Somali News | Editorial: A cautious welcome and a word of caution for Sheikh Sharif
Last Updated: Aug 06, 2009 - 12:00:00 AM
Sharif iyo Clinton oo Nairobi ku kulmay

Himilo, Nairobi:- Madaxweynaha dowladda midnimada qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmad iyo wasiirka arrimaha dibadda Maraykanka haweeneyda lagu magacaabo Hillary Clinto ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

Kulanka labada mas'uul oo ka dhacay dhismaha safaaradda Maraykanka ayay ku lafa gureen xaaladda cakiran ee dalka Somalia.

 

Shir jaraa'id oo ay si wada jir ah u qabteen Madaxweynaha iyo wasiiradda ayay wasiiraddu ku sheegtay in dowladda Maraykanka ay taakuleyn la garab taagan tahay dowladda KMG ah.

 

Hilary Clinton ayaa dhaleeceyn u soo jeedisay dalka Eretria ayada oo ku canaanatay inay taageeraan kooxda Alshabaab isla markaana ugu baaqday in Eretrea ay noqoto mid ka qeyb qaadata nabadda gobolka ee aan qalalaase hurinin.

 

Madaxweyne Shekh Sharif ayaa asagu dhankiisa uga mahad celiyay dowladda Maraykanka taakuleynta ay la garab istaagtay Somalia isagoo sheegay in shacabka Soomaaliyeed loo baahan yahay in la wada samata bixiyo.

 

Dadka siyaasadda lafa gura ayaa sheegay in kulankan dhax maray labada Masuul uu ugu yaraan ku dhiirri gelin karo dowladaha Afrika inay soo dadajiyaan ciidanka looga fadhiyo ee la filayo inay ka qeyb qaataan dajinta dalka colaaduhu ragaadiyeen ee Somalia.

 

http://www.youtube.com/watch?v=RHb8jpUliso
spacer