Himilo:- Xaaladda Bini aadanimo ee Somalia ayaa ah mid si ba'an uga sii daraysa. Hey'adda qaramada midoobay u qaabilsan Cuntada ayaa war ay ka soo saartay arrinkaas ku sheegtay in ka badan 3milyan oo Soomaali ah ay la tabaalaysan yihiin xaalad nololeed oo aad u liidata ahna tii ugu darneyd muddo 18sano ah.
Hay'adda ayaa ku sababaysay duruufahaasi adag inay yihiin kuwo ka dhashay abaaraha adag ee soo wajahay gobollafa dalka iyo xaaladda colaadeed ee ka taagan bartamaha iyo koonfurta Somalia.
Maatada Soomaaliyeed ayaa ayagu ah kuwo markasta u soo taagan dhibaatooyinka soo noqnoqda ee aysan jirin cid ay la kaashadaan amaba diyaar u ah inay wax kala qabato si dhamaystiran marka laga reebo gargaar aan ku filneyn oo mararka qaar ka soo gaara hay'adaha samafalka oo shaqadoodu gabaabsi ku tahay gobollada koonfureed ee dalka sababo xagga ammaanka ah awgood.
Himilo Somali Newspaper


