Himilo:- Dowladda Midnimada Qaran ee Somalia ayaa shaacisay in qaar ka mid ah kooxaha ka soo horjeeda ee ka tirsan ururada Shabaab iyo Xisbul Islaam ay ku soo biireen xukuumadda.
Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee reuters, wasiirka arrimaha dibadda ee Somalia Cali Jaamac Jingili ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay caasimadda ku sheegay inuu wada hadal u socdo xukuumadda uu wasiirka ka yahay iyo kooxaha diidan ee ka soo horjeeda isagoo intaa raaciyay in qaar ka mid ah mucaaradku ku soo biireen dowladda.
Ururrada Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa ayagu ah kuwo hubaysan isla markaana dagaal kula jira dowladda midnimada qaran ee Somalia.
Dadka siyaasadda lafa gura ayaa tallaabadan ku tilmaamay in ay tahay mid horay loo qaaday oo wax ka tari karta xasillooni ku soo dabbaalidda dalka dagaalladu ragaadsadeen ee Somalia.


