Himilo- Beledweyne 26-7-2009
Dagaal aan muddo badan socon isla markaana khasaare badan aan gaysanin ayaa saakay aroor hore waxaa guud ahaan magaalada B/weyne kula wareegay ciidamada dowladda KMG ah ee Somalia.
Ciidanka la wareegay labada qeybood ee magaaladu ka kooban tahay ayaa la sheegay inay dhowr meelood oo kala duwan ka soo galeen magaalada ayagoo si sahlan ula wareegay dhanka galbeed ee magaalada oo ayadu saldhig u aheyd kooxaha iskaashada ee diidan maamulka dowladda.
Jen. Mukhtar Xuseen Afrax, oo hogaaminyay ciidankaas ayaa ku nuuxnuuxsaday inay eryeen kooxo uu ugu yeeray argagaxiso asagoo tibaaxay in diinta Islaamku farayso in layska qabto wixii fasaad ku dhax wada bulshada. Jeneraalka ayaa sheegay inay meel kasta ku baacsan doonaan kooxahaas ilaa ay ka sifeeyaan dalka oo dhan.


