsi xeer kasta, waa niyad jabin umadeed iyo baqdin gelin waxgarad. Si kooban waa dad indhaha laga riday.
Waxaa arrin adag aheyd in Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho uu qofku ku aado Iskool ama Jaamacad, balse waxaa filan waa noqotay in ayadoo la ogyahay baahida reer Muqdisho ay maanta u qabaan dhakhaatiir iyo dad maatada daaweeyo haddana la gumaado dhallinyaro u xuubsiibatay isla markaana ku dhaartay inay lacag ayagoon ka qaadin daaweynayaan intii tabar daran ee tabaalaysan.
Waxaan aad iyo aad ugu tacsiyeynayaan bahda Himilo dhamaan Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoysaska shalay subxii dhoolla cadeynaayay balse xalay fiidkii murugaysnaa ee ay ka dhasheen ardaydii qallin jabisay. Waxaan tacsi taas la mid ah u diraynaa qoysaska ay ka geeriyoodeen asxaabteena saxafiyiinta ah ee lagu laayay goobtaas, iyo dhamaan bulshada Soomaaliyeed dhibaatadii naxdinta laheyd ee soo gaartay bahda aqoonta iyo barbaarinta ee ku kulmay halkaas.
ILaahay ha u naxariisto dhamaan, Dhibaatadana ha ka dulqaado bulshada Soomaliyeed.
Abdirashid Alim Maow
Himilo Somali NewsPaper.


