Somali News | Munaasabad lagu xusaayo maalinta saxaafadda Soomaaliyeed oo maanta lagu qabtay Muqdisho
Last Updated: Sep 22, 2009 - 12:00:00 AM
Dad rayid ah oo ku waxyeelloobay dagaallo caawa ka dhacay Muqdisho

Dagaallo culus ayaa caawa fiidki waxay ka dhaceen qaybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho ayadoo dagaalladaasi ay sababeen dhimasho iyio dhaawac soo gaaray dad rayid ah.

 
Dagaaladan oo maqribnimadii caawa hal mar ka qarxay agaagaaraha fariisimaha ay Ciidamada AMISOM ku leeyihiin qaybo kamid ah Wadada Makka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay saamayn ku yeesheen inta badan degmooyinka gobolka Banaadir waxaana ay si gaar ah u saameeyeen degmooyinka Howlwadaag, Hodan iyo Dayniile ee gobolka Banaadir.
 
 
Inta la ogyahay dagaaladani ayaa waxaa ku geeryooday ilaa iyo 8-ruux halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 15-kale oo dhamaantoodba ahaa dad rayid ah,waxaana la sheegay in dadka ku dhintay dagaalada ay intooda badan Madaafiic kula habsatay guryahooda iyo goobo kale oo ay gabaad ahaan ugu jireen.
 
 
 

Dagaallada soo noqnoqnaya iyo madaafiicda la is dhaafsanayo ee dhexmaraya kooxaha ku hardamaya gudaha agaalada Muqdisho ayaa ah qaar sababa dhibaato baahsan oo soo gaarta maatada aan waxba galabsan ee ku dhaqan gudaha magaalada Muqdisho.

 

Himilo Somali Newspaper, Muqdisho

http://www.youtube.com/watch?v=RHb8jpUliso
spacer