Himilo-
Waxaa xalay magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ka dhaqan galay bandow ay ku soo rogtay dowladda midnimada qaran kadib markii labo maalmood ka hor ay si buuxda ula wareegtay labada waaxood ee ay ka kooban tahay magaalada.
Bandowgan oo billowday shalay qorrax dhacii ayaa socday ilaa saaka aroortii ayadoo xalay magaalada oo dhan gaar ahaanna dhanka galbeed lagu arkyaay ciidanka dowladda oo koox koox u soconaya, sugayana ammaanka magaalada.
Dhanka kale afar qofood oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay qarax nooca bambaanada gacanta laga tuuro ah oo lala beegsaday habeenimadii xalay ciidanka dowladda mar ay ku sugnaayeen xaafadda Howlwadaag ee dhanka galbeed ee magaalada B/weyne.
Xaaladda magaalada B/weyne ayaa aheyd labadii maalmood ee la soo dhaafay mid ay ka jirtay daganaansho feejignaan ku jirto ayadoo lagu arkayo inta badan magaalada ciidanka dowladda midnimada qaran ee Somalia.


